Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19460 articles
Browse latest View live

AKHRISO: Labadda Nooca ee Guddiga doorashooyinka Qaranka ay soo jeediyeen in doorashadu u dhacdo

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 27. 2020–Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa soo jeedisay labo qaab oo ay sheegtay in ay doonayaan in ay u dhacdo doorashada Soomaaliya, labaddaasi qaab ayaa keenaya dhammaan dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.
Midka Koowaad
Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha Julaayo 2020 kuna eg Agoosto 2021.
“Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka”ayay tiri Xaliimo Yareey.

Midka labaad
Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay u baahan tahay nooca labaad in la eego haddii taasi ay dhici weyso,taasoo ku aadan in doorashadda Waqtiga lagu darayo ay noqonto laga bilaabo 20-ka July 2020-ka ilaa 21-ka March-keeda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________


Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Gudoomiyaha gobolka Mudug

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 27. 2020– | QOL |  June 27. 2020–Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 49 Juun 27, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Mudug

Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGU HAMBALYEEYAY DOWLADDA IYO SHACABKA JABUUTI 43-GUURADA KASOO WAREEGTAY XORNIMADA DALKAAS

$
0
0

Muqdisho | QOL | Juun 27, 2020 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalkeenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta Soomaaliya.

“Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti hiilka iyo garab istaagga hagar la’aaneed ee aad noo muujiseen gaar ahaan wakhtiyadii adkaa waa mid aan marnaba ilaawi doonin, waa mid shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay idiin ogsoon yihiin”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xusay doorkii ay ku lahaayeen shacabka halgankii xornimo doonka ahaa ee walaalaheen Jabuuti, waxa uuna xoojiyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

“maanta waxaa farxad noo ah in aan la qeybsanno walalaheen Jabuuti dabbaal-degga xuska sannad guurada 43-aad ee xornimadooda ee kasoo wareegtay markii Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isku duubni, nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________

Madaxweyne Farmaajo oo uga mahadceliyey Goddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka fulinta codsigiisii ku aaddanaa Matalaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir

$
0
0

Muqdisho | QOL | Juun 27, 2020 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah oo aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajr ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka.

“Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeen dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowladnimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xildhibaanada sharafta leh iyo Guddiyada dib-u-eegista dastuurka inay ka shaqeeyaan sidii maqaamka Caasimadda u noqon lahaa mid cad inta lagu gudo jiro muddo xileedka Golayaasha Sharci-dejinta.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare oo maanta ay ansixiyeen Golaha Shacabku ay noqoto mid adkeysa dowladnimadeenna taabo galka ah iyo dib u dhiska dalkeenna.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________________________

TACSI: AUN Macalin Cabdisamad Shiikh oo ku geeriyooday Dhuusamareeb

$
0
0

Waxaa halkaan tacsi uga direynaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday AUN Macalin Shiikh Cabdi samed Shiikh Aadan Axmed, oo ku geeriyoodey Magalaada Dhuusamareeb ee xarunta caasimada Galmudug.

 waxaana tacsida tiraanyada leh diraaya dhamaan bah weynta Samatar Mataan oo kala jooga shanta qaarad ee caalmka kuna mideysan Xiriirka Tolka.

1- Cilmi Maxamuud Liibaan (Cilmi Burashad) Gudomiyaha Samatar mataan.

2 – Sahro Shiikh Cabdulaahi Liibaan (Sahro Ceelbuur) Gudomiyaha Xiriirka Samatar Mataan.

3 – Xaawo Maxamuud Liibaan.

4 – Gen. Cabdinur Cabdullahi Ciidle, Xoghayaha xiriirka Samatar Mataan.

5 – Sheikh Xasan mxamed carab

6 – Nuur Cadde maxamuud Liibaan.

7 – Mudane Cabdulaahi Xalane Dhuxuloow.

8 – Dr Axmed Salaad Kulmiye.

9 – Dr Axmed Jaamac Axmed.

10 – Nabadoon Cabdi Waaxid Maxamuud Guutaale.

11 – Xildhiban Cabdulahi Cabdirisaaq Jaamac (geeygay).

12 – Maxamuud Cali Rooble (Abtiyoow).

13 – Daahir Cabdi Rooble (Godinlabe).

14 – Saciid Cabdi Fitaax Jaamac.

15 – Abwan Gureey xasan Xussein

16 – Cali cabdulqadir Xalane Dhuxulow

17 – Xalima cabdulqadir maxamuud liiban ( Xalima caato dheere).

18 – Bashiir Daqarre siyaad

19 – Liibaan Xaaji Cabdi Jaamac.

20 – Cabdullahi Sheikh maxamuud Jaamac.

21 – Daahir Ahmed xirsi ( xiimaay).

22 – eng. Axmed aadan Roble Faryareey.

23 – Faiza cali fanax

24 – Bashiir cabdi Roble (fartaag)

25 – Qadiijo maxamed cilmi.

26 – Nasteexo cabdi fittax Jaamac.

27 – cabdi xassan xirsi ( cascaseey).

28 – cabdi Shakur Adam Roble (Shaamiir)

29 – Faduma Jamac Axmed.

30 – Macalin Khaliif maxamed Xalane Dhuxulow.

