Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19460 articles
Browse latest View live

Aqalka Sare oo baaq ku aadan Xaaladda Beledweyne u diray Xukuumadda

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Axmed Maxamuud ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabato dhibaatooyinka heysta Shacabka Magaalada Beledweyne.

 

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xukuumada Soomaaliya ay indhaha ka fiirsato dadka uu ku fatahay Wabiga ee ku dhibaateysan duleedka Magaalada Beledweyne.

 

Bukhaari ayaa soo saaray baaq ku aadan Xaaladda Beledweyne waxaana uu u qornaa sidaan:

 

Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne.

 

Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne.

 

Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas.

 

Hay’addu waxa ay hoos tagtaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka sida uu xeeriyay Qod.1aad (6) ee sharciga kor ku xusan. Sidoo kale, hay’addu waxa ay ku shaqaynaysaa siyaasadda ay jaangoyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.7aad ee Sharciga hay’ada lagu dhisay.

 

Qod.99aad (e) iyo (f) ee Dastuurka KMG ah wuxuu ku waajibinayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ADEEGA GUUD ee dadka Soomaaliyeed iyada oo dejineysa qorsheyaal lagu horumarinayo Dalka isla markaasna hirgelineysa shuruucda Dalka oo uu ka mid yahay sharciga kor ku xusan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Dowladda oo Ciidamo dheeraad ah geysay Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ah kuwa sida gaarka u tababaran geysay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug si ay qeyb uga noqdaan qorshaha xaqiijinta Ammaanka Dhuusamareeb.

 

Ciidankaan ayaa kala yimid Muqdisho iyo Gaalkacyo waana ciidanka sidda gaarka u tababaran sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga.

 

 

 

Horay Magaalada Dhuusamareeb waxaa loo geeyay Ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Booliska ee sidda gaarka ah u tababaran.

 

Ahlusunna ayaa dhankeeda Magaalada ka wadda Hub Aruursi iyo abaabul Ciidan,maadaama labada dhinac ay doonayaan in ay hirgaliyaan qorshahooda doorashada Galmudug.

 

Dadka Magaalada ayaa sheegay in Ciidamada Ahlusunna iyo dowladda ay kusoo daabulayaan magaalada ay ku abuurtay Cabsi weyn.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Banaanbax looga soo horjeedo Wadooyinka xiran oo Muqdisho ka bilowday

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –-Boqolaal ka mid ah Darawalada ku shaqeysta Gaadiidka dadweynaha ee lagu Magacaabo PL-ka ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay Banaanbax ay kaga soo horjeedaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay guud xiratay Wadooyinka Muqdisho.

 

Darawalada oo ah kuwo careysan ayaa dhagxaan tuuraya , waxaana ay xireen qaar ka mid Wadooyinka Muqdisho.

 

 

Jidadka ay xirteen waxaa ka mid ah Zoobe, midka Buulo-Xuubeey iyo qaar kale, waxaa kale oo la diiday xataa gawaarida ciidamada iney maraan.

 

Darawalada ayaa sheegay in dowladda ka rabto Canshuur joogto ah , iyagoo aan heysan Wadooyin ay maraan, islamarkaana ay sii wadi doonaan banaanbaxa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Senator Farole”Culimada Waxaan leeyahay Hadaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta”

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud”Faroole”  oo Khudbad ka jeedinaayay Falfadhiga baarlamaanka Puntland oo furitaankiisa hadda uu ka socda Magaalada Garowe ayaa sheegay in Culimadda ay fiican tahay in aysan Siyaasada ka hadlin.

 

Waxaa uu sheegay in Puntland ay jiraan dad badan oo dhibaatooyin ku haya oo loo baahan yahay in laga qabto, islamarkaana si wadajir ah loo ilaaliyo Midnimada Shacabka degaanada maamulka Puntland.

