Mogadisho | QOL | June 30. 2020–Maxkamadda racfaanka gobolka Maroodi jeex ayaa ku xukuntay dadkii lagu soo qab qabtey Qaadka intii lagujiray bishii ramadaan oo xaaladii COVID-19 awgeed loo mamnuucay Qaadka.
Dadkii ku howlanaa keenista Qaadka ee jabiyay Amarka ayaa lagu xukumay inta dhaxaysa hal sano iyo laba bilood ilaa hal sano iyo afar bilood oo xarig ah.
Maxkamada ayaa sidoo kale ku xukuntay gaadiidkii lagu keenay qaadka inta u dhaxaysa 2 melyan oo shilinka Somaliland ah ilaa 4 milyan .
Maxkamada gobolka maroodi jeex ayaa hore ugu xukuntay in gaadiidkaasi ciidanka boolisku qaataan halka dadkii wateyna xarig intan ka badan lagu xukumay .
Somaliland ayaa horay u sheegtay in tilaabo waafaqsan Sharciga laga qaadi doono Cidwalba oo jabisa Amarka ku aadan ka hortaggida Cudurka Corona virus oo ay soo rogtay xayiraad.
Mogadisho | QOL | June 30 2020–Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya uu qof Shacab ah ku dilay gudaha Magaalada Dhuusamareeb.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Waabari ee Caasimadda Galmudug.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Askariga dilka geystay uu ka tirsan Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb.
Dilka ayaa yimid ka dib markii muran soo kala dhexgalay Askariga iyo Qofka Shacab ah ee la dilay.
Ciidanka Ammaanka ayaa ku howlan soo qabashada Askariga dilka geystay oo la sheegay in uu goobta ka baxsaday.
2- kuraasta degaan doorashadooda la badalay oo ay gollaha ka horyimaadeen.
3- waxay sido kale golaha ka hadlayaan shirka amniga qaranka ee uu ku baaqay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bisha soo socto 5 ilaa 7 ka dhici doono muqdisho iyago gabi ahaanba qaadacay shirkaasi.
Mogadisho | QOL | June 30. 2020–Hay’adda Interpol ayaa sheegtay inaysan tixgalin doonin codsiga Iran ee ah xiritaanka madaxweynaha Mareykanka, taasoo la micno ah in Donald Trump uusan wajihi doonin wax khatar ah oo xarig ah.
Iiraan ayaa horay u soo saartay amarka xiritaan ah ee madaxweyne Trump iyo tobaneeyo kale oo ay rumeysan tahay inay fuliyeen duqeyntii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka lagu dilay sarkaal sare oo reer Iiraan ah oo ku suganaa Baqdaad waqtigaa.
Iran ayaa weydiisatay Interpol inay gacan ka siiso xiritaanka Trump iyo kuwa kale.
Interpol ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegayso qawaaniinteeda ogeysiisyada inay ka mamnuucayaan “faragelin kasta ama hawlo siyaasadeed”
Sida wakaaladda wararka Iran ee IRNA ay ka werisay dacwad oogaha Tehran Ali Alqasimehr waxaa uu yiri “cadaymo iyo eedeymo argagixisanimo ayaan haynaa”
Mogadisho | QOL | June 30. 2020–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dooxa ee Qatar ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalkasi.
Sidda uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre labadda dhinac ayaa ka wada hadlay Ammaanka iyo Sare u qaadidda Dhaqaallaha.
“Sharaf ayey ii ahayd in kulan miro dhal ah aan magaalada #Dooxa kula qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga” ayuu yii Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada dowladda Qatar ay siiso Soomaaliya.
Mogadisho | QOL | June 30. 2020–Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS Md. Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya, ayaa maanta si wada-jir ah xadhiga uga jaray dayac-tir lagu sameeyey dhismaha iyo xafiisyada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soonaaliya.
Kulanka xadhiga loogga jaraayey, ayaa sidoo kale waxa ka soo qeyb-galay guddidii qaban-qaabada xuska 26ka Juun, Wasiiro, guddoomiyaha gobalka Banaadir, xildhibbaano iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan kaasi oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.
Dhismaha iyo xafiisyada dayac-tirka lagu sameeyey, ayaa ka kooban 28 qol, dhismeyaasha Wasaaradda, dusha sare ee Wasaaradda oo iyada na la dhigay qalab aan roobka soo deynayn maadaama xiliyadii hore ay soo daroori jireen, meelaha amniga, masaajidka iyo weli ba sidoo kale qolalka kaydka iyo matoorada kuwaasi oo ah dhismaha Wasaaradda ee ay wada degan yihiin Wasaaradaha Ganacsiga iyo Beeraha.
Talaado, 30, Juun [Qaranimo Online] – Guddoomiyaha Golaha Muslimiinta Magaalada Zwolle iyo Magaalooyinka u dhow Mehmed Karadeniz oo ay dhalashadiisu tahay Turkish iyo Shariif Goelab oo iimaam ka ah masjidka Misbahul Islam oo ah masjid Soomaalidu ay ku xiran tahay ayaa ka hadlay dareenkoodu ku aadan khilaaf intii muddo ahayd soo jiitamayey una dhexeeyey jaaliyada Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda, khilaafkaas oo sababay kala qaybsanaan jaaliyada dhexdeeda ah, taaso oo aakhirka soo dedejisay in jaaliyadu yeelato 2 guddoomiye.
“Wada-shaqaynta aan la leenahay jaaliyada Soomaalida ee Zwolle iyo nawaaxigeeda aad ayaa ugu riyaaqsanahay, gaar ahaan markii uu maamulka cusub ee uu Axmed Hayaan hogaamiyo yimid, sidoo kale ururka Islaamka ee Zwolle iyo Soomaalida waxaa ka dhexeeya cilaaqaad wanaagsan, Guddoomiyaha jaaliyada wuxuu suurtagaliyey in wakiil joogta ah oo Soomaali ah uu maamulka Golaha islaamku ka mid noqdo, isaga oo metalaya mushtamaca Soomaalida” Ayuu yiri Mehmed Karadeniz oo ah Guddoomiyaha Golaha Islaamka iyo Guddoomiyaha masjidka Ulu, wuxuuna intaasi ku daray in aasaaskii golaha islaamka Zwolle ay Soomaalidu qayb wayn ka qaadatay, isaga oo u mahadceliyey Cali Nageegey, Cabdirisaaq Saylac iyo Cusmaan Abuukar oo xilliyo kala duwan ka mid ahaa maamulka Golahaas.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha golaha islaamka Zwolle Mehmed Karadeniz, waxay gebi ahaanba joojiyeen xiriirkii iyo wada-shaqayntii ay la lahaayeen maamulkii hore ee uu madaxda ka ahaa C/qaadir Cali [Nuune], kaddib markii ay u arkayeen in hogaanka maamulkaasi ay dantooda gaarka ah ka hormarinayeen masaaliixda dadka ay matalayaan.
“Golaha Islaamku inuu joojiyo wada-shaqayntii uu la lahaa maamulkii ka horreeyey midka uu hogaamiyo Axmed Hayaan waxaa sabab u ahaa in dantii guud ee mushtamaca Soomaaliyeed ama islaamka aan la hormarin, ee mudnaanta la siiyay dano shaqsi ah, inta badanna balamada iyo shirarka golaha aan la soo xaadiri jirin, taasina ay niyad jab ku riday Golaha” Ayuu yiri Mehmed, wuxuu intaasi raaciyey in iyada oo laga ambaqaadayo wacyiga iyo isbedelada dalkan mar walba uu wajahayo ay lagama maarmaan tahay in dadyowga ajnabiga ah, gaar ahaan kuwa ay mideyneyso ahdaafta dhaqanka iyo diinta ay mar walba noqdaan kuwa isku xiran, cod qura na leh, taas oo yarayn karta ama meeshaba ka saari karta in mushtamacyadooda lagu harqiyo dhibaatooyinka ay
“Dad muslimiin ah, oo haddana ajnabi ah marka ay meel ku wada nool yihiin, waxaa caqliga saliimka ahi uu ina farayaa inay lagama maarmaan tahay iyaga oo mideysan in ay ka tashadaan waxa u danta ah mushtamacooda, ayna dhinaca kalena ixtiraamaan mushtamaca ay dalkooda ku nool yihiin, iyada oo qolo waliba ay gacanta midig ku qabsaneyso dhaqankeeda iyo diinteedaba” Ayuu yiri Guddoomiyaha golaha muslimiinta.
