Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19444 articles
Browse latest View live

SAWIRO: Qaraxa ka dhacay Laanta ilaalada Canshuuraha Biriga ee Muqdisho

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 4  2020-Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qarax ka dhacay Laanta Ilaalada Canshuuraha Biriga oo kasoo horjeeda Dekedda Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawac uu soo gaaray ku dhawaad Askari ilaalo ka heysay xarunta , islamarkaana uu qaraxa ku geeriyooday ruuxii waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________


134 xarumood oo lagu galaayo Imtixaanka Shihaadiga ah ee Puntland

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 4  2020–puntland waxaa maanta imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe u fariistay 16,500 Sidda ay shaacisay Wasaarada waxbarashada Puntland.

Cudurka Corona virus awgiis dhamaan ardayda waxaa loo xiray afka si loo ilaaliyo badqabkooda .

Ardeyda Imtixaanka u fadhiisatay ayaa ka kooban Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare iyo Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe ee maamulka Puntland,

134 xarumood oo ku kala firirsan 9ka gobol ee ay Puntland ka kooban tahay ayaa looga fadhiistay Imtixaanka.

Sanad walba xilligaan oo kale ayaa la qabtaa imtixaanka Shahaadiga ah ee ka dhaca Deegaannada Puntland, kaaso ah imtixaan lagu qiimaynayo ardayga waxsooo baranayay muddada 8 sano ah iyo sidoo kale kan isna waxbarashada soo waday 12ka sano, si loo hubiyo aqoontooda iyo tayadooda waxbarasho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyay Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 4  2020–Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Saakay lala beegsaday Waaxda ilaalada Canshuuraha Biriga oo ku taalla kasoo horjeedda Dekedda Muqdisho gaar ahaan Dhabarka dambe ee Xarunta degmada Xamarjajab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka ilaalinayay xarunta.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska rasaas ku fureen ka hor inta uusan soo gaarin xarunta Ilaaladda Canshuuraha, islamarkaana uu ku geeriyooday kaliyah qofkii waday gaariga Qarxay.

Nooca gaariga Qarxay ayuu ku sheegay in uu ahaa Sruf Madow ah.

Xarunta ilaalada Canshuuraha biriga ayaa ka mid ah meelaha sidda weyn loo adkeeyo ammaankooda, waxaana ay ku taalla Dekedda Muqdisho oo ka mid ah Ilaha ugu muhiimsan dhaqaallaha dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Madaxweyne Deni oo daah-furay Imtixaanaadka Shihaadiga Puntland

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 4  2020-Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo ardey.

Maamulka waxay xoojisay feejignaanta caafimaad ee ardayda iyadoo maanka lagu hayo xaaladda Covid-19, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaana ka wada shaqeeyay in la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale.

Madaxweynaha ayaa Imtixaanaadka sanadka ku daah-furay Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug.

Ardeyda Imtixaanka loo daah-furay guud ahaan Puntland waa 16,500 oo ardey, 5,447 Ardey oo ka mid ah waa Dugsiga Sare halka 11,053 Ardey ay u fariisanayaan Imtixaanka Fasalka 8-aad.

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo iyo dardaaran la wadaagay ardeyda, isagoo u rajeeyay guul iyo in alle u fududeeyo Imtixaanaadka.

Daah-furka Imtixaanaadka waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Xubnaha Golaha Wasiirada oo ay ugu horeyaan Masuuliyiinta Waxbarashada, Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shaqadda ka ceyriyay Wasiirkiisii Warfaafinta

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 4  2020–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Mohamed Lafta-gareen ayaa Xilkaqadis ku sameyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Wasiirka ayaa ka mid ahaa Wasiiradii shaqeynayay tan iyo markii la aasaasay maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu ka mid ahaa xubnihii la shaqeyn jiray Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Somaliland oo u jawaabtay Shiinaha

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 4  2020–Somaliland ayaa ka jawaabtay digniintii Shiinaha ee ku aadana in aysan xiriir la yeelan karinTwain oo qaar ka mid ah Madaxda Caalamka ay dowlad u aqoonsan yihiin, dhawaan xiriir la yeelatay Somaliland.

