Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19460 articles
Browse latest View live

Farmaajo oo ka qeyb-galay furitaanka Shirka Iskaashiga Ruushka & Afrika

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala qeyb galay madaxda kale ee Qaaradda Afrika kulanka furitaanka Madasha Dhaqaalaha ee Ruushka iyo Afrika oo socon doonta 23-24 bishan.

 

Shir oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Ruushka ayaa waxaa ka qeyb-galaya inta badan wadamada Qaarada Afrika, ayaa waxaa siwadajir ah u furay Madaxweynaha Ruushka iyo dhigiisa dalka Masar Cabdul Fataax Al-Siisi ahna Gudodomiyaha Ururka Midowga Afrika.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Shirka faah faahin ka bixinayey ayaa sheegay in looga hadlay soo bandhigida iskaashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika.

 

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Masar ayaa khudbado kala duwan ka jeediyey  Shirka, iyada oo la soo bandhigay heerka uu la egyahay xiriirka ka dhaxeeya dalalka Afrika iyo wadanka ruushka iyo caqabadaha ku hor gudban.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Aqalka Sare

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 2aad, iyadoo Ajandaha kulanka Maanta uu ahaa:

  1. Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka iyo Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Maaliyada XFS Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha ka hor akhriyay Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka. Wasiirka ayaa marka hore si faahfaahsan uga hadlay halka ay marayso hanaanka deyn cafinta Dalka Soomaaliya asigoo sheegay deynta Dalka lagu leeyahay in ay gaarayso 5 billion oo doolarka, deymahaas oo laqaatay inta u dhaxeysa 1965-1988.

Gudoomiye Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kuwareejiyay Hindise Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Dalka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibkooda uga aadan.

Ugu danbeeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa dib udhigay Ajendaha 2 aad ee Kulanka , asagoo soo xiray kulanka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xoghayaha Guud ee IGAD oo la Magacaabay

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 AbiyAxmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa u magacaabay Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyehu, waxaana sidoo kale xilka Guddoomiyenimada IGAD lagu wareejin doonaa Kenya.

 

Kursiga Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa waxaa dooneysay inay qabato Soomaaliya,waxaana u sharaxnaa Wasiirkii hore ee Arimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye.

 

Workneh Gebeyehu ayaa horay usoo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xildhibaan uu dhaawacay Guddoomiyaha Warsheekh oo geeriyooday

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 —Waxaa xalay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ku geeriyooday  Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo ka tirsanaa Golaha degaanka Warsheekh, kaas oo uu horay u dhaawacay Guddoomiyaha degmada Warsheekh Xasan Xaaji Maxamed.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa dhacay 19-kii Bishii Setember,xilli guddoomiyaha degmada Warsheekh la barayay sida loo rido ama loo isticmaalo bustoolada.

 

Maamulka degmada Warsheekh ayaa xaqiijiyey geerida Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo mudo laba bilood ah uu la jiifay dhaawaca,isla markaana  Maanta la’aasi doono.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle gaar ahaan  Mamaulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo ka tirsanaa Golaha degaanka Warsheekh.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Ruushka

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Ruushka kana qeyb-galaya Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalkaas Vladimir Putin.

Kulanka ayaa labada Madaxweyne ay uga wada hadleen Arrimo dhowr ah oo ku saabsan dhinaca maalgashiga iyo fursadaha maalgashi oo ay heysato xilligaan Soomaaliya.

Waxaan Madaxweyne Vladamir Putin, dowladda iyo shacabka Ruushka uga mahadcelinayaa soo dhaweynta diirran iyo martisoorka wanaagsan ee ay noo fidiyeen, anigoo bogaadinaya sida heerka sare ah ee ay usoo qabanqaabiyeen Madasha Sochi ayuu yiri” Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa dhankiisa sheegay in uu bogaadinayo Madaxwda Dowladda Soomaaliya,waxaana uu taageero dhinac walbo leh uu u balan qaaday Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Ruushka uuna ka qeyb-galayo Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika,waxaa uu kulamo doceedyo kale uu la qaadan doonaa Madaxda Afrikanka ah ee ka qeyb-galeysa shirkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Shirkadda DP World oo uu saameeyey Go’aankii Jabuuti

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Shirkadda DP WORLD ee dalka Imaaraadka ayaa sheegtay in muranka iyo dacwaddii dhexmartay iyaga iyo dowladda Djibouti ee ku aadanaa maamulka Dekedda Doraaleh, ay taasi dhaawac gaarsiisay shirkadda, isla markaana ay ku adkaatay inay bangiyada caalamka ka hesho deyn ay ku maalgaliso mashaariic cusub.

