Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Kooxo ku hubaysan Midiyo oo Dameer ku dilay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho, 4 December 2015: Kooxo ku hubaysan Midiyoo ku dilay Dameer ku xirnaa cid gurigeeda oo ku yaalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.  Nin milkilaha Dameerka ah ee lagu magacaabo Xasan Cade ayaa Warbaahinta u sheegay in 8 saac oo habeenimo la soo weeraray Dameerkiisa kadib la gaarsiiyay Dhaawac culus oo uu u geeriyooday.

Xasan Cade, ayaa xusay inaysan jirin dad ay colaaddi kala dhaxayso Dameerkiisa oo ku dhaqaaqi kara fal nuucaas ah. Wuxuuna  tilmaamay inuu Rabbi ku daayay dadkii dilay  Bahaahinkaas. “Miskiin Oday ah oo Bahaahinkiisa laga dilay ayaan ahay, mana doonayo inaan degdego. Marka  Cawada mar aan ahayn ayaan arki doonaa dadkaasi” ayuu yiri Xasan oo si feejigan u hadlaya.

Waa markii u horaysay Taariikhda oo la maqlo ama la arko dad Midiyo ku hubaysan oo Dameer ku dilay Soomaaliya gudaheeda.

Tani waa dhacda la yaab leh ee an horay loo arki, balse la ogaan-doone wixi ku qasbay dadkaan iska maagay dameer reer u xirnaa.

 

 

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles