Mogadisho | QOL | July 6 2020–Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland ayaa shaacisay tirada dadka ku dhintay iyo hantida ku khasaartay shilalkii ka dhacay sanadkii tegay ee 2019 degaannada Soomaaliland.
Waxaan Sodaasi Sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland, Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay in shilalka ay ku dhinteen 200 oo qofo5000 oo qofna way ku dhaawacmeen,hanti ku dhaw laba Milyan oo doolar-na ay ku burburtay.
Isaga oo hadal ka jeedinayay Wasiirka munaasad lagu furayay xarumaha baarista badqabka gaadiidka ee lagu qabtay magaalada Hargeysa ayuu sheegay in Soomaaliland ay muujin doonto siyaabo looga hortagayo shilalka kusii kordhaya degaannadeeda.
Shilalka ugu badan oo ay Warbaahinta daabacday sanadkii tegay ee 2019 ayaa waxaa ay ka dhaceen wadada xiriirisa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,waxaana ku dhintay dad ay mas’uuliyiin ku jiraan.
Mogadisho | QOL | July 6 2020–Ciidamada Booliska degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay shaaciyeen in qof loo xiray Gabar yar oo 11 jir aheyd,taas oo meydkeeda laga helay degaanka Ceyn ee duleedka Magaalada Godinlabe.
Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska Degmada Godinlabe ayaa sheegay in Gabadha yar oo lagu Magacaabi jiray Caaisho Maxamed Shanleey markii la dilay kadib meydkeeda la kor saaray geed oo ay kasoo bixiyeen.
Waxaa uu sheegay in kiisaasi dilka ah ay u soo qabteen Haweeney kamid ah dadka degaanka Ceyn oo la sheegay inay gabadha yar Habar yar u aheyd, isla markaana ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan.
Mogadisho | QOL | July 6 2020–Soomaaliland ayaa soo bandhigtay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray Cudurka laga helay 10 kamid ah dadkaas,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira rag 7 Dumar ah ayaa Gudiga waxaa ay sheegeen in lix kamid ah ah ay yihiin Ajaanib Shaqooyin kala duwan ka haayay deegaannada Soomaaliland.
Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 765 Ruux 29 Ruux ay u geeriyoodeen halka 518 Qof ay ka bogsoodeen.
Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana arrintaan ay kusoo aaday, iyada oo dhawaan Soomalailand ay qaaday xayiraadii lagu xakamaynayay faafitaanka cudurka
Mogadisho | QOL | July 6 2020–Laba maleeshiyo beeleed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ku dagaalameen degaanka Horufadhi ee Gobolka Sool,kuwaas oo dagaalkooda uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray maleeshiyaadka dagaalamay.
Guddoomiyaha Gobolka Sool, ee Soomaaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in dagaalkaas uu yahay mid cawaaqim-xumo iyo caqabad ku ah dedaalladii nabadeynta ee socday.
“Maamulka gobolka Sool & shacabkaoo isku duuban, waxay ka xun yihiin colaadda ka soo cusboonaatay degmada Horufadhi ee Gobolka Sool,waa mid keeni kara dhibaato horleh oo Bulshada isku geystaan oo dhaawicii karta dadaaladii ay wadeen duubabka dhaqanka ayuu yiri” Guddoomiye Cabdi Qani Jidhe.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Sool, ee Soomaaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood oo ay mar kale colaad sokeeye ku dhex martay deegaamo ka tirsan Buuhoodle,isaga oo sheegay in Soomaaliland ay diyaar u tahay xal u raadinta arrintaas.
Wafdi Isimo ah oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku baxay colaadaas,kuwaas oo la filayo inay tagaan degaanka Ceegaag oo la filayo in lagu qabto shir lagu heshiisiinayo labada beelood oo colaadooda soo laab laabatay.
Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa bogaadiyay iskaashiga joogtada ah oo ay wada leeyihiin Soomaaliya iyo Midowga Yurub,isaga oo sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Dhinaca kale Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,waxaana ay ka wada hadleen dib-u-habaynta dhaqaalaha.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in ay uga mahad celinayaan Midowga Yurub iskaashiga xoogan ee ay la leeyihiin iyo gurmadka ay gaarsiiyaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka gargaarkaas oo ay uu kamid yahay awood u siinta Taageerada Miisaaniyadda & ka Jawaabida Cudurka COVID-19 .
Mogadisho | QOL | July 6 2020–Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in la qaaday xayiraaddii dhanka safarka ee saarneyd magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandheera laga bilaabo berito.
Wuxuu sidoo kale madaxweynaha sheegay in muddo 30 maalmood ah oo kale lagu daray bandowga xilligii habeenkii ee lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo fiditaanka cudurka Corona.
Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in duulimaayada gudaha la furi doono 15-ka bishan July halka duulimaadyada caalamiga ah la furi doono 1-da bisha Agosto.
Talaado, 7 Luuliyo [Qaranimo Online] Dr. Cali Waare waa Guddoomiyaha dalladda “Isutagga ururada Soomaalida Nederlands” dalladaas oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN, ayna ku middeysan yihiin 65 ururo Soomaali ah oo ka dhisan dalka Holland.
Dr. Cali Waare, ka sokow inuu yahay mas’uulka ugu sarreeya jaaliyadaha Soomaalida, haddana waa shaqsi mushtamaca dhexdiisa muctarif ka ah, isaga oo sidoo kale mar sii horaysay noqday Guddoomiyaha ururka SOMVOA oo ka mid ah ururada ugu faca wayn ee Soomaalidu leedahay, kana dhisan Magaalada Amsterdam.
Waraysi, Dr. Cali Waare aan la yeeshay ayaa u dhacay siddatan:-
SU’AAL: Dorraad waxaa lagu guddoonsiiyey abaalmarin ay bixiso boqortooyada dalkan, ma inoo faahfaahin kartaa sababta abaalmarintaasi aad ku muteysatay.?
CALI WAARE: Aniga laftigeyga ma aanan sugayn abaalmarintaas, filan-waa [verrassing] ayeey igu noqotay, qofka billadaas la guddoonsiinayo waa inuu 20 sanno iyo in ka badan u soo shaqeeyay bulshada, mana aha in qofku hal xirfad ama hal shaqo keliya uu soo qabtay, waxaa lagugu qiimeynayaa in shaqooyinka aad soo qabatay ay noqdaan kuwa taabanaya quluubta iyo nolosha dadka. Shuruudaha abaalmarinta aad ku mudaneyso waxaa kale oo ka mid ah; in uu si hagaagsan u gutay waajibaadkaasi shaqo oo aanu dadkana kala faquuqi jirin, waxaa la sameynayaa baaritaan dheer oo waxaa la soo baarayaa intii sanno ee aad dalkan joogtay howlihii aad soo qabatay, dadkii aad la soo shaqeysay, markaas kaddib ayuu boqorku saxiixayaa.
SU’AAL: Dalladda FSAN ma waxay wakiil ka tahay oo afkooda ku hadashaa 65-ta urur ee dallada ay ku mideysan tahay mise waxay wakiil ka tahay guud ahaan mushtamaca Soomaalida ee dalkan ku dhaqan.?
CALI WAARE: FSAN ururadu xubno ayeey ka yihiin, dalladu had iyo jeer waxay ka shaqeysaa danaha iyo masaaliixda dadka Soomaaliyeed ee dalka Holland dagan. Ururada FSAN ku middeysan waa ururo “local” ah oo Magaalooyinka ay dagan yihiin ku sii caawiya dadka, isku xirana bulshada Magaalooyinkaasi dagan ee Soomaalida ah, iyaga oo metelaya FSAN.
SU’AAL: Marka la is barbar dhigo ururkii SOMVOA ee fadhigiisu ahaa Amsterdam, iyo dalladda FSAN oo ah dallad mideysa 65 urur, dad badan waxay ictiqaadsan yihiin in SOMVOA ay ka caansantahay FSAN, maxay tahay sababta ayeey kula tahay.?