Somaliland waxa ay sheegtay in Muddo uu soo socday xiriirka Somaliland iyo Twain oo labadu Soomaaliya iyo Shiinaha dowladdaha ka jira ay aaminsan yihiin in ay dhulkooda iyo xukunkooda ka mid yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Yaasiin Faratoon, ayaa sheegay in aysan culeys u arag hadalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

“Shiinaha uma aragno in uu culeys yeelanayo, innagana Soomaaliya ayaa tidhaahda annagaa leh, iyana shiinaha ayaa dhaha anaa leh, lakiin labadayaduba waan madax bannaan nahay, namana quseyso”. ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Twain iyo Somaliland ayaa shalay isku Magacaabay wakiilo cusub.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Wasiir Beyle oo sheegay in dhaqaallaha dalka uu hoos dhacay

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 4  -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo maanta baarlamaanka Soomaaliya horgeeyay ku noqoshada Miisaaniyada Soomaaliya ayaa sheegay in hoos u dhac aad u weyn uu ku yimid Dhaqaallaha dalka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu hoos u sii socda maalinba maalinta ka dambeysa, sababtuna ay tahay Cudurka Corona virus.

Wasiir Beyle waxaa uu sheegay in aysan dhici doonin in Miisaaniyaddii ay ku tala galeen ay soo baxdo, islamarkaana isbedal weyn uu ku yimid.

“Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkaan waxaa saameeyay Xanuunka #Covid-19, oo sababay in ay hoos uga dhacdo halkii kutalagalku ahaa” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa xusay in aysan jiri doonin shaqaalle dowladdu ay qaadanayso, maadaama uu dhaqaallihii sii liicaayo.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran iyo Madaxweyne hore Cali Mahdi Maxamed oo ku kulmay Muqdisho

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 4  2020–Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah gurigiisa magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Cali Mahdi Maxamed.

Seddexda Madaxweyne ayaa salaan iyo is xog wareysi kadib waxay si’ qotta dheer uga hadleen baahida loo qabo in lala yimaad dadaal samata bixineed oo ku aaddan Xaaladda uu Dalka ku jira.

Waxaa si’ gaar ah looga hadlay Doorashooyinka oo weli mugdi ku jiro, hannaanka loo marayo iyo kala aragti duwanaashaha baahsan ee ku aaddan arrimahaas iyo curdinnimada hannaanka dowladnimo ee Dalka.

Waxaa leysla soo qaaday Arrimahaan aan soo sheegnay oo keeni kara dhibaato ku timaad habsami u socodka dowladnimo iyo Geeddi socodka Nabadda Soomaaliya taasoo u baahan in laga hor tago, lana helo talo mideysan oo lagu waajaho arrintaas si’ looga baaqsado qataraha soo wajihi kara markale Qaranimada Soomaaliya.

Baahida loo qabo dib u heshiisiin dalka ka dhacda guud ahaan si’ Umadda Soomaaliyeed markale uga tashaadaan aayahooda gaar ahaan arrimaha taagan oo kamid yihiin doorashooyinka, sidaasoo kale waxaa lagu falanqeeyey shirarka beesha Muddullood uga socda Muqdisho iyo in baahi loo qabo in la dhiirri geliyo habsami u socodkiisa ayna gaaraan heer Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________


SAWIRO:-Ciidanka Dowladda oo kala Eryay dad dhigayay dibadbax looga soo horjeeday Farmaajo

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Dad isugu jira,dhalinyaro, Odayaal iyo Haween ayaa muddo kooban waxaa ay banaanbax ka dhigeen Taalada daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir,kaas oo la sheegay inay uga soo horjeedeen dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha oo aan badneyn ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid ahaayeen Madaxweyne Farmaajo is casil, iyaga oo sheegay in uu ku fashilmay hoggaaminta dalka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa sida la sheegay tegay Goobta, iyaga oo rasaas ku kala eryay dadka dhigayay banaanbaxa,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay Ciidamada xireen qaar kamid ah dadka dhigayay banaanbaxa.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in dadka ay Ciidamada xireen in uu kamid yahay Guddoomiyihii hore degmada C/casiis Cusmaan Muxiyadiin Cariif oo ka mid ahaa horjoogayaasha banaan baxa.

