Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Qunsulka guud ee Soomaaliya ee Jeddah iyo Agaasimaha guud ee laanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga ee Mecca oo kulmay.

$
0
0

Jeddah, December 03, 2015 – Qunsulka guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia Mudane, Siyaad Maxamuud Shire ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay howlaha shaqo ee Qunsuliyadda guud oo dhowaan loo magacaabay , kadib kullan soo dhoweyn ah oo uu u sameeyay Agaasimaha guud laanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga ee Mecca Danjire Mohammed bin Ahmed Tayyip,waxaana kulanka uu ka dhacay Magaalada Jeddah .

Kulankan ayaa Qunsulka guud ee Soomaaliya ee Jeddah ku gudbiyay sallaan iyo fariin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , iyadoo la isku weydaarsaday aragtiyo ku aadan xoojinta howlaha Qunsuliyadda iyo dadaalada loogu adeegayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sucuudiga .

Kulankan oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa Qunsulka guud ku wehlinayay fadhigan Xoghayaha labaad ee Qunsuliyadda , Ayuub Ismaaciil .

.

.

_______________________

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Trending Articles