Waxaa dooda Guddoomiyaha Golaha islaamka Mehmed mid la mid ah soo jeediyey iimaamka masjidka Misbahul Islam Shariif Goelab, oo sheegay inuu la qabo Mehmed in guddoomiyihii hore ee jaaliyada Zwolle uu yahay shaqsi aan lagu aamini karin masiirka mushtamaca Soomaalida, marka loo eego hab dhaqankiisa.
“Soomaalidu waa ummad sharaf leh, jameecada ugu badan ee masjidka ku tukada waa Soomaali, waxaa jiray walaal C/risaaq Saylac oo masjidka maamulkiisa ka mid ah, hadda waxaa si joogta ah inoola shaqeeya Cusmaan Abuukar” Ayuu yiri Shariif Goelab.
Inkastoo xiriir aan la sameynay C/qaadir Cali [Nuune] oo ah shaqsiga ay eeda ujeediyeen 2daasi dhinac aysan inoo suurtagelin inaan helno, haddana ma xaqiiin karno sax-nimada eedaha loo jeedinayo.
Muqdisho, Juun 30, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa faray Xukuumadda in ay sii dhammeystirto qorshaha dib u soo celinta Tuulada Ciyaaraha oo muhiim u ah soo nooleynta tartannada ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna.
Mogadisho | QOL | July 2, 2020-Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeesatay xiriirka ay shaaciyeen in ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan oo aan weli labadooda dalal loo aqoonsan.
Taiwan waa qeyb kamid ah wadanka Shiinaha balse raadineysa inay ka go’do dalkaas,halka Somaliland ay kamid tahay Soomaaliya,isla markaana muddo 30 sano ah ay raadinayaan inay helaan aqoonsi dowlad gaar ah oo ka madax banaan Soomaaliya,hayeeshee aysan weli helin.
War kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in marnaba aysan ogolaan dooninin xiiir gaar ah lala yeesho Taiwan oo ay sheegeen inay Shiinaha ka mid tahay.
“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul Shiinaha, waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha oo aan laga goyn karin ayaa lagu yiri” warka kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho.
Soomaaliland oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa in ka badan 30 Sano waxaa ay shaacineysay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale walow weli aysan helin aqoonsi,waxaana xiriiro kala duwan ay la leedahay qaar kamid ah dalalka Caalamka gaar ahaan kuwa deriska.
Mogadisho | QOL | July 2, 2020-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay jebisay awoodii ay lahaayeen Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay guulo waaweyn ka gaareen.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab kaliya aysan dowladda dilin balse ay dilaan Shacabka,waxaana uu ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo horjeestaan,isaga oo farriin mahad celin ah u diray Shacabka oo uu sheegay inay qeyb ka qaateen la dagaalanka Al-Shabaab.
Madaxweyne Farmaajo oo sii hadlayay ayaa waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay yihiin kuwo laga soo abaabulay dalka dibadiisa si ay u burburiyaan dalka Soomaaliya,isla markaan ay wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah ilaa iyo inta ay ka guuleysanayaan.
Mogadisho | QOL | July 2, 2020-Turkiga ayaa diiwaangeliyay 1,192 kiisaska coronavirus-ka ah Arbacadii, iyada oo tirada guud noqotay 201,098, sida ku cad shaxda ku daabacan barta Twitter-ka ee Wasiirka Caafimaadka Fahrettin Koca ee Turkiga.
Tirada dhimashada ayaa dhanka kale gaartay 5,150 iyada oo ay sii kordhaysay 24 saac ee la soo dhaafay.
Wadarta 175,422 qof ayaa dib u soo kabatay, sida ay sheegtay wasaaraddu, tan iyo markii uu bilowdey Covid-19 dalka Turkiga bartamihii bishii Maarso.
Tirada bukaannada daryeelka degdegga ah ayaa kordhay Sagaalkii bishii tagtay illaa 1,035-ruux, waxayna sare u kacday ilaa June 10-keedii, xilligaas oo tiradaasi ay ahayd 631-bukaan.
Wasaaradda Caafimaadka ee Turkiga ma aysan sheegin tirada guud ee isbitaallada la dhigo. Sida ay muujisay wasaaradu natiijooyinka la qaaday ilaa iyo hadda ayaa laga keenay 3.4-Milyan tijaabooyin.