 

“Culumada Waxaan leeyahay Hadaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta midka siyaasada soo qaata laakiin idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan idinka waana laydinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna amba sheikh baan ahay ima harowsan kartaan” ayuu yiri Senator Faroole

 

Faroole ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay arimaha Jubbaland iyo doorashadii ka dhacay Kismaayo, waxaana uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu yahay Axmed Madoobe isla markaasna ay aqoonsi buuxa siiyeen madaxdii ka qayb gashay caleema saarkiisa halka uu tilmaamay siyaasiyiinta kala ah C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig rag laga dhex hadlayo oo aan xataa ka tagin goobtii doorashadu ka dhacaysay isla markaasna ay dhibaato ka dhex wadaan shacabka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Maxaa Looga Hadlaya Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa Maanta oo Sabti wadaa in Xarunta Villa Hargeysan ay ku yeeshaan Kulankoodii 4aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

Ajadaha Kulanka ayaa ah Akhrinta 2aad ee Wax ka Badelka Sharciga Furdooyinka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 26-ka Bisha Octoober 2019 uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaanka kulankaas.

 

Todobaadkii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrita 1-aad marsiiyeen Axdiga 1954 ee ilaalinta Hanti-Dhaqameedka Xiliyada colaadaha iyo habraacyadiisa kaasoo ay horey u saxiixeen ilaa 82-dowladood, waxaana golaha usoo gudbiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

 

 

 

Daawo:-Madaxweynaha Puntland oo si Caro leh uga baxay xarunta baarlamaanka Puntland

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si Caro leh uga baxay xarunta baarlamaanka maamulka Puntland ka dib markii uu buuq ka dhashay Su’aal uu weydiiyay Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Puntland.

 

Xildhibaanno ayaa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ugu baaqay in ay is casilaan iyaga oo sheegay in ay fashilmeen.

 

Madaxweyne Deni oo isaga oo xanaaqsan xildhibaannada u jawaabay ayaa isla markiiba ka baxay golaha isaga oo xanaaqsan.

Madaxweyne Siciid Deni oo si kulul ugu jawaabay Xildhibaan Cawil Daad oo ka tirsan Baarlamaaka Puntland

Xildhibaan Cawil Daad oo su’aal weydiiyay Madaxweyne Siciid Deni iyo Madaxweynaha oo si adag ugu jawaabay.

Posted by SBC Somali TV on Saturday, October 26, 2019

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad hor taagan horumarka Puntland oo Xildhibaankaasi uu ka mid yahay, isagoo sheegay in xildhibaanka laga rabo Cadeymo.

 

Madaxweyne Deni ayaa yiri” xildhibaan Cawil waxaa looga fadhiyaa cadeynteeda inuu keeno Masaajidada layga soo qunuuday” (Habaaray)”

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo ansixiyay Guddigii doorashada Galmudug ee Shaakir

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug hor geeyay Guddigii uu dhawaan Magacaabay ee doorashooyinka.

 

Madaxa Xukuumada ayaa ka codsaday Xildhibaanada Galmudug ee shiray in ay ansixiyaan Guddiga si loo dhiso Galmudug Mideysan.

 

110 xildhibaan ayaa ogolaatay in uu Sharci Yahay Gudigga Farsamo ee uu Magacaabey Sh Shaakir waxaana Diiday 3 xubnood, Sidaas waxaa Ku dhawaaqey Guddoonka Shir Gudoominayay Kulankan .

 

Sheekh Shaakir ayaa u mahad celiyay Xubnahan Baarlamaanka Galmudug ee Taabacsan Ahlusunna waxaana uu Tilmaamey in ay Ka soo Baxeen Shaqo Culus oo looga Fadhiyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Soo Xiray Shirka Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Gobaleed

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shirka agaasimayaasha guud ee wasaarahada heer federaalka iyo heer dowlad gobaleed oo Muqdisho ka socday intii u dhexeysay Aktoobar 22-26, 2019.

 

Shirka oo ahaa kii ugu horreeyay ee agaasimayaasha guud isugu yimaadaan ayaa dib loogu eegay guulihii ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah iyo caqabadihii lala kulmay intii lagu guda jiray dhaqan gelinta ajandayaasha iyo qorshe howleedka dowladda.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay agaasimayaasha guud shaqada ballaaran ee ay qabteen maalmihii ay u fadhiyeen shirka ay dib ugu eegayeen wixii qabsoomay, ugana tashanayeen qorshayaasha wasaaraha ee hor-tebinta leh, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda horumarinta qaranka.

 

Shirka ay yeesheen agaasimayaasha guud ayaa gogol xaar u noqonaya sare u qaadidda wadashaqeynta dhaw ee ka dhexeysa agaasimayaasha guud ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed oo qayb weyn ka qaadaneysa horumarinta adeegyada dowladdu u qabato shacabka Soomaaliyeed.

 

—DHAMMAAD—-

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Sawiro:-RW Kheyre oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha

$
0
0

RMuqdisho | QOL | October-26–2019 –a’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynta dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka.

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga.

 

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la’aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Ciidamada Puntland oo Howlgal ku qabtay Hub farabadan

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari oo ay Wehliyeen Ciidanka Birmadka Booliska Puntland ayaa Magalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa ay ka Sameeyeen howlgal qatay mudo Sideed Saacadood ah.

 

Howlgalkaas ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in  Ciidamada kusoo Qabteen Hub sharci-darro ah, tahriibayaal iyo Khamri, iyada oo saraakiishu sheegeen in uu u dhacay howlgalka sidii ay ugu talo galeen.

 

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay In Howlgalkaan uu sii socon doono, isaga oo uga mahadceliyay qeybaha Bulshada Gobalka Bari,waxaana kula dardaarmay in ay Gacansiyaan Ciidamada Puntland si loo xaqiijiyo Amniga Guud ahaan Magaalada Bosaaso.

 

Ugu dambeynw axaa uu sheegay in dadka ay ku qabteen howlgalka ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ay 24 saacadood kadib cadaaladda horgeyn doonaan lana Maxkamadeyn doono.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Dad ku dhintay qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax ay dad ku dhinteen oo saaka ka dhacay deegaanka Muuri oo u dhow degmada lambar 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu qabsaday Mooto laba lugaaleey (Feykoon),waxaana ku dhintay Saddex qof oo saarnaa Mootadaas.

 

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mootada ay kusii jeeday degmada Afgooye,hayeeshee ka hor qaraxa uu Goobta maray Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya.

 

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa tegay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda iyo dadka deegaanka,kuwaas oo Goobta ka qaaday meydadka Saddexda Ruux ee Mootada saarnaa kuna dhintay qaraxaas.

 

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas,waxaana inta badan deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ka dhaca qaraxyada lala eegto Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM,qaraxyadaas oo mas’uuliyadooda ay sheegtaan Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha oo Markale banaanax ka dhigay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Magaalada Muqdisho waxaa saakay banaanbax ka dhigay Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano,kuwaas oo badi Maanta aan ka Shaqeyneyn qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho.

 

Darawalada ayaa waxaa ay ka cabanayaan in wadooyinka qaar ee muqdisho ay xirtay Dowladda Soomaaliya iyo inay dowladda kusoo rogtay lacago dheeraad ah, iyada oo wadooyinkii ay ku Shaqeysan lahaayeen ay ka xiran yihiin.

 

Gaadiidka dadweynaha ee ka yimaada degmada Madiina ee soo aada dhinaca degmada Xamarweyne ayaanan Maanta Shaqeyneyn,waxaana darawalada banaanbaxaya ay xirteen wadooyinka qaar,sida Wadada Buundooyinka, iyada oo u diidaya Gaadiidka inay maraan.

 

Darawalada ayaa sheegay in dowladda ka rabto Canshuur joogto ah , iyagoo aan heysan Wadooyin ay maraan, islamarkaana ay sii wadi doonaan banaanbaxa.