CALI WAARE: SOMVOA waxa uu ahaa urur ka jiray Amsterdam iyo agagarkeeda, waqti dheer ayaa laga joogaa xilligii la aasaasay, wuxuuna ku jiraa dallada oo uu u qaabilsanaa arrimaha Amsterdam iyo agagaarkeeda, maadaama uu lahaa dhismo weyn oo dadka lagu wacyigelin jiray, laguna qaban jiray shirarka; sidoo kale wuxuu lahaa masjid lagu tukado, taas ayaa laga yaabaa inay ka dhigtay inuu magac ahaan sidaas u waynaado.
SU’AAL: Dhowr sanno ka hor FSAN iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Nederlands waxaad iska kaashateen mashruucii Brain gain, oo dad aqoonyahanno ah loo kala diray Muqdisho, Somaliland, Puntland & Jubbooyinka, waxaa jira dad saluugsanaa habkii aad u qaybiseen tiradii loo diray Magaalooyinkaas, oo tusaale ahaan; Somaliland iyo Puntland aad u dirteen min 6 qofood, halkii aad Muqdisho uga dirteen 3 xubnood, habkee ku saleeyseen qaybinta xubnahaasi.?
CALI WAARE: Mashruucaas waxaa iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Nederlands iyo FSAN, wuxuu ahaa mashruuc tijaabo ah oo 20 qof in ka badan ayaa ku baxday, waxaa loo sameeyey shuruudo qofkii soo buuxiya uu ku bixi karo, cid kasta oo shuruudihii la sameeyey soo buuxisay, nasiibkeeduna uu noqday ayaa ku baxday, dadkaasna Magaalooyin kala duwan ayaa loo diray. Ujeedkiisu wuxuu ahaa in dadka Soomaalida ee dalkan wax ku bartay fursad loo siiyo in wixii ay bartaan ay dadkooda ku celiyaan, tusaale ahaan; qofkii bartay caafimaadka, sharciga iyo wixii la hal-maala, barnaamijkaas wuxuu noqday miradhal.
SU’AAL: Waxaad la socotaa in jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Zwolle iyo nawaaxigeeda ay 2 garab u kala jabeen, Guddi uu madax u yahay C/qaadir Nuune iyo Guddi uu hogaamiye Axmed Hayaan, idinku ma isku daydeen inaad 2daasi dhinac u kala dabqaadaan.?
CALI WAARE: Jaaliyadda Zwolle iyo nawaaxigeeda waa jaaliyad aad iyo aad u firfircoon oo magac iyo muuqaal ku leh Soomaalida dhexdeeda marka loo fiiriyo jaaliyadaha kale, mar way na soo gaartay inuu jiro khilaaf, sababtuna waa wax la dareemi karo, oo dadku marka ay ka wada shaqeynayaan danta guud waa laga yaabaa in qofba dhinac ka arko, markii dambe waxaan maqalnay in khilaafka la xaliyay haddii na loo baahdo annagu diyaar ayaan u nahay inaan qayb ka noqono, waxaanse rajaynayaa in Nuune iyo team-kiisa ay ku filan yihiin.
SU’AAL: Waxaa jira dad badan oo qaba in adiga iyo shaqsiyaadka kale ee dalladdan mas’uuliyadeeda muddada dheer soo hayay in la joogaa xilligii dhalinyarada dalkan wax ku bartay aad fursad siin lahaydeen, maxaad ka oran lahayd doodaas.?
CALI WAARE: Aad iyo aad ayaa u jeclahay dhalinyarada dalka wax ku bartay in runtii lagu soo xiro dallada ayna noqdaan kuwii dadka hada jooga bedeli lahaa, FSAN waxay fursad u siisay dhalinyarada wax ka baraneysa jaamacadaha in ay ku mari karaan xafiisyadeena khibrad shaqo, waxaanna halkaas joogta Zahra Naaleeye.