Dhammanteen annagoo isku duuban waxaan u tacsiyeynaa ummada somaliyed gaar ahaan caruurtii iyo xaasaskii uu ka tegey sheikhu, asagana alle wayne waxaan uga baryeynaa jannatul firdowsal aclaa in uu alle

Bannaabax lagaga soo horjeedo dilka gabar Soomaali ah oo harqiyey magaalooyinka UK [Sawirro]

$
0
0

London | Axad, 28 Juun | [Qaranimo Online] – Kumanaan kun ayaa isugu soo baxay Magaalooyinka waaweyn ee dalka Ingiriiska oo ay ku jiraan London, Bristol, Cardiff iyo  Manchester, iyaga oo u baroordiiqaya dilkii arxan darrada ahaa ee loo gaystay Shukri Cabdi oo ahayd 12 jir Soomaali ah, oo sannadkii hore maydkeeda laga helay wabiga “River Irwell “ ee magaalada Manchester.

Shukri Cabdi, dilkeeda waxaa gaystay arday ay iskuulka wada dhiganayeen, iyada oo ilaa hadda aysan boolisku cidina u ciqaabin dilka loo gaystay Shukri.

Zamzam Ibrahim oo ka mid ahayd qabanqaabiyaasha banaanbaxa ayaa sheegtay in dadka isugu soo baxay  bannaanbaxa hadafka ay ka mideysan yihiin ay aheyd in ay damqisay falka wuxuusnimada ah ee lagu soo afjaray nolosha iyo mustaqbalka iftiimayay ee Shukri.

Waxay innagu reebtay raad murugo leh in Shukri ay u dhimato midabkeeda, oo ay shirqool ku dilaan caruur ay iskuulka wada dhiganayeen, saacado ka hor dilkeeda waxay la socoto gabdho waxay ku jireen dukaanka [Primark]” Ayeey tiri Zamzam.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | London, UK

____________________________________________________________________

Cumar Filish oo u jawaabay xildhibaanno ka horyimid go’aankii metalaada G/Banaadir

$
0
0

Muqdisho |Axad, 28 June | [Qaranimo Online] – Xildhibaanno ka tirsan BF Soomaaliya, ayaa ka soo horjeestay go’aankii baarlamaanku ku ansixiyey in  gobolka Banaadir ku yeesho aqalka sare 13 xubnood oo metalaad ah, tillaabadaasi oo ka dambeysay codsi uu baarlamaanka ka hor akhriyay Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 Xildhibaanadan oo tiradoodu lagu sheegay 72 xubnood,  kana soo jeeda Puntland, Jubbaland & K/Galbeed, waxay sheegay in ay tahay tillaabo sharci darro ah, laguna xadgudbay dastuurka

Guddoomiyaha iyo duqa gobolka Banaadir Cumar Filish oo maanta ka hadlayay banaanbax maamulka Gobolku soo qabanqaabiyey oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay Magaalo Soomaaliyeed oo aysan marti ku ahay 5-ta Soomaali.

“Muqdisho waa meesha kaliya ee qof kasta ee Soomaali ah meeshuu doono ha ka yimaadee uusan marti ka ahay, waana Magaalo mideyneysa Soomaali” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________________________

MD Xasan Sheekh ‘Hadaljeedin ku Aaaddan Arrimihii Golaha Shacabka ka dhacay 27.6.2020’

$
0
0

بسم الله، الحمد لله والصلاة والسلام على رسولله
السّلام عليكم ورحمة الله وبركاتهxc

Horudhac
Waxaan marka hore hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee u dabbaaldageysa usbuuca xorriyadda Soomaaliyeed. Sida maalinta xorriyadda ee gobollada waqooyi iyo walaalaheen reer Jabuuti iyo munaasabadda soo socota ee 1da Luulyo ee lixdanguuradii ee xorriyadda iyo midnimada jamhuuriyadda Soomaaliya.

Shalay oo ay taariikhda ahayd 27kii June, 2020, golaha shacabka ee baarlammaanka federaalka Soomaaliya (BFS), waxaa ka dhacay laba arrimood oo kala ah:

1. Matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka sare, iyo,
2. Hadal jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ).


Matalaadda Gobolka Benaadir
Usbuucii la soo dhaafay golaha shacabka waxaa la horkeenay mooshin lagu soo bandhigay Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Dadaal dheer ka dib maanta waxaa la ansaxiyay 13 xubood oo mustaqbalka ku matali doonto Benaadir aqalka sare ee baarlammaanka. Waxaa bogaadin usoo jeedinayaa senetarrada aqalka sare ee ku soo daray arrinta Benaadir sharciga doorashooyinka iyo xildhibaannadii golaha shacabka ee u guntaday meel marinta arrinkaas. Waxaan leeyahay dhammaan mahadi ha idinka gaarto, abaalka dadaalkoodane yaan la isku dayin in qolo kale ay dafto.

Hase yeeshe, waxaan rabaa inaan wax yar iftiimiyo waxa dhimman ee inaan u sii wada istaagno ay tahay. Sida ku cad dastuurka KMG ah ee JFS, aqalka sare wuxuu matalaa danaha Dowladgoboleedyad. Sida aan wada ognahayne Benaadir wali uma sammeysna dowladgoboleed ama maamul ay soo dhisteen dadkiisa si waafaqsan nidaamka federaalka. Sidaas daraadeed, baahida dhabta ah ee gobolka Banadir waa inuu helaa maamul ay soo dhisteen dadka tirada badan ee deggan gobolka si matalaadda aqalka sare ay dhab u noqoto, dadka reer benaadirne ay ugu hoos noolaadaan hoggaan ay raalli ahaanshahooda ku soo dhisteen ayna uga mid noqdaan nidaamka iyo saabaanka federaalka ee uu dastuurka KMG xeeriyay.

Ugu dambeyn, waxaa kale oo dadka reer Benaadir u rajeynayaa inaan indhahooda laga sii jeedin qadiyadda dowlad dhisidda ee qiimaha badan ee xoog iyo xoolaba leh ay ku bixiyeen muddooyinkii la soo dhaafay. Qaddiyaas oo maanta taagan isgoys qatar ah ka dib markii hoggaanka hadda talada haaya uu si bareer ah u diiday laba arrimood oo waaweyn:


1. Waxaa si aan qarsoodi lahayn u diiddan yahay nidaamka federaalka ee ay Soomaalida cusub ku heshiisay iney dib ugu dhisato dowladnimadeeda

2. Qabashada doorasho heer qaran ah oo heshiis lagu wada yahay si loo helo kalsoonida heer labaad ee federaalka oo kala ah dowlad-goboleeyada iyo midda saamileyda kale sida xisbiyada siyaasadeed iyo guud ahaanba kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Doorashooyinka qaran
Waxaa la jooga waqtigii ay dhici lahayd doorashada qaran ee xilli-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federaal. Shalay oo taariikhdu ahayd bisha Juun 27, 2020 waxaa golaha shacabka hadal jeedin ka sammeeyay guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim. Hadaljeedinta guddiga oo muddo laga wardhowrayay waxay noqotay mid aad looga fajacay oo dadka Soomaaliyeed ka yiraahdeen “TANI TAAN U DHIGANNAYBA MA AHA” li’anna lagama sugeynin muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaasadeed oo hor leh.

Muddo saddex sano ka badan guddiga waxay noo sheegayeen iney doorashada diyaar ka tahay dhankooda. Hase yeeshe, hadal jeedinta guddiga waxaa ka soo baxday iney ummadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen oo waqti xeero faldhaan kala dhaceen ay ummadda usoo dhigeen iney ruux dheereysi u sammeeyaan hoggaan muddo ku dhaw AFAR SANO wax ka qaba waayay doorashada dalka isla markaana xoog iyo xoolo fara badan ku bixiyay burburinta nidaamka federalka ee dalku doortay. Sidoo kale hadaljeedinta guddiga waxaa laga dhadhansa kara muddo kordhin rimman muddo kordhin kale sababaha aan soo sheegi doono awgood.

1. Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa waxay muddo dheer ku faanayeen iney wada joogeen muddo ku dhaw AFAR sano. Hase yeeshee maalin ka mid ah muddadaas madaxweynuhu kama hadlin wax doorasho la yiraa. Haddaba, ninkii doorasho laga sugayay ee aan ka hadlin muddadaas dheer sow shalay afkiisa af aan ahayn looguma hadlin? oo GMDQ nama dhihin Madaxweynaha iyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah (Madaxweynaha, 2da aqal ee baarlammaanka iyo guddoonkooda, afar sano howl doorasho maalinne ma soo hadal qaadin laakin doorasho wey qaba karaan haddii loo kordhiyo muddo xiloodkood ku dhawaad SANNAD amd ka badan. Arrinkaasi “WAA KAAF IYO KALA DHEERI”!

2. Hadal jeedinta guddiga waxaa kale oo ku cad muddo kordhin hoosta ku wadato muddo kordhin kale. Taas waxaa daliil u ah guddigu waxay ku andacoodeen ama ka muuqata hadal jeedintooda asbaabtii keentay dib u dhaca oo ay ugu horreyso hoggaankii iyo hay’adaha ay u tiirinayeen dib u dhaca iney wali ka sugayaan wixii ay ka waayeen muddo AFAR sano ah. “ALLOW RUNEY YAA KU SHEEGA”!

3. Hoggaanka iyo xukuumadda laga dhur sugayo sow ma aha kuwi tan iyo markii ay talada yimaadeen khilaaf iyo burburin ku waday dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

4. Madaxweynaha wuxuu horay u ballan qaaday ineysan jiri doonin wax muddo kororsi ah, taasoo uu ku tilmaamay iney lumineyso kalsoonida lagu qabo dowladnimada. Sidaas daraadeed wax la aqbali karo ma aha inuu maanta noogu soo dul gabbado GMDQ isagoo raadinayo muddo kororsi.

5. Sidii aan horay u soo sheegay, fidnada iyo qalalaasaha maanta ka dhex taagan labada aqal ee baarlammaanka waxaa aad uga muuqda faraha madaxweynaha oo shalay aqalka sare KOORAMKII ku waayay faragelin qaawan awgeed.

Baaq
Madaxweynaha JFS, waxaan ugu baaqayaa inuu dhago laab u daloola ku dhageysto baaqeyga:

1. Waqti ayaa horay dalka iyo dadka uga soo lummay ee fadlan mid kale ha kasii luminin.

2. Waqtiga yar ee ka haray xilli-xileedkaaga hal arrin ayuu ku filan yahay. Kaas oo ah inaad u istaagto in doorashada loo helo heshiis siyaasadeed si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale laguugu soo doorto.

Gunaanad
Walaalayaal, doorashadii ugu dambeysay ee dimoqraadiga ahayd ee dalkaan ka dhacday oo ay ka soo wareegtay in ka badan 50 sano, qaladaad ka dhacay awgeed, waxay dalkaan iyo dadkiisa u keentay ma hadho siyaasadeed oo ilaa hadda taagan. Sidaas daraadeed, Soomaaliya ma xammili karto qalad kale oo taariikhi ah oo dhaca xilli ay ka soo bogsaneyso jahawareer muddo dheer ay la soo tacaaleysay. Sidaas daraadeed, qofka ama kooxda maanta diiddan wadatashi siyaasadeed oo la gaarayo heshiis siyaasadeed oo wada-oggol ah waa QARAN DUMIS IYO DOWLAD DIID, ha ku soo gabbado GMDQ ama ha soo mare jid kale e. Waxaan madaxweynaha JFS ugu duceynayaa in Ilaahey tubta toosan iyo talada toosan waafajiyo.

Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego, kororsiimada uu madaxweynuhu u hanqal taagayo ma aha mid ku kooban isaga oo kaliya ee waxay gadaal ku wadataa kororsiimmayaal badan oo kala ah:

1. Kororsiimmo Xilli-xileedka Madaxweynaha.
2. Kororsiimmo Xilli-xileedka Xukuumadda.
3. Kororsiimmo Xilli-xileedka Golaha Shacabka.
4. Kororsiimmo Xilli-xileedka Aqalka Sare.
5. Kororsiimmo Xilli-xileedka GMDQ.
6. Xilli-xileedka guddiyo kale oo dhacaya.
7. IWM

Ugu dambeyntii, waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu duceynayaa in Ilaahey tubta toosan iyo talada toosan waafajiyo.

والله وليّ الصالحين

.

.

.

Xigasho: Barta Facebook ee Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________________


Waa kuma Maskaxdii ka dambeysay in la helo metelaada G/Banaadir ee Aqalka Sare?

$
0
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay shalay in gobolka Benaadir uu matalaad 13 xubnood ah ku yeesho golaha Aqalka Sare.

Tiro xildhibaano ah oo gaaraya 142 xubnood ayaa u codeysay ansixinta moshinkan iyadoo 4 xubnood oo kali ahna ay ka soo horjeesteen, waxayna tallabadani ka dhigan tahay in Aqalka Sare oo markii hore ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada matalayay ay haatan ku soo biirtay Muqdisho tiradiisa guudna ay noqon doonto 67 Senator.

Dadaalka loo galay ka miro dhalinta arrintan ma aheyn mid hadda bilowday, Hadal heynta ku saabsan maqaamka iyo matalaada gobolka Benaadir waxay aheyd mid muddo dheer soo jiitamaysay oo aan soo dhaafin afka baarkiisa, balse ugu dambeyn waxaa derbigaas ku dhiiraday inuu jebiyo, Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo dhiig cusub ku shubay ololihii la xiriiray sidii loo heli lahaa xuquuqda siyaasadeed ee Muqdisho.

Haddii aan taariikhda dhowr bilood ka hor dib ugu laabano arrintan ayaa soo bilaabatay 2-dii bishii February ee sanadkan markii Senator Dufle uu fadhiga Golaha Aqalka Sare ka jeediyey hadal taariikhi ah oo horseeday xaqiijinta metelaada gobolka Banaadir xili goluhu ka doodayey Ajende la xiriiray Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal.

Prof. Dufle ayaa si geesinimo leh hadal jeedintiisa diirada ugu saaray muhiimada ay leedahay sidii loo heli lahaa metelaada Muqdisho oo gebi ahaanba aan lagu soo hadal qaadin sharciga doorashooyinka, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xuquuqdooda la duudsiiyo dad saddex milyan ka badan oo ku nool Muqdisho, kuwaasoo aan lagu xusin sharciga doorashooyinka cidii ku meteli laheyd siyaasada dalka.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia ayaa 8-dii isla bishii Febraayo ee sanadkan ansixiyay Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal ka dib markii muddo laga doodayey, waxaana nasiib wanaag noqotay in sharcigan lagu soo daray qodobkii muhiimka ahaa ee uu soo jeediyey Senator Prof. Dufle oo ahaa metelaada G/Banaadir, kaasoo si buuxda loo tixgeliyey, waxaana laga dhigay qodobka 12aad faqradiisa 6aad ee sharciga doorashooyinka oo u qoran sidan:-

(Xuquuqda metelaada gobolka Banaadir waxaa xeer ka soo saaraya labada gole ee Baarlamanka federaalka Somalia)

Ugu dambeyn sidaas ayey ku rumowday riyadii shacabka Muqdisho ay mudadii dheer ku taamayeen, waxaana dhowaan la soo saaray xeerka metelaada gobolka Banaadir ee shalay la ansixiyey kaasoo ka mid ahaa afar xeer oo ay soo diyaariyeen Guddiga Wadajirka ah ee Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo sidoo kale uu xubin ka ahaa Senator Prof. Dufle.

Muran kama taagna in xeerkan markii uu soo gaaray Golaha shacabka meel marintiisa ay dedaal u galeen xildhibaano badan iyo xitaa Madaxda sare ee dalka balse xaqiiqadu waxay tahay in Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle uu taariikhda ku galay inuu noqday xildhibaanka kaliya ee markii ugu horeysay soo jeediyey in gobolka Banaadir uu metelaad rasmi ah ku yeesho Golaha aqalka sare taasoo ah arrin marag ma doonto ah.