Mogadisho | QOL | July 2, 2020Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27aad ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo wadada u dhaxeysa dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Al-Shabaab.
Howgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen inay ku qab qabteen dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,isla markaana dadkaasi ay baaritaan ku hayaan.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Ciidamada Dowladda & kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ay ka fuliyaan howlgallo kala duwan, iyada oo todobaadyadii la soo dhaafay weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Magaalada Beledweyne.
Mogadisho | QOL | July 2, 2020-Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu xakameyn doono baraha bulshada ka dib markii aflagaado loo geystay gabadhiisa iyo wiilka uu sodoga u yahay xilli ay shaaciyeen dhalashada wiilkooda affaraad.
Hadalkan ayuu Erdogan uu ka sheegay shir Arbacadii u qabsoomay xisbigiisa, waxana uu ku goodiyay in sharci laga soo saari doono kuwa baraha bulshada u adeegsada si ka baxsan akhlaaqda wanaagsan.
“Waa in aad fahamtaan sababta aan uga soo hor jeedno baraha bulshada sida; YouTube, Twitter iyo Netflix? waxa ay tirtireyaan dhaqanka suuban” ayuu Erdogan u sheegay xubnaha xisbigiia Cadaaladda iyo Horumarka ee AKP.
Xukuumaddiisa ayaa doonaysa in ay soo saarto sharciga lagu xakameynayo isticmaalka aan asluubeysaneyn ee baraha bulshada.
Waxaana arrintan loola dan leeyahay in kuwa sharciga jabiya la saaro ganaax lacageed isla markaana maxkamadda lala tiigsan karo.
Wasiirka maaliyadda Turkiga Berat Albayrak, oo ay u dhaxdo gabadha Erdogan ee Esra, ayaa tallaadadii barta Twitter ku shaaciyay dhalashada wiilka affaraad, kaas oo loo bixiyay Xamza Salid.
Ka dib waxaa xigay in fariimo baraha bulshada la isku weydaarsaday kuwaas oo lagu sheegayo in uusan wasiirku dhalin wiilka ayagoo gabadha Erdogan ku tuhmay golal dhaaf.
Madaxweyne Erdogan ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo kuwa weerarka ku qaaday qoyskiisa.
“Waxaan baacsan doonaa kuwa fulayada ah ee weeraraya qoys qiimo leh,” ayuu yiri Erdogan.
Madaxweynaha Turkiga ayaa shirakadaha caalamiga ah ee baraha bulshada iska leh ku eedeeyay in ay ku xadgudbaan shuruucda dalkiisa.
Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, Suleyman Soylu, ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii lagu tuhmay in ay ka dambeeyay xadgudkan la soo qabtay, qaar kamid ah Turkida ayaa qabtay banaan baxyo lagu dhaleeceynayo kuwa weeraray qoyska madaxweynaha, waxaana kamid ah mucaaradka dowladda.
Xukuumadda Ankara ayaa badanaa waxaa ay xirtaa siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo qaarkood si weyn u dhaliileen qaabkii uu u maareeyay safmarka COVID-19.
Waxaa ay beegsadaan siyaasiyiinta, suxufiyiinta, aqoonyahnada iyo qareenada fekirkooda ku soo bandhiga baraha bulshada.
Mogadisho | QOL | July 2, 2020-Taalada loo sameeyay hogaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Selassie ayaa la burburiyay taas oo ku taallay barxadda Wimbledon ee magaalada London.
Booliska Ingiriiska ayaa baarayaa dhacdada, waxaana la sheegay in taalada dhulka la dhigay galabnimadii Talaadada.
Taalada Haile Selassie waxaa burburiyay boqol dhalinyaro ah, sida ay sheegeen dad goobo joogayaal ah.
Waxay u muuqataa in dhacdadan ay xiriir la leedahay qalalaasaha ka taagan Itoobiya kaddib dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa Hachalu Hundessa.
Haile Selassie ayaa ku noolaan jiray Ingiriiska sannadkii 1936-dii markii dalkiisa ay ku duuleen Talyaaniga.
Mogadisho | QOL | July 2, 2020-Websaytka Khaaska u ah Sanduuqa Horumarinta Afrika ee ADF ayaa lagu daabacay in Guddiga Agaasimayaasha ee Sanduuqa Horumarinta Afrika ay u ansixiyeen dalal ay ku jirto Soomaaliya lacag loogu talo galay ka jawaabida Coronavirus oo dalal badan laga helay.