 

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa banaanbaxa ay maalintii labaad dhigayaan Darawalada Gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano,isla markaana ay uga cabanayaan Wadooyinka xiran.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Akhriso:-Qodobada looga hadlayo Kulanka Maanta ee Aqalka Sare

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in Kulankoodii Caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

 

Ajendayaasha Kulanka Aqalka Sare ee Maanta ayaa waxaa ay kale yihiin Akhrinta Hindise-Sharciyeedka Shidaalka ama Batroolka iyo Akhrinta Saddexaad Sharciga Xaquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

 

Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa Khamiistii la soo dhaafay waxaa ay yeesheen Kulankoodii caadiga ahaa, iyada oo Akhrinta 2aad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka,sidoo kalena ansixiyay Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Dhibaatooyin heysta dad ka barakacay fatahaadaha

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Dadkii ugu badnaa ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka barakaceen Xaafado katirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan,kuwaas oo uu saameeyey fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

 

Badi dadka ayaa waxaa ay u barakaceen deegaannada Ceel-Jaale, Kabxanleey iyo deegaannada kale ee Gobolkaasi Hiiraan,waxaana la sheegay in xilligaani dadkaasi ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.

 

 

 

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in dadkaasi barakacay aysan heysan Guryo ay ku hoydaan Caafimaad iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah Nolosha Bani’aadanimo.

 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale ayaa dhawaan sheegay in fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabeelle ay ka barakacen in ka badan 50 Kun oo qof welina ay jiraan dad kale oo barakacaya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Mareykanka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay Hoggaamiyaha Daacish

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Mareykanka ayaa qaaday howlgal lagu bartilmaameedsanaayey  Hogaamiyaha  Daacish Abu Bakr al-Baghdadi ,sida uu ka dhawaajiyay sarkaal Mareykan ah, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

 

Ssarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo warbixin kooban ka bixiyay natiijada howlgalka ayaa sheegay in al-Baghdadi lagu dilay duqeyn .

 

 

 

Sarkaalkaasi ayaa u sheegay warbaahinta in hogaamiyaha kooxda Daacish lagu bartilmaameedsaday  gobolka Idlib ee dalka Siiriya.

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu maanta bayaan ka soo Aqalka Cad,kaas oo uu kaga hadlaayo dilka hoggaamiyahaasi,sida uu xaqiijiyay Afhayeen lagu magacaabo Hogan Gidley .

 

Al-Baghdadi wuxuu hogaaminaayey kooxdaasi shanti sano ee ugu dambeysay,isagoo ka mid noqday dhowr taliye oo ka howlgalay Ciraaq iyo Suuriya,waxaana Mareykanku ay horay u shaaciyeen in lagu dilay duqeyn.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Dowladda oo diyaarado Gurmad sida u direysa Hiiraan

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Magaalada Muqdisho waxaa kulankii ugu horeeyey ku yeeshay xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu shalay Magaacabey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ahna Wasiirka Gargaarka dowladda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay inay kulanka ku wadaageen xaalada guud ee ka jira Magaalada Baladweyne iyo deegaannada kale ee fatahaadaha iyo roobabka saameeyeen.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maanta oo Axad ah ay Xubnaha Guddiga gurmadii ugu horeeyey ay garsiin doonaan Magaalada baladweyne,isla markaana Agab kala duwan lagu qaadi doono laba diyaaradood.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Shir laga yeeshay Amniga Gobolka Shabeellaha Hoose

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Shirka labadii isbuucba mar lagu qabto magaalada Muqdisho ee ku saabsan Xasilinta Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa loga hadlaa xaalada Amni ee Shabeellaha Hoose iyo sidii loo xureyn lahaa deegaannada ka maqan Gacanta Maamulka

 

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimaha guud ee Wasaarada Armaha Gudaha Dowladaha Hoose Iyo Dib U Heshiisiinta Dowlad GoboleedkaKoonfur Galbeed Mustaf Sheekh Cabdullaahi,guddoomiyaha Gobolka Ibraahim Aadan Cali Najah,Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Deeqbixiyaasha.