Senator Prof. Cusmaan Maxuud Dufle ayaa noqday halyey soo jiitay quluubta shacabka Muqdisho, maadaama uu horseed u noqday in la helo xuquuq muddo dheer ka maqneyd oo siyaasiyiin iyo madax ka horeysay ay ku fashilmeen, taasoo uu ku muteystay iney sii siyaado sumcadii iyo sharaftii uu horeyba ugu dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.

W/Q: Maxamed Xuseen Suge
Suge11@gmail.com

Xisbiga Dadka oo jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Xaliimo Yarey (Akhriso)

$
0
0

WAR-SAXAAFADEED

Xisbiga Dadka Soomaaliyeed wuxuu taageerayaashiisa u soo gudbinayaa mowqifka uu xisbigu ka taagan yahay doorashada aan qabsoomeyn wakhtigii loogu talogalay. Sida aad la wada socotaan aragtida xisbigu waa mid dhexdhexaad ka ah herdenka siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiinta muxaafadka ah oo ay horkacayaan madaxda dowladda dhexe oo xulafeysaneysa qeybo ka mida madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ah madaxweyneyaashii hore oo xulafeysanaya qaar ka mida siyaasiyiinta madaxabanaan.

Marwo Xaliimo Ismaciil oo ah Gudoomiyaha Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) waxey si buuxda u cadeysay ineysan qabsoomi karin doorashadii la saadaalinayey iney qabsoonto wakhtiga uu qeexay dastuurka oo ku beegneyd bisha November 2020. Dhaliisha ay leedahay waxey ahayd iney ku wanaagsaneyd mar hore iney warbixinteeda soo jeediso oo ay soo bandhigto talooyinkan ugu dambeynta dhamaadka sanadkii hore ee 2019ka.

Waxaa Soomaaliya caado ka noqotay geedi guurka hanaan cusub ee doorasho mar kasta oo la gelayo doorashooyinka kuraasta dowladda dhexe. Dib u xasuuso dowladdii uu madaxda ka ahaa Madaxweyne Sheikh Shariif waxey ku qaadatay hal sano oo uu ku darsaday si uu u qabto doorashadii 2012 oo uu xilkiisa ku waayey, sidaas si la mid ah Madaxweyne Hassan Sheikh waxey ku qaadatay 5 bilood oo uu ku darsado si uu u qabto doorashadii 2017 oo uu isna xilkiisa ku waayey. Hadda Madaxweyne Farmaajo waxaa u qorsheysan inuu ku darsado 6 bilood si uu u qabto doorashada 2021, taas oo noqon doonta mid uu isna xilkiisa ku waayo.

Xisbiga Dadka wuxuu soo dhoweynayaa qorshaha ay soo bandhigtay Marwo Xaliimo Ismaciil oo ah gudoomiyaha GMDQ, taas oo doorashada dalka dib ugu soo celineysa iney dhacdo ugu dambeysta bisha September 2021, sida horayba ay ugu dhacday doorashadii 2012ka. Xisbiga Dadka wuxuu fursad u siinayaa gudoomiyaha GMDQ iney ka dhabeyso qorshaheeda oo ay haysato wakhti ku filan oo ay ku fuliso, laguna siiyo garab si ay ugu guuleysato doorashadaas taarikhiga ah oo soo afjareysa geedi guurka wakhtiga doorashooyinka, wixii hadda ka dambeeyana ay soomaaliya yeelan doonto wakhti cayiman oo ay dhacaan doorashooyinka dalka oo si rasmiya loogu xuso dastuurka dalka.

Xisbiga Dadka wuxuu soo jeedinayaa in xooga la saaro helida damaanadqaadka in doorashooyinku ay ku dhacaan sida ku cad qorshooyinka gudoomiyaha GMDQ, taasna la geliyo dadaalka intii wakhti badan lagu dhumin lahaa khilaaf jiitama oo ku soo dhamaada dhiig daata. Qorshahaan waxey dan weyn u tahay in fursad dahabiya oo looga eed la’ yahay lagu siiyo madaxda dowladda dhexe iyo gudiga doorashooyinka madaxabanaan, taas oo tijaabo u ah niyad samida lagu raadinayo qabsoomida doorasho u dhacda si xora, xaqa oo xalaala, iyo in laga miro dhaliyo dadaalkii dheera ee gudiga madaxbanaan ee doorashooyinka ay u soo mareen sidii doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga qabsoomi lahayd.

Xisbiga Dadka wuxuu ku talinayaa in xisbiyadda siyaasadeed iyo siyaasiyiinta madaxbanaan ay isugu yimaadaan shir ay ku soo dhisayaan gole dowladeed oo aan rasmi ahayn (shadow Government), taas oo si talowadaaga awooda ula qeybsaneysa dowladda rasmiga ah marka la galo xiliga kala guurka, dhismaha dowladaasna loo baahan yahay in laga talo geliyo dhamaan siyaasiyiinta iyo madaxda maamul goboleedyada saluugsan dowladda hadda jirta. Mucaaradka iyo maamul goboleedyadu waa ineysan wakhti isaga dhumin kulamada la isku mashquulinayo ee ay wada yeelanayaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyadu. Go’aan ka gaarida xiliga kala guurka waa iney ku timaadaa tala wadaaga labada dowladooda oo ay kala leeyihiin mucaaradka iyo muxaafadka iyo xulafooyinka kala raacsan.

