Ballanqaayadii madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud u sameeyey dadka Soomaaliyeed ayaa guud ahaan gunaanaday guuldarrooyin taxan intii uu deggenaa Villa Soomaaliya. Ballanqaayadaas ayuu ka dhabayn kari waayey. Idil ahaantood qodobadii lixda ahaa ee uu hiyi-raaca ka dhigtay giddi ahaan kari waayey. Waxaa meesha ka baxay dareenwadaaggii uu hoggaamiye la lahaan karay dadweynaha uu hawsha u hayo. [...]
↧