Sidoo kale Ciidamada ayaa Wariyeyaasha halkaasi tegay u diiday inay duubtaan dadka banaanbaxa dhigayay,waxaana Wariyeyaasha qaarkood ay ka qaadeen qalabkii ay ku Shaqeynayeen.

laamaha Ammaanka Soomaaliya weli kama hadlin banaanbaxaasi oo weli sirasmi ah ana loo shaacin dadka soo abaabulay,hayeeshee wararka qaar ay sheegayaan inay ka dambeeyeen Xubno kamid ah mucaaradka dowladda Soomaaliy

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

SOMA oo cambaareysay fal lagula kacay Wariyeyaal ka tirsan Universal Tv

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa si xoog ah waxaa ay Qalab Warbaahineed uga qaateen wariyeyaal ka tirsan Universal TV-, kuwaas oo ku howlanaa duubista dadka dibadbax looga soo horjeeday dowladda ka dhigayay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Dalladda SOMA oo ah Hay’ad Warbaahineyd ayaa cambareeysay falkaasi ay kula kaceen Ciidamada Dowladda Soomaaliya Wariyeyaasha ka tirsan Tv-ga Universal, iyaga oo dalbaday in Wariyeyaasha qalabkooda loo soo celiyo.

“Wariyaashu waxay xaq u leeyihiin inay duubaan cabashada dadweynaha in ciidamada dowladdu u gacan qaadaan waa sharci darro, waxaan dowladda ka dalbaneynaa in wariyaasha loo soo celiyo qalbkooda raali gelinna laga bixiyo arrintaas xadgudubka ah ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay SOMA.

Ciidamada Dowladda ayaa mararka qaar waxaa ay tacadiyo kala duwan kula kacaan Wariyeyaasha xilliyada ay ku jiraan howlahooda Shaqo gaar ahaan kuwa Wardoonayaasha, iyada Wasaaradda Wafaafinta Soomaaliya aysan arrimahaasi ka hadlin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah dib ugu furtay Duulimaadyada Gudaha

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Ku dhawaad boqol cesho oo ay xirnaayeen duulimaadyada gudaha dalka ayaa saakay si rasmi ah dib loogu furay ka dib saameyntii cudurka safmarka ah ee civod19 oo yaraatay.

munaasabad kooban oo haatan ka socota gudaha garoonka Adan Cade ayaa lagu maamuusayaa in dib loo furo garoonka iyadoo ay goob Joog ka yihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maareeyaha hay,adda duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay inay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaala maadaama wali uu jiro halista cudurka Karoona Feyrus.

Golaha Wasiirka xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee Khamiislaha ah ku ansixiyay in dib loo furo duulimaadyada gudaha dalka oo hore loogu hakiyay si loo yareeyo faafitaanka cudurka covid19.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29 bisha sedexaad ee sanadkaan 2020 hakisay sabab la xariiira cudurka safmarka ah ee Covid19.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Al-Shabaab oo gaari kala degay Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Warar ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay gaari uu saarnaa kala degeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Xildhibaanka oo lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa sida la sheegay ka yimid dhinaca Magaalada Jowhar,isaga oo kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho, balse Gaariga lagala degay xilli uu marayay wadada xiriirisa Magaalada jowhar & degmada Balcad gaar ahaan duleedka Tuulada Gololeey.