Madaxda dowladda dhexe marka la soo gaaro wakhtiga uu xilkoodu ka dhamaado waxey ku qasban yihiin iney aqbalaan in talada lala wadaago si taas bedelkeeda ay u helaan 6 bilood oo kala guura oo aysan gaari karin go’aano masiiriya ama aysan adeegsan karin awooda iyo hantida dowladda, haddii aysan rabin sidaas jidka u furan waa iney tanaasulaan oo xilalka ay iska casilaan marka ay dhamaato wakhti xileedkooda. Madaxda dowladda haddii ay is lahaayeen xujeeya siyaasiyiinta madaxabanaan iyagoo ku soo dhuumaaleysanaya kororsiimada sida dadban uga dhex muuqata qorshaha xaliimo Yarey, hadda xujadu iyagey hortaala oo loo baahan yahay iney labo kala daran mid doortaan, taas oo ah ama iney ku ekaadaan wakhtiga xilalkooda ama iney ogolaadaan xiliga kala guurka oo ka baxsan wakhtiga u dhamaaday xilalkoodu iney talowadaag la noqdaan mucaaradka iyo siyaasiyiinta madaxabanaan.

Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Prof. Saciid Ciise Maxamuud

-DHMAMAAD-

Guddoomiye Xaliimo yareey oo u jawaabtay Madasha Xisbiyada

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 29. 2020–Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan e Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) ayaa ka jawaabtay eedeyn ay u soo jeediyeen qaar kamid ah Xisbiyada,kuwaas oo qaarkood ka dalbaday inay is casisho.

Guddoomiye Xaliimo yareey ayaa sheegtay in aysan aheyn Guddigooda dad dambiile ah oo qaban waayay Shaqadii loo diray,hayeeshee ay horay u soo gudbiyeen in baahi badan oo la xiriirta arrimo doorashada ay jirto.

Waxaa ay sheegtay in weli aan la helin waxyaabihiimii muhiimka u ahaa doorashada,sida Dhaqaalaha,hayeeshee Madasha Xisbiyada laga doonayay inay dhaqaalahaas la baadi goobaan,balse ay jawaab uga dhigeen is casil.

“Anaga waxaan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo haqadii naloo diray aan qaban weyno,feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan ayay tiri” Guddoomiye Xaliimo Yareey.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) ayaa Maalin ka hor waxaa ay ka hor sheegtay Xildhibaannada Golaha Shacbaka inay Guddigooda u baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho loo qabto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

Madaxweynaha Galmudug oo kulamo ka wada degaanka Dhabad

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 29. 2020–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Dhabad ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo bulshada ku dhaqan Magaaladaas.

Kulamada ayaa waxaa looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyo kusoo laab laabtay degaankaas,kuwaas oo u dhaxeeyo labada beelood oo isku heysta dhul ku yaalla degaankaas.

Odayaasha Dhaqanka degaanka Dhabad ayaa codsaday in Magalada gelinsoor lagu qabto Shir dib u heshisiin ah si xal waara looga gaaro colaad Beeleedyada soo laab laabtay,waxaana warraka la helayo ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug uu aqbalay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-Qoor) ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta uu gaarao degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud,halkaas oo ay ka socdaan diyaar garoow ku aadan soo dhaweyntiisa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo ku dhow in uu baaqdo

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 29. 2020–Go’aanka ay xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayaa waxaa la sheegay in uu sababi karo burbur ku yimaada shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay dowlad goboleedyada.

Xeerarka Sharciga dooashooyinka ee la ansixiyey ayaa waxaa kasoo horjeestay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug oo labaduba ku mideysan mucaarida dowladda Soomaaliya.

Dadka falan qeeya siyaasada ayaa waxaa ay qabaan in ansixintii Baarlamaanka ee Matalaada Gobolka Banaadi ee Aqalka sare iyo cabashada kasoo yeereysa Puntland iyo Jubbaland ay keeni karto in uu baaqdo Shirka Amniga Qaranka

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

Koonfur Galbeed oo Wafdi u dirtay xiisada ka taagan Walanweyn & kulamo bilaawday

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 29. 2020-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib u heshiisinta gobeleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abukar Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Wasiirka,Amniga’xildhibaano, taliyaha ciidamada qeybta 60-aad ee xogga dalka ayaa degmada Walanweyn waxaa ay ka bilaabeen kulamo looga hadlayo Colaada ka taagan degmadaas.

Xubnaha wafdiga ayaa kulan kula qaatay Degmada Walaweyn Odayaasha dhaqanka,waxgaradka kaasi oo ku saabsanaa dardar gelinta howlaha guud ee degmadaasi,iyo xal ka gaarsita colaada ka dhacday degmadaasi Walanweyn.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib u heshiisinta gobeleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abukar Cabdi ayaa Odayaasha degmada walanweyn dhinacooda ka dalbaday inay qaataan dhib u heshiisiin dhab ah si xal loo gaaro.

Xubnaha Wafdiga ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa iyana waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Odayaasha Dhaqanka degaanka Yaaq-Bariweyne si ay ugala hadlaan arrimo ku saabsan xal u helida colaada soo laab laabatay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

Kiisaska Coronavirus ee dalka Pakistan oo korortay

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 29. 2020–Warka soo baxay Dalka Pakistan Maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in ay diiwaangelisay 3,557 kiis oo ah coronavirus cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo 49 ay tahay dhimashada cusub, sida lagu sheegay xog rasmi ah.

Marka lagu daro Kiisaska cusub tirada guud ayaa gaartay ilaa 206,512-xaaladod, taasoo dalkaasi ka dhigtay wadanka 12-aad adduunka oo dhan marka laga hadlayo kiisaska covid-19.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, tiradaasi waxay muujisay hoos u dhac ku dhawaad 3,000 oo ah rikoorkii ugu sarreeyay oo ahaa 6,895-kiis.

Caasimada dalka ee Islamabad oo malaayiin ruux ku noolyihiin ayaa hadda waaa ay la ciirciireysaa xaalada isbiirsaday, iyadoo dowladda Pakistaan sheegtay in wax isbadal ah samayn doonto

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________


Baarlamaanka Puntland oo soo saaray 13 Qodob oo diidmo ah

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 29. 2020–Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaalada Siyaasadeed ee dalka,sida Arimaha doorashada,Mataalada Gobolka Banaadir iyo xeerarka ay an sixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Kulan ay Maanta Xildhibaannada Puntland ku yeesheen garoowe ayaa waxaa ay kasoo saareen War-Saxaafadeedka ka kooban 13 qodob , iyaga oo ku sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin Xeerarka doorashadooyinka oo ay ansixiyeen Xildhibannada Golaha Shacabka.

Sidoo kale Golaha Wakiilada Puntand waxaa ay gebi ahaanba diideen matalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare laga siiyay 13 Xubnood,iyaga oo sidoo kale sheegay in hadal-jeedintii guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee doorasjooyinka ay u muuqatay mid Guddiga uu ku fashilmay Shaqooyinkii loo igmaday.

Golaha wakiilada Puntland ayaa sidoo kale sheegeen inay aaminsan yihiin in Gobolada Banaadir, Sool iyo Sanaag ay xaq u leeyihiin inay helaan matalaada Aqalka sare,iyada oo loo marayo hab raacsan dastuurka dalka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha wakiilada Puntland oo aad u dheer ayaa waxaa loogu baaqay Xukuumadda Puntland in aysan ka qeyb-gelin Shika uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo,waxaana sidoo kale ay sheegeen in Puntland ay qaadaneyso Go’aan kasta oo lagu badbaadinayo jiritaanka iyo masiirka Puntland

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

Madaxweynaha Soomaaliland oo Magacaabay Guddoomiyeyaal

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 29. 2020–Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada qaar ka mid ah, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne.

Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd
Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka waxay dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
  2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
  3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
  4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
  5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.
  6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

Puntland oo qaadacday ka qeyb-galka shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 29. 2020–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 24-kii Bishaan waxaa uu shir looga hadlayo xaalada Guud ee dalka waxaa uu ku casuumay Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,hayeeshee shirkaasi uu u muuqdo mid baaqday.

In kastoo dhamaan Dowlad Goboleedyada aysan kasoo jawaabin Casuumada madaxweyne Farmaajo ee ah qabashada shirka inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa hadana waxaa soo kordhay xaalado keeni kara in uu shirkaasi baaqdo.

Dhawaan waxaa Shirka dhanka Internet-ka ee (Video Conference) ku yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada,waxaana intooda badan ay ku baaqeen in la joojiyo Xeerarka doorashada oo ay Baarlamaanka ka doodayeen,hayeeshee aysan dhicin.

27-kii Bishaan ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ay ansixiyeen in Gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho 13 Xubnood,waxaana taasi weyn uga soo horjeestay Puntland iyo Jubbaland oo la aaminsan yahay inay yihiin laba maamul oo xulufo ah.

Shir aan caadi aheyn oo ay Maanta yeesheen Golaha wakiilada Puntland ayaa waxaa ay uga soo horjeesteen 13 xubnood ee Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka sare iyo Xeerarka doorashooyinka dalka,waxaana Xukuumadda Puntland ay u soo jeediyeen inay ka baaqsato Shirkii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

Maxkamadeynta Askari dad Shacab ah Muqdisho ku dilay oo bilaabatay

$
0
0

Mogadisho | QOL |  June 29. 2020–Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay bilaawday dhageysiga dacwadda askari 24-Kii Bishii Apriil xilli habeen ah Magaalada Muqdisho ku dilay laba qof oo Shacab ah.

Askariga oo lagu Magacaabo Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ayaa waxaa 1-dii Bishii Ramadaan uu agagaarka Isgoyska Jubba, iyada oo uu Magaalada Bandow la xiriira ka hortagga COVID-19 ka jiro uu ku dilay Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo soo eedeysay Dable Boolis Xasan Aadan Xasan iyo Qareenada u doodayaya Eedeysanaha ayaa maxkamadda hadal-jeedintooda dhageysatay,waxaana goobta la horkeenay markhaatiyaasha.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa weeydiistay Garsoorayaasha Maxkamadda in lagu xukumo Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ciqaab u dhiganta qodobada ku xusan eedooda.