 

Shirkadda ayaa sababaha ay ugu adkaatay inay deyn helaan waxaa ay ku sheegtay Go’aankii Dowladda Jabuuti uga saartay Shirkadda dekadda ay ku laheyd dalkaasi,isla markaana Shaqadooda ay saameyn ku yeelatay.

 

 

 

Maamulaha Shirkadda DP WORLD Suldaan Axmed ayaa wakaaladda Wararka ee Reuters  waxaa uu u sheegay in go’aankii Dowladda Jabuuti uu dhaawacay kasoonidii lagu qabay shirkadda iyo mashaariicda ay maalgeliso.

 

Hadalkaanayuu sheegay isaga oo ku sugan dalka Ruwand halkaas oo ay Shirkaddu ka hirgelisay Mashruuc dhnaca adeega ah,waxaana uu sheegay in Bangiyadu ay walaac ka qabaan sida loo damaanad qaadayo in hadii ay shirkadda lacag amaahiyaan si lo maalgeliyo iyo in dowladuhu ay qaataan Go’aanka Jabuuti mid lamid ah ayna qaataan mashaariicdii ay fulin jirtay Shirkadda DP WORLD.

 

Dowladda Jabuuti ayaa Shirkadda DP WORLD waxaa Maamulka dekadda Doraaleh ay kala wareegtay Bishii Febaraayo sanadkii 2018,waxana tallaabadaasi ay ka dhalatay muran soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2012kii.

 

Maamulaha Shirkadda DP WORLD Suldaan Axmed ayaa ugu dambeyn waxaa uu sheegay in weli Sharkadu ay sisharci ah uga Shaqeyso dalalka Soomaaliya,Musanbiig Senegal iyo Maali,isla markaana haatan ay heshiis Cusub la saxiixdeen dalka Kongo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

kulamo iska soo horjeeda oo ka dhacay Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulamo iska soo hojeeda xalay ku yeeshay Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xubnaha Guddiga uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xubnaha Guddiga Sheekh Shaakir uu Magacaabey ayaa kulanka uu la qaatay waxaa uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashada Galmudug iyo sida ay u soo xuli lahaayeen Xildhibannada Cusub ee Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan in Glmudug loo dhiso maamul ay dadkeeda u dhan yihiin,isla markaana laga Aas’aaso Magaalada Dhuusamareeb,waxaana uu ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya garab istaagto.

Dhinaca kale waxaa xalay kulan isugu yimid Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar kamid ah bulshada Dhuusamareeb,waxaana kulanka uu ahaa mid Guddiga lagu taageerayay.

Cabduqaadir Nuur Caraale oo kamid ah Xubnaha Guddiga Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in guddigooda uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono Bulshada Galmudug,isla markaana xildhibaannada ay kusoo xuli doonaan qofkii buuxiya Shuruudaha.

Galmudug ayaa xilligaan u muuqata mid galeysa khilaaf horleh oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna oo sheegay in Dowladda uga baxday balamihii ay la gashay Ahlusunna Wal-Jamaaca.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Ruushka oo Soomaaliya ka taageeraya la-dagaalanka Al-Shabaab

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Ruushka kana qeyb-galaya Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalkaas Vladimir Putin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin ka bixinayay kulanka labada Madaxweyne ayaa sheegay in Madaxweynaha ruushka uu Soomaaliya u balan qaaday in uu ka taageero dagaalka ay Dowladda kula jiryo Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Aduunka uu muhiim u yahay dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ugu weyn tahay,isla markaana dowladda Ruushka ay sheegtay inay Soomaaliya ka taageereyso dhinaca Ammaanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Howlgal dad lagu qab qabtay oo laga sameeyey Jowhar

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Booliska magaalada Johwar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa howlgallo isbajoog ah ka sameeyey xaafadaha kala duwan oo magaaladaas ka kooban tahay.

Howgaladan ayaa u jeedkoodu waxaa uu yahay in Amniga lagu xaqiiyo iyada oo ciidanku foojig naan dheeraad ah ka muujinayaan in falal Amnidarro aysan ka dhicin halkaas.

Howlgalkii u dambeeyey oo xalay ciidanku ka sameeyeen Jowhar ayaa waxaa lagu soo qabtay dhowr qof kuwaas oo looga shakisan yahay inay xiriir laleeyihiin Al-Shabaab.