Dr. Cali Waare, maadaama xilka guddoomiyenimada dalladda FSAN aad 2 goor soo qabatay, marka aad xilkaasi banayso maxaa lagugu xasuusan doonaa.? Muxuu noqon doontaa [Legacy] aad ka tagto.?
CALI WAARE: Dadka Soomaalida ah ee aan soo wada shaqeynay ayaa su’aashaasi jawaabteeda u daynayaa, aniga had iyo jeer waxaan jeclahay in dadka Soomaalida ah ay noqdaan dad isku tolan, is caawiya, Soomaalidnimadu ay noqoto hankeena ugu sareeya, si kasta oo aan u kala aragti duwanahay in qof waliba aragtidiisa lagu ixtiraamo, in aynu ka wada qayb qaadano dib u dhiska dalkeenii, waddankan aan ku noolnahay inaan bulsho ahaan sumcad wanaagsan ku yeelano.
Mogadisho | QOL | July 07 2020–Qaar ka mid ah Ganacsatada khaadka ama jaadka dalka Kenya ayaa cabasho ka ah dowladda Soomaaliya ka dib markii ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarad siday jaad oo kusii jeeday Magaalada Hargeysa, islamarkaana ay khasaareen lacag badan .
Ganacsatadda ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay siday 13.6 tan , islamarkaan ay khasaareen ka dib markii diyaaraddaasi hawadda laga soo celiyay maalintii sabtida aheyd.
Guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada jaadka ee Kenya oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday jaadka hawada laga soo celiyay maalintii sabtida, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay jaad halkaas geyso.
“Jaadkaas qiimihiisu wuxuu ahaa 30 kun oo doollar, 25 kun oo doollar waxay noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin karin, waxaanu oggolaansho ka helnay hey’adda duulista rayidka ee Somaliland, waxwalbana sidii la rabay ayay ku socdeen ilaa markii dambe diyaaradda ay gashay hawada Soomaaliya, duuliyihii diyaaraddana lagu yiri waxaad sidaa shixnad sharci darro ah ee dib u laabo,”ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay wargeydka Standard ee dalka Kenya.
Cabashada ganacsatda jaadka ee dalka Kenya ayaa kusoo aaday xilli dhawaan magaalaad Hargeysa ay tageen wafdi ka socday dowladda Kenya iyo ganacsato uu hogaaminayay xildhibaan Junet Maxamed.
Mogadisho | QOL | July 07 2020–Maamulka Puntland ayaa ka digay in ay sii socoto dastuur jabin ay sheegeen in ay ku kaceen Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ka dib markii uu dhawaan sheegay in Sharciga qaarkood aysan khuseyn Aqalka Sare.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan in uu hareermaray dastuurkii lagu heshiiyay maadaama uu dafiray Shaqadda Aqalka Sare.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in ay waajib tahay in labadda Aqal ay wada shaqeeyaan, islamarkaana ay iska kaabayaan ayna iskorjoogteeyaan.
Guddoomiye Mursal ayaa dhawaan sheegay in golaha shacabka ay sharciyan leeyihiin hoggaaminta doorashooyinka dalka, isla markaana ay waajib tahay in afartii biloodba mar uu hor yimaado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, balse uusan jirin sharci ku khasbaya inay hor tagaan Aqalka Sare.
“Doorashooyinka iyo guddiga diiwaan gelinta sharciga axsaabta siyaasadeed golaha shacabka ayaa iska leh, waxaan rabaa in aad ku baraarugtaan, maadaama dastuurka uu ku jiro dib u eegis, in badana uu khilaaf ka dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, anaga ayaa waxaan go’aansanay si loo helo wadajir in Aqalka Sare aan dhahno wax uusan dastuurku siineyn nagala shaqeeya, laakiin qodobka 47-aad markaa akhrisaan Aqalkaan ayaa iska leh shaqadaas,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.