Odayaal la socday Xildhibaanka oo kasoo raacay Magaalada Jowhar ayaa Warkaan u xaqiijiyay Radio Risaala, iyaga oo sheegay in iyaga ay ka badbaadeen,balse ay gaariga kala dageen Xildhibaanka oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay la aadeen.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ayaa dhowr jeer waxaa ay Al-Shabaab ka fuliyeen weeraro lagu dilay Xildhibaano, Askar iyo mas’uuliyiin kale,iyaga oo sidoo kale gaari kala degay dad la Shaqeynayay Dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle weli kama hadlin Xildhibaanka ay Al-Shabaab gaariga kala dageen,hayeeshee Risaala ay xiriiro kala duwan la sameysay welina u suurtagelin.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay dilka Xildhibaanka

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay dilka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshow oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle,kaas oo saakay Al-Shabaab gaari kala dageen,kaidbna ay dileen.

War kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa loogu tacsiyadeeyay Ehellada marxuumka,isaga oo Alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabaab ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee Hir-Shabeelle inay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kara Al-Shabaab xilliyada ay ku guda jiraan socdaalka Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Hoos Ka Akhriso Warka kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle.

Gudoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan mohamed Mohamud Siyaad Xuurshow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay dileen kadib markii ay ka qafaasheen isagoo ku safraya wadada udhaxeysa Jowhar Iyo Muqdisho.

Gudoomiye Sheikh Osman ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum xildhibaan Mohamed Siyaas waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha waxuu Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale ee Dowlada uga digayaa Qataraha Kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay kageysan karaan Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Dowladda Qatar & OIC oo ka hadlay qaraxyo ka dhacay Muqdisho & Baydhabo

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–War-murtiyeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii khasaaraha geystay oo ay Al-Shabaab Shalay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Dowladda Qadar ayaa tacsi u dirtay Dowladda Soomaaliya iyo Ehelada Dadkii ku waxyeelloobay qaraxa, iyadoo Dadkii ku dhaawacmayna Alle ugu rajeysay inuu bogsiiyo.

Xukuumadda Doxa ayaa sheegtay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la garab taagan tahay taageera kasta oo lagaga hor-tagayo weerarada Al-Shabaab.

Dhinaca kale Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si kulul u dhaleeceeyay qaraxyadii ay Al-Shabaab ay shalay ka geysteen Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaartay Dad isugu jira Rayid iyo Ciidan.

Ururka OIC ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada iyo Qoysaska Dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadaas, wuxuuna u rajeeyay inuu Alle u booga dhayo Dadka dhaawaca ah.

Ururka OIC ayaa ku cel-celiyay cambaaraynta iyo diidmada adag ee ku aaddan kooxaha qaraxyada, wuxuuna ku dhowaaqay in ay Dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin mar walba taageero kasta oo lagaga hor-tagayo falalka ay geystaan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Diyaarad siday Deeq Dawo ah oo soo gaartay Muqdisho

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kasoo degtay diyaarad siday deeq dawo ah oo katimid Midowga Yurub,taas oo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Garoonka Aadan-Cadde ayaa mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Midowga Yurub ee Muqdisho waxaa ay deeqdaasi dawada ah ku wareejiyeen Xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Deeqdaan dawada ah ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka tahay gurmadka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed ay ka heleyso caalamka gaar ahaan kuwo loogu talo galay ka hortagga COVID-19 IYO cuduro kale.

Xubnaha ka socday Wasaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa midowga Yurub waxaa ay uga mahad celiyeen deeqdaan dawada ah oo ay soo gaarsiiyeen,waxaana dhinaca kale Xubnaha Safaarada Midowga Yurub ee Muqdisho ay dhankooda sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomalaiya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________


Xildhibaan Odawaa” Suuro gal maahan in dadweynaha MW Farmaajo u soo banaan baxa la waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana la weeraro”

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cambaareeyay falkii Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay ku rasaaseeyeen dad Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ka dhigayay banaanbax looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu Xildhibaanka soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inay wax laga xumaad tahay in dadweynaha MW Farmaajo u soo banaan baxa in gaadiidka ciidanka lagu waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana lagu weeraro.