Booliska Magaalada Jowhar ayaa badiyey Howlgaladooda iyaga oo sheegay inay kaga hirtagaan inay Al-Shabaab geystaan falal Amnidarro,isla markaana ciidamadu ay yihiin kuwa feejigan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Dowladda & Ahlusunna oo ku loolamaya Maamul u sameynta Galmudug

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socda diyaar garoow loogu jiro dhismaha Maamulka Galmudug oo ay ugu horeeyaan soo xulitaanka Baarlamaanka Cusub ee Maamulkaas,hayeeshee waxaa jira caqabado hareeyey sidii lagu dhisi lahaa Maamul loo dhanayahay.

 

Heshiis aan weli banaanka sirasmi ah loo keenin oo dhex-maray Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna ayaa Dowladda 10 sano,kadib waxaa ay ku tagtay Dhuusamareeb,isla markaana ay uga howlgaleen Hay’adaha Ammaanka Soomaaliya.

 

Hayeeshee waxaa weli xal loo helin habka loo dhisayo Maamulkaas, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna ay kala magaceen laba Guddi doorasho uu isku Shaqo ah,isla markaana ay kawada howlgallayaan Magaalada Dhuusamareeb.

 

Hoggaanka Ahlusunna ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel celiyeen in Xukuumadda Soomaaliya ay ka baxday heshiisyadii ay la gashay,waxaana ay u muuqataa in weli aan xal laga gaarin galmudug aan dhameys aheyn oo ka jirtay deegaannada Galmudug.

 

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulamo iska soo hojeeda xalay ku yeeshay Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xubnaha Guddiga uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay u muuqataa inay iska dhega-tirtay cabashada ka imaaneysa hoggaanka Ahlusunna maadaama Guddiga doorashada ay magacaawday uu si toos ah kulamo uga bilaabey Dhuusamareeb halka Ahlusunna ay iyana guddi kale Magacaabeen kana howlgallayaan Dhuusamareeb.

 

Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug qaarkood sida Kamaal Guutaale iyo Cabdiraxmaan Odawaa ayaa waxaa ay ka digeen in Galmudug laga abuuri xasiloonidaro taasi oo hor istaagi karta geedi socodka la doonayo in lagu dhiso Galmudug mideysan.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Soomaaliya oo Masar kaga qeyb-gashay Shirka Ururka Islaamka

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee  Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Libaax Ibrahim iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galaya shirka Ururka Islaamka.

Wasiir ku xigeenka ayaa kulamo hareer socda shirka la qaatay wasiiradda dhiggiisa ah ee ka qeyb galay shirka, isagoo kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa dhibaatooyinka xagga Biyaha ah ee ka taagan qaar ka mid ah Dunida Islaamka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka Todobaadka Biyaha Masar oo Khamiista Maanta ah lagu soo gebagabayn doono Magaalada Qaahira, iyadoo la wado in uu halkaasi ka jeediyo Khudbad ku aaddan habka uu Dalkeennu ugu faa’iideysan karo Kheyraadka Biyaha.

Wasiiradda Biyaha ee Dowladaha ku midoobay Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC  ayaa Sanadkiiba ka arrinsada Biyo yarida ka jirta Waddamada ka tirsan Ururkan.

Kulamada noocan oo kale ah ayaa waxa laga soo saaraa war murtiyeed ku saaabsan in si guud loo taageero Dalalka ay haysato Biyo yarida iyo sidii loo horumarin lahaa ka faa’ideysiga kheyraadka Biyaha.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Taliska Ciiidanka Badda oo ka hadlay Doontii ku degtay Xeebta Cadale

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Taliyaha Ciidanka Badda &  ilaalada Xeebaha dalka Soomaaliya Admiraal guuto Cabaas Amiin Cali ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay doontii ay wateen Ciidamo katiran kuwa Dowladda Soomaaliya ee dhawaan ku degtay meel u dhow Xeebta degmada Cadale.

Taliyaha waxaa uu sheegay inaysan jirin cilad weyn oo ku timid doontaas iyo inay waxyeelo dhimasho ah kasoo gaartay ciidamo katirsanaa Dowladda ee saarnaa,kuwaas oo uu sheegay inay raashin u wadeen Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Doontaas iyo doon kale oo gurmad ahaan ugu direen ay haatan ku sugan yihiin Xeebta degmada Cadale,isla markaana Maanta ay soo geli doonaan Ciidamadaas Magaalada Muqdisho.

Si kastaba hadalka Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada Howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgalla Biyaha Soomaaliya ay sheegeen inay soo badbaadiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo Doon la degtay, iyaga oo Sawiro soo bandhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Madaxweynaha Jubbaland oo gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan waxaana si gaar ah diirada loogu saaray xaaladaha amaanka iyo Siyaasada.