Qareenada u doodayay eedeysane Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ayaa codsaday in magta eedeysanaha la saaro Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed maadaama askariga uu fulinayay amarka Taliyaha Booliska ah ee in dadka la kala fogeeyo sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamaa Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo xiray dhageysiga dacwada loo heystay Dable Boolis Xasan Aadan Xasan oo ka tirsan Saldhiga Booliska Boondheere,waxaana uu sheegay in Go’aanka ay dib kasoo saari doonto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

Safiya Roble-van Deursen : Gabadhii ugu horreeysay Soomaali ah, oo qareen ka noqoto Nederlands [Waraysi]

$
0
0

Safiya Roble-van Deursen  waa gabadhii ugu horreeysay  ee Soomaali ah, oo qareen ka noqota waddanka Nederlands.  Waraysi koobban oo ay saxaafadda siisay Safiya waxay kaga hadashay qaybo badan oo nolosheeda ka mid ah; laga soo billaabo markii ay dalkan timid, heerarkii kala duwanaa waxbarasho ee ay soo martay, caqabadihii ay la kulantay iyo markii ay soo gaartay halka ay maanta joogto sida niyadeedu tahay.

Safiya, waxay tilmaantay in ay dalkan markii ay imaanaysay da’deedu  ahayd 17 jir, ayna u babac dhigtay in ay ka libin keento hadafkeedii ahaa in ay waxbarato, shaqo fiicanna ay hesho.

 “Waxaan dalkan imid anigoo 17 jir ah, markiiba waxaan xoogga saaray inaan luqada  barto, haddii aad tahay qof waxbarashada jecel wax waliba waa kuu fududaanayaan, markii aan waxbarashada billaabayay qalbigeyga kuma jirin inaan qareen noqdo hadafkaygu wuxuu ahaa inaan meesha ugu sareeysa gaaro, shaqadeydii ugu horreeysay waxay noqotay xisaabiye “bookhouder”, markii aan  jaamacadda ka baxay ayaan doortay shaqada qareenimada.  Anigu waxaan mar walba jeclaa inaan joogo meel aan dadka uga qidmeyn karo” Ayeey tiri Safiya, waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in dhaqankii ay ku soo barbaartay ee ahaa “discipline” wanaagsan in dhaqankaasi uu dhabaha u xaaray in ay maareysay nolosheeda markii ay qurbaha timid, kana tillaabsato caqabadaha ay noloshu wadato.

“Cunsuriyayntu mar walba waa jirtay, adiga ayeey kugu xiran tahay inaad aqbasho, haddii aad haysato hubkii aad isaga difaaci lahayd oo ah aqoonta waad ka guulaysanaysaa, anigu markii aan qareenimada baranayey way adkayd in hamigaa aad la timaado adigoo gabar madow oo ajnabi ah, haddii qof uusan albaabka kuu furin ma soo galaysid, dunida maanta dad badan oo wanaagsan ayaa jira oo marka aad jaranjarada korayso aad ku tiirsan karto” Ayeey tiri Safiya.

Safiya, mar la waydiiyey waxa ay kula talin lahayd da’yarta Soomaalida ah ee gabadho iyo wiilal ba leh ee ku haminaya in ay soo gaaraan halka ay iyadu maanta joogto, waxa ay ku jawaabtay.

“Horumar kasta ee aadmigu gaaro waxaa saldhig u ah 2 arrimood, kuwaas oo kala ah; in aad la timaado rabitaan adiga kaa imaada oo aysan ciddina kugu qasbin inaad gaarto yoolka aad tiigsaneyso iyo inaad tahay shaqsi u gegsan kara caqabad kasta ee uu la kulmo, dulqaadkuna aad buu mihiim ugu yahay guusha nolosha”

Waxaa la waydiiyey; Madaama dalkaaga Soomaaliya xilligan uu ka soo kabanayo burbur iyo fowdo, ma ku tala jiraa mustaqbalka dhow inaad aqoontaada iyo khibraadaada dhanka sharciga ah kaga faaideyso jiilasha cusub ee Jaamacadaha iyo iskuulada wax ku baranaya.

“Anigu waxaan qabaa qof walba oo Soomaali ah meel walba ha joogee waxaan leenahay hal dal oo la yiraa Soomaaliya. Muuqaalkayga un baa dalkii ka maqane niyadeydu halkaas bay jirtaa, waxaan jecelahay in dalkeygu gaaro heerarka ay dalalkani ka gaareen horumarka iyo wax wada-qabsiga, sidaas oo ay tahayna anigu diyaar ayaan u ahay inaan qayb ka noqdo horumarkaas”.

Safiya Roble-van Deursen,  Mar ay ka jawaabaysay su’aal la waydiiyey  oo ahayd; Dalkan, waxaa ku nool Soomaali tiradooda lagu qiyaaso inta u dhexeysa 35 ilaa 40 kun, waxaanna ka dhisan dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65  ururo Soomaali ah oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN. Sidoo kale waxaa jira hay’ado iyo ururo Soomaali ah oo ka shaqeeya arrimaha bulshada, ma jiraa xiriir aad dhinacyadaas leedihiin, waxay ku jawaabtay:

“Markii aan waxbarashada dhameeyey ugu horreeyntii waxaan raadiyey Soomaali, jaaliyada  Amsterdam waxaa ka noqday [bestuur lid]  waxaan caawin jiray qoysaska ilmaha laga qaato, hadda ma jiro xiriir joogta ah, haddana iyagu way iga war hayaan, anigana waan ogahay” .

Viewing all 19460 articles
Browse latest View live