 

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u daadihinayay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha dowlada Federaalka iyo tan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaana aad loogu eegay arrimaha Degmooyinka iyo Deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyey Magacaabistii labada Madaxweyne ku xigeen

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Kulan ay Maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka jubbaland ku yeesheen Xildhibaannada Maamulkaas ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Madaxweyne kuxigeenada Jubbaland ee uu markale Magacaabey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa dood dheer kadib waxaa ay ansixiyeen Magacaabida labada Madaxweyne kuxigeen ee Jubbaland,kuwaas oo kala ah Madaxweyne kuxigeenka 1aad Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne kuxigeenka 2aad Cabduqaadir  Xaaji Maxamuud (lugadheere).

22-kii Bishaan ayaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxaa uu Magacaabey labadiisa kuxigeen,kuwaas oo xilkaasi haayay Afartii sano ee la soo dhaafay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaateysan fatahaadaha

$
0
0

Muqdisho | QOL | Oktoobar 28, 2019 – Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Wasiirrada Xukuumadda ee Xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani, qorsheyaasha haatan socda, caqabadaha jira iyo xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanaddaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, waxa uuna ugu baaqay culimada, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan ururrada bulshadda rayidka ah in ay wada jir ugu kacaan carruurta, haweenka, waayeelka iyo muwaadiniinta dhibaataysan oo badankood dhirta saran yihiin, halka muwaadiniinta ilaa haatan la samata bixiyeyna ay gurmad cunto, biyo iyo hooy deg-deg ah u baahan yihiin.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Shaqaalaha Dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dakhlileyda ah in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay u qoondeeyaan walaalaheenna ay soo gaartay dhibaatada baaxadda leh, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta mugga leh ee ay ilaa haatan ka qaateen hawlaha gurmadka.

Culimada iyo ganacstada qeybta ka ahaa kulanka ayaa talooyin, iyo aragti-celin ka dhiibtay warbixinta ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, waxaana wadajir la isula qaatay in la ballaariyo abaabulka isku-tashiga shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee lagu wajahayo dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, Culimada iyo mataleyaasha ganacsatada ayaa si wada jir ah Alle ugu baryey muwaadiniinta ku shahiiday fatahaadahan, waxa ayna tacsi u direen qoysaskooda, asxaabtooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Oo Furay Xafiiska Isku-duwidda Qorshaha Xalka Waara Ee Barakacayaasha

$
0
0

Muqdisho | QOL | October 28, 2019 — Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta furay xafiiska isku dubba ridka qorshaha xalka waara ee qaxootiga iyo barakacayaasha.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka war bixiyay u jeedada loo furayo xafiiska, waxaana munaasabadda furitaanka goob joog ka ahaa wasiirrada gargaarka, arrimaha gudaha, waxbarashada, howlaha guud, iyo haweenka iyo guddoomiyaha guddiga qaran ee qaxootiga iyo barakacayaasha.

Deeq bixiyaasha iyo saaxiibada caalamka ee dowladda Soomaaliya oo iyana shirka ka qayb galay, ayaa amaanay qorshayaasha dowladda ee xal u helidda iyo maareynta barakacayaasha.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kudbaddiisa furitaanka xafiiska ku caddeeyay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda barakacayaasha, si ay u helaan nolosha ay u baahanyihiin ayna uga qayb qaataan hagaajinta mustaqbalka dalka.

Xal u helidda barakacayaasha ayaa kamid ah halbeegyada ugu muhiimta Tubta Horumarinta arrimaha bulshada oo kamid ah afarta tub qaran ee shaqooyinka dowladda lagu saleeyay.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Viewing all 19460 articles
Browse latest View live