 

Golahu wuxuu ka dooday xaalada amaanka iyadoo Hay’adaha amaanka la faray inay dardar galiyaan howlgalada sugida amaanka waxaa kale oo Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland iyo xooga dalka lagu amaanay siday u wadaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

 

 

 

Golahu wuxuu ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ay Al-Shabaab ku beegsadeen muwaadiniin naftooda ku waayay iyagoo door muuqda kaga jira dadaalka dib u dhiska dalkeena.

 

Waxaa golahu uu uga mahad celiyay shacabka ree Jubbaland sida adkaysiga iyo dal jacaylka leh ee ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen Shacabka Jubbaland taas oo ay qayb ka tahay xayiraada dhinaca hawada ah ee shacabka ay kusoo rogtay Dowlada Federaalka ah.

 

Dhinaca kale Wasaarada Waxbarashada ayaa soo bandhigtay sida ay muhiimka u tahay in la sameeyo dabagal dhab ah oo lagula soconayo sida Iskuulada Waxbarashada ay u hirgalin lahayeen Siyaasada Waxbarashada ee Wasaarada.

 

Wasaarada Maaliyada ayaa soo bandhigtay hanaanka Cusub ee dib u habaynta dhaqaalaha inay muhiim u tahay sidii sanadaha soo socda loo samayn lahaa dib u qaabayn xoog leh oo dhinaca dhakhliga ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

AMISOM oo dad beeralay ah ku dishay Shabeelaha Dhexe

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax miino waxaa lagula eegtay degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel beero ay ku yaallaan, islamarkaana ay joogeen dad Shacab ah.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qarax miino ee loo dhigay ciidanka AMISOM uu haleelay mid ka mid ah gawaarida  ay wateen.

 

Ciidanka AMISOM ayaa inta aan lala beegsan Qaraxa waxa ay qarxiyeen Qarax Miino oo la dhigay isla goobta sidda ay sheegen dadka degaanka.

 

Ciidanka AMISOM ayaa furay rasaas, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaataasi ay ku dhinteen laba qof oo beeraley ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Sawirada :-Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee haatan horyaalla labada dhinac.

 

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay in uu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay tiirarka ay tahay in uu ku saleysnaado xiriir kasta oo iskaashi oo Qaaradda Afrika ay la yeelanayso dalalka Caalamka.

 

 

 

“Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo, laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay’’.

 

“Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan”.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Madashan iyo maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee goobta joogay in ay soo booqdaan Soomaaliya si ay u soo arkaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ayna u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi iyo khayraadka uu Alle ku mannaystay dalkeenna.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 


Sawirada:-Duqa Muqdisho Oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Jamaca Umada EeGaheer

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Xarunta jaamacada Gaheer oo ay wax kabartaan arday aad u tira badan oo ay dowlada Soomaaliya si bilaash ah ay wax u barto kuwaas oo ka kala yimaaday degmooyinka Muqdisho iyo gobolada dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta jaamacada Gaheer iyadoo ujeedka booqa shadiisa ay aheyd u kuurgalida xaalada jaamacada iyo baahiyaha kajira.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka: Agaasimayaasha Guud Waa Mashiinka Dowladdu Ku Dhaqaaqdo

$
0
0

Muqdisho, Khamiis, October 24, 2019—Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo maanta ka qayb galay shirka agaasimayaasha guud oo maalintiisii sedaxaad galay ayaa sheegay in agaasimayaasha guud ay yihiin keydka, Xasuusta, laf-dhabarta iyo Mashiinka dowladu ay ku dhaqaaqeyso.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbad ka jeediyay shirka oo maanta ay ku soo biireen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowlad gobaleedyada xubnaha ka ahd dowladda federaalka, ayaa agaasimayaasha kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan shirkaan oo ay sameeyaan wadatashi, xog is waydaarsi iyo aqoon is-waydaarsi maadaama ay yihiin waaya arag iyo muraayadii laga daawan halaa nidaamka iyo kala dameynta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in agaasimayaasha guud oo bud-dhigg u ah hagaha nidaamka dowladnimo ee casriga ah, ay iska kaashadaan ka faa’iideysiga fursadaha dowladnimo ee jira iyo sida xal looga gaari karo horumarinta qarankana.

Shirka agaasimayaasha guud oo lagu soo bandhigayo waxqabadka dowaldda ayaa Muqdisho ka furmay October 22, 2019 waxaana qorshuhu yahy in lasoo xiro October 26, 2019.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

SPEECH DELIVERED BY H.E MOHAMED ABDULLAHI MOHAMED AT THE AFRICA-RUSSIA SUMMIT IN SOCHI

$
0
0

Your Excellency Vladamir Putin, President of the Russian Federation,
Your Excellency Abdelfatah Al Sisi, President of the Arab Republic of Egypt and the Chairperson of the African Union
Your Excellences, Heads of State and Governments,

It is a great honour and privilege to be addressing you all at this historic first gathering of African-Russian dialogue and cooperation in this beautiful city of Sochi. Before I proceed, I would like to extend my gratitude to the Russian government and people for the warm welcome and hospitality my delegation and I have received. I also congratulate the Russian government and the African Union for organising this Summit successfully under the leadership of their Excellences President Vladimir Putin and President Abdel Fattah el-Sissi.

EXCELLENCIES, LADIES AND GENTLEMAN,

Indeed, this Summit is a real opportunity to re-evaluate and build on Africa’s historic relations with Russia through enhanced cooperation and partnership for common progress and prosperity. In this interconnected world, despite having been in two different continents with often vast contrasts, our futures have been more intertwined. Therefore, I am hopeful that this Summit will pave the way for a new and strengthened mechanisms of beneficial cooperation and collaboration which will create the conditions for advancing our common agenda for prosperity.

Russia is a historical partner of Africa. This Summit therefore reminds us the importance of reviving this historical relationship between our two sides. Indeed, we must re-double our efforts and engagements to ensure that our two side’s new relations translate into opportunities for our countries and people. Furthermore, we must strengthen our two sides cultural cooperation and exchanges to provide the opportunities for our governments, institutions and citizens to build on their bonds of friendship with meaningful partnerships to foster the entrepreneurship and creativity that will benefit us for generations to come.

EXCELLENCES, LADIES AND GENTLEMAN,

Somalia and Russia enjoy historical ties in which we have benefitted socially, educationally, economically and militarily from Russian’s support in the past. We need to revive our bilateral relations in fighting and confronting international terrorism, economics and trade, cultural exchange and knowledge transfer through institutional partnership. Somalia stands ready to work with Russian, our African brothers and all other major partners to deliver common progress and prosperity for our people.

EXCELLENCES, LADIES AND GENTLEMEN,

Somalia is on the path to stability and economic recovery. We have abundant natural and human resources, vast arable land for agriculture, the longest coast in continental Africa, a youthful dynamic population seeking opportunities and a government that is determined to transform the nation through good leadership firmly anchored on the principles of good governance. Therefore, I invite all investors, Russian and African to come and explore the many great opportunities in Somalia for a sustainably profitable future.

EXCELLENCES, LADIES AND GENTLEMAN,

I would like to conclude by thanking and congratulating the Government of Russia and the African Union for organizing this successful with remarkable success. Somalia looks forward to forging ahead with all stakeholders at this table in moving Africa-Russian partnership forward for common progress and prosperity. Accordingly, the Somali Federal Government welcomes the Declaration of this Summit and sees it as an important guiding document for what Africa and Russia seek to achieve together going forward.

I thank you all.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

Faahfaahin taliye Ciidan oo lagu dilay Gaalkacyo

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay mas’uul ka tirsan maamulka Puntland, xili uu ku sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

 

Mas’uulkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray  Maxamed Faarax oo si weyn looga yaqaanay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

 

Maxamed Faarax ayaa ahaa taliye ku xigeenkii Ciidanka ilaalinta wadooyinka Gobolka Mudug ee Puntland  sida ay xaqiijiyeen masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland

 

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Puntland.

 

Todobaadkii hore ayaa Gaalkacyo lagu dilay Xuseen Cabdille oo horey u soo noqday masuul katirsanaa golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo iyo kuxigeenka Duqa magaalada, ahaana Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xildhibaano kasoo horjeedda Guddiga ay Magacowday dowladda oo ku wajahan Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Xildhibaan ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo laga doorto degaanada maamulka Galmudug  ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

 

Xildhibaanada ayaa kasoo horjeeda Guddiga Wasaarada Arrimaha  Soomaaliya ay u Magacowday Farsamada iyo doorashada maamulka Galmudug.

 

Xildhibaanada maanta ku wajahan Magaalada ayaa ah kuwo saameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana la aamisan yahay tagitaankooda Dhuusamareeb in uu waji cusub u yeeli doono Xaaladda maamulka Galmudug.

 

Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Ahlusunna ayaa waxaa soo gala dhex galay Khilaaf xooggan oo sababay in Galmudug ay yeelato labo Guddi doorasho oo iska soo horjeedda.

 

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhaxeeyay dowladda iyo maamulka Ahlusunna.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Viewing all 19460 articles
Browse latest View live