Mogadisho | QOL | July 07 2020–Ciidammada amniga ee Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay shan sarkaal oo sar-sare oo ka tirsan jabhadda Oromada ee OLF oo haatan ah xisbi mucaarad ah, sida laga soo xigtay OLF.
Ururka Oromo Liberation Front (OLF) wuxuu sheegay in siyaasiyiinta ay haatan ku xiran yihiin magaalada Addis Ababa.
Guddoomiyaha OLF wuxuu sheegay in aanan war laga heyn halka loo kaxeystay saraakiisha.
Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dilkii fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.
Waxaana rabshadahaas ku dhintay in ka badan 160 qof.
Mogadisho | QOL | July 08 2020–Warbixin ay soo saartay CNN ayaa lagu soo bandhigay liiska Baasaboorada ugu wanaagsan Caalamka,waxaana liiskaasi ku jira Soomaaliya oo wadamo dhowr ah kaga wanaagsan dhinaca baasaboorka.
Baasaboorka sannadkan kaalinta koowaad ku jira waa baasaboorka dalka Japan, kaalinta labaad waxaa ku jira Singapore saddexaadna waxaa ku wada jira Jarmalka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Liiska ayaa lagu soo bandhigay isbarbardhig ku saleysan inta dal ee baasaboorka lagu geli karo iyadoo aan horay loo sii qaadan dal-kugal ama fiiso,waxaana wadamada ugu horreeya kamid ah wadanka Finland oo haatan kaalinta afaraad kula jira Talyaaniga, Spain iyo Luxemburg,waxaana baasaboorka Finland, iyadoo aan horay fiiso loo sii qaadan lagu geli karaa sida ku cad liiska 188 dal.
Sidoo kale liiska la soo bandhigay waxaa ku jira dalka Soomaaliya oo baasaboorkiisa lagu geli karo 33 dal,waxaana booskaasi kula jira wadanka ay dagaalada hareeyeen ee Yemen,sida ku xusan Warbixinta.
Mogadisho | QOL | July 08 2020–Magaalada Dhuusmareeb ee Caasimada u ah Maamulka Galmudug ayaa laga dareemayaa u diyaar garowga Shirka Maamul Gobaleedyada oo ay marti galineyso Galmudug,kaas oo la filayo in Maalinta berito ah uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb. Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka degtay diyaarad siday Baabuurta aan xabadu karin oo laba ah (2) kuwaas oo ladoonayo in lagu qaado madaxda Maamul gobaleedyada ee Dhuusmareeb shirku uga furmi doono. Dhanka kale Dowlada dhexe oo fulineysa dalabkii madaxda Maamul Gobaleedyada ee ahaa in Dhuusmareeb laga raro ciidamada Haramcad ee ka socda dowlada fedaraalka ayaa Maanta dib ugu soo celineysa Ciidamada Haramcad Magaalada Muqdisho oo horay looga keenay. Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa la filayaa in uu ugu soo hormaro wufuuda maanta tageysa Dhuusamareeb sida laga soo xigtay Xubno hordhac u ah Wafdigiisa oo xalay safar dhulka ah ku tegay Magaalada Dhuusamareeb. Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada gaarka ah ee ilaalada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay iyagana maanta gaari doonaan Dhuusamareeb.
Mogadisho | QOL | July 08 2020-Magaalada Hargeysa ayaa waxaa la filayaa in uu dhawaan safar gaaban ku tagaan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya marna soo noqday hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Raila Odinga.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah tallaabadan ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii dhawaan wufuud kala duwan ay is dhaafsadeen Dowladda Kenya iyo Maamulka Soomaaliland oo xiriir wanaagsan leh sanadihii la soo dhaafay.
Raila Odinga ayaa kal hore sheegay in Somaliland mudan tahay aqoonsi ay Beesha caalamka ka hesho,isla markaana xisbiga uu ka tirsanyahay uu ka shaqayn doono sidii mooshin lagu taageersanyahay qadiyadda Somaliland loo hor gayn lahaa Baarlamanka Kenya.
Dhawaan waxaa Magaalada Hargeysa tegay wafdi uu hoggaaminayo hoggaamiyaha xildhibaanada laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Kenya Junet Mohamed, iyaga oo la kulmay mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.
Mogadisho | QOL | July 08 2020–Tirada dhimashada banaan-baxyadii iyo rabshadahii qowmiyadeed ee ka dillaacay Ethiopia toddaabdkii lasoo dhaafay, kadib dil loo geystay heesaa caan ahaa oo ka soo jeeday qowmiyadda Oromada, ayaa gaartay 239, sida lagu sheegay tirokoob ay sameeyeen booliska.
Hachalu Hundessa, oo ahaa hees halyey iyo cod u ahaa Oromada, oo isu arka inay yihiin dad la liiday, ayaa waxaa toogtay rag aan la garaneyn maalintii Isniinta ee toddobaadkii hore, taasoo sii hurisay xiisado qowmiyadeed oo halis gelinaya xaaladda kala-guurka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Mudaaharaadyo ayaa ka qarxay caasimadda Addis Ababa iyo gobolka ku xeeran ee Oromia, oo ah halka ay ku badan yihiin qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada, kuwaas oo mudo dheer dareemayey in dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba la liiday.
Saraakiisha ayaa u sababeynaya dhimashada laba arrin oo isbiirsaday oo kala ah’ awood ay adeegsadeen ciidamada amniga iyo rabshadaha ka dhex dhaca qowmiyadaha.
Mogadisho | QOL | July 08 2020–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray fagaaraha midnimada qaranka (ex Baarlamaan) oo laga sameeyay goob dadka Muqdisho iyo dalxiisayaasha ku Nastaan.
Xaruntaan ayaa waxaa ay ku taalla agagaarka taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Baoondheere,waxaa Xarunta Ex-Baalamaan,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay haatan ula baxday agaaraha midnimada qaranka.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khdar) ayaa sheegay in Xaruntaan ay tahay meel dadka Muqdisho ay u soo dalsiix tegi doonaan kuna nasanayaan,sidoo kale ay kamid tahay meelaha ay dib u dhiska ku sameysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne farmaajo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo isna Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dib u dhiska melaha muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho.
Mogadisho | QOL | July 08 2020–DowLad Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray sare u kac dhanka waxyaabaha quutul daruuriga ah taasi oo dadka deegaankuna ay cabasho ka muujiyeen .
ku-xigeenka madaxa xafiiska ganacsiga Dolwada degaanka Soomaalida, Axmed Buubaal ayaa sheegay in sicir bararkaan uu yimid Cudurka Coronavirus oo wadamo badan oo Caalamka ah kala xiray.
Waxaa uu sheegay in Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ay qaadeen tallaabooyin ay Ganacsatada ugu sheegeen in xilligaan aan la joogin waqtigii dhaqaalaha laga raadin jiray duruufaha dadka,sidaasina ay keentay in uu sicir bararka dhamaado.
Mogadisho | QOL | July 08 2020–Shilkana oo ahaa mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Isha gobka ee duleedka Koonfureed ee Hargeysa, waaxana shilkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilka ayaa yimid,kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid kamid ah ay la socdeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland,waxaana shilkaasi ku dhintay laba Ruux oo mid kamid ah uu yahay sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland oo lagu Magacaabo Gaashaanle Badel Xasan Qayl.
Wariyeyaal tegay goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in sidoo kale shirkaasi ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo kala saarnaa labada gaari,isla markaana gawaarida uu soo gaaray burbur xoogan.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa gaaray halka uu shilka ka dhacay,kuwaas oo oo gurmad u sameeyay dadka shilka ku waxyeeloobay,kuwaas oo loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.
Maalin ka hor Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliland ayaa shaacisay in sanadkii tegay ee 2019 deegaannada Soomaaliland ay ka dhaceen shilal ay ku geeriyoodeen 200 oo Qof , 5000 oo qofna way ku dhaawacmeen,hanti ka badan laba Milyan oo doolar-na ay ku burburtay.