Lacagtaas dhan 9.52 million oo Dollar ayaa qeyb ka aheyd 10 million oo Dollar ee Ka-hortaga Degdegga ee COVID 19,taas oo Guddiga Agaasimayaasha ee Sanduuqa Horumarinta Afrika ayu ansixiyeen 12 dal.
Sida ay guddiga shaaciyeen lacagtaas ayaa waxaa loo qoondeeyay in la siiyo dalalka kala ah, Somalia, Jabuuti,Kenya, Sudan, Ruwanda, Ethiopia, Jesiiradaha Komooros, Tanzania, Burundi, Uganda iyo South Sudan,waxaana qorsuhu yahay in lagu tababaro Shaqaalaha Caafimaadka iyo in lagu iibiyo waxyaabo ay kamid yihiin Qalabka lagu baaro COVID 19.
Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) oo Xaruntiisa Dhexe ay ku taallo Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Maalgelintaasi loo adeegsanayo Xoojinta Nidaamka Caafimaadka, La-socodka Warbixinada Cuddurada, Xoojinta Ka-hortaga iyo Kontoroolka Caabuqa.
Mogadisho | QOL | July 2, 2020-Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland waxaa Maanta soo gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Xildhibaanada laga tirada badan yahay (minority) ee Baarlamaanka Kenya Junet Mohamed.
Ujeedka wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii loo loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo dad,dalka Kenya.
Xubnaha Wafdiga ee ka socday Kenya ayaa waxaa ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta Xisbiyada muxaafidka iyo mucaaradka Soomaaliland,waxaan at horay kulamo ula qaateen Gudaha Kenya wefdi ka socday Somaliland oo booqday waddankaasi.
Mogadisho | QOL | July 3, 2020Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in uu Ciidanka isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab,kaa so ka howlgalayay degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha Guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa in Sarkaalka oo lagu Magacaabo Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Shabellaha Hoose,isla markaana uu isku soo dhiibay Ciidanka DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Sarkaalkaas uu u sheegay in kadib markii uu u adkeysan waayay dhibaato uu sheegay inay Al-Shabaab ku hayaan dadka Shacabka ah uu go’aansaday in uu isaga soo baxo Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Taliyaha Guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin in Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku wareejiyeen Hay’adaha kala duwan ee Amniga Dowladda Somaaliya,waxaana Xubnaha kale ee ka tirsan Al-Shabaab uu ugu baaqay inay dowladda isku soo dhiibaan. Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay u shaaciyaan inay isku soo dhiibeen Saraakiil kala duwan oo ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya ama Al-Shabaab.
Mogadisho | QOL | July 3, 2020-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka ay culeys weyn kala kulmeen in la meel mariyo Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ee Xubnaha laga siiyay aqalka Sare.
Waxaa uu sheegay in markii Baarlamaanka la horkeenay Xeerka la isku dayay in meesha laga saaro,isla markaana Dowlad Goboleedyada qaar ay dagaal adag la galeen guddoonka Baarlamaanka si aan sharciga loo meel marin,hayeeshee taasi aga gudbay.
Sidoo kale Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay in uu dadaal ku bixiyay in Gobolka Banaadir uu matalaad ka helo Golaha Shacabka
Mogadisho | QOL | July 4 2020-Maanta Sabti ah oo ay taariikhdu tahay 4 bisha Julay , 2020 waxaa Imtixaankii Shahaadiga ahaa u fariisanaya dhamaan ardayda Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare iyo Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe ee Puntland.
Ardayda imtixaanka u fariisanaysa tiradoodu waxay gaaraysaa 16,160 arday, waxayna imtixaanka ku kala galayaan 134 xarumood oo ku kala firirsan 9ka gobol ee ay Puntland ka kooban tahay.
Sanad walba xilligaan oo kale ayaa la qabtaa imtixaanka Shahaadiga ah ee ka dhaca Deegaannada Puntland, kaaso ah imtixaan lagu qiimaynayo ardayga waxsooo baranayay muddada 8 sano ah iyo sidoo kale kan isna waxbarashada soo waday 12ka sano, si loo hubiyo aqoontooda iyo tayadooda waxbarasho.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu waddaa in uu daahfuro Imtixaanka.