Hoos Akhriso Qoraalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa .
Dastuurka Dowladda Federaalka ayaa damaanad qaadaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay cabashadooda iyo taageeradooda isku soo bax nabadeed ku cabiri karaan.

Waxaan cambaareynayaa in rasaas nuucyadeeda kala duwan loo adeegsado muwaadiiniin si nabad ah isugu soo baxey maanta magaalada Muqdisho.

Suuro gal maahan in dadweynaha MW Farmaajo u soo banaan baxa in gaadiidka ciidanka lagu waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana lagu weeraro.

Waxaan ku baaqayaa in si dag dag xoriyadooda loogu soo celiyo dadka sida sharci darada ahay lagu xiray oo uu ka mid yahay:mudane Cusmaan Cariif, Gudoomiyihii hore ee dagmada Cabdicasiis

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

SAWIRO: Kulan Muqdisho uga socda Guddoonka baarlamaanka iyo Madasha Xisbiyadda Qaran

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal iyo Gud. Ku xigeenka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya C/wali Muudey ayaa xarunta Madasha Xisbiyada Qaran kulan kula leh Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan labaddii Madaxweyne ee hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka gaar ahaan doorashooyinka sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Madasha Xisbiyadda Qaran.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay Jadwalka Imtixaanka dugsiyadda Sare

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa shaaciyay Jadwalka Imtixaanka dugsiyadda Sare ee dalka oo dhawaan bilaaban doonna.
Imtixaanka wuxuu dhici doonaa Sabti 18 Luuliyo 2020
Waxaa sidoo kale lagu sheegay Warbixinta Wasaradda waxbarashada sidii in Imtixaanka Ammaankiisa la adkeyn doono.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Galmudug oo Tababar furtay Ciidamo Cusub

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 6  2020–Ciidamo la qorsheynayo in ay ka mid noqdaan Ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa tababar uga furmay xerada Ciidamada dhaan karoone ee ku taala duleedka deegaanka Galinsoor ee gobalka Galguduud.

Tababarkaan oo socan doona sida uu sheegay wasiirka amniga Galmudug muddo dhowr bilood ah ayaa waxaa furitaankiisa la hadlay wasiirka wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sheegay in Ciidamada tababarka looga furay xerada dhaan karoona ay qeyb ka yihiin Ciidamada loo carbinayo kuwa daraawiishta Galmudug kuwaas oo qaarkood mudooyinkii u danbeeyay uu tababar uga socanayay xerada Indha qaris ee ku taala duleedka deegaanka Docol ee gobalka Mudug.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa wado dardar xoogan oo ay ku qarameyneyso maleeshiyaadka kala duwan oo ay horay u heysteen beelaha wada dago deegaanada Galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Galmudug oo soo saartay digniin ku socota Ciidamada

$
0
0

Mogadisho | QOL |  July 6  2020–Wasaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay digniin iyo amaro ku socda Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas,kuwaas oo looga digayo ka qeyb qaadashada dagaal beeleedyada mararka qaar ka dhaca degaano ka tirsan Maamulkaas.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maranaba aan la aqbali karin in Ciidamo ka tirsan Galmudug ay ksii qeyb qaataan dagaal beleedyada.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay waajib ku tahay inay ka qeyb qaataan joojinta colaad beeleedyada,hayeeshee aysan aheyn kuwii u kala hiilin lahaa,waxaana uu u digay ciidamada ka qeyb qaata dagaal beeleedyada.

Isaga oo sii hadyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in sidoo kale aqbali doonin Odayaasha ay u yeeraan Al-Shabaab ee deegaanadooda aada.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa horay u sheegay inay tallaabo cad ka qaadi doonaan dadka aada deegaannada Al-Shabaab,isaga oo sheegay in dadkaasi ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab oo kale

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Viewing all 19444 articles
Browse latest View live