Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Ganacsade lagu dilay Gaalkacyo iyo Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo la dhaawacay

$
0
0

Muqdisho, 4 December 2015: Kooxo hubeysan ayaa maanta Gaalkacyo  ku dilay Ganacsade caan ka ah magaalada, kaasoo lagu magacaabi jiray Daahir Aqwaan, iyagoo dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Tahliil.

Wararka ayaa sheegaya in koox hubeysan oo aan heybtooda la garan ay gaari ay la socdeen Xildhibaanka iyo Ganacsadaha ku weerareen wadada aada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, halkaasoo shir uga socday Madaxda Puntand, Galmudug, Madaxda Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Ganacsade Daahir Aqwaan ayaa ka mid ahaa Ganacsatada ku howlanaa xalinta xiisada ka taagan Gaalkacyo, isagoo ka qeyb qaadanayay dadaaladii nabadeed ee ka socday magaalada, kaasoo uu horkacayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid degan, iyadoo wali ay ka socdaan dadaalada lagu doonayo in lagu dhameeyo xiisada colaadeed ee ka taagan magaaladaas.

Guddiyada ku howlan xalinta colaada ayaa maanta lagu wadaa inay kala qaadaan ciidamada isku hor fadhiya magaalada, waxaana rajo laga qabaa in lagu guuleysto kala qaadista ciidamada is hor fadhiya, in kastoo arinta Gaalkacyo ay weli qasantahay.

 

 

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles