Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19460 articles
Browse latest View live

Sawiro:-RW Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaalkiisii Washington

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, kadib markii uu Washington uga qayb galay shirarkii sannadlaha ahaa ee bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF)

 

Intii Ra’iisul Wasaaruhu joogay Washington, waxuu ka qayb galay shirka miiska wareegsan ee looga hadlay arrimaha deyn cafinta dalka, waxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo guulaha ilaa hadda la gaaray, waxyaaba ka harsan gaaridda barta go’aanka ee 2020, iyo baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo ka mira dhalinta dadaalka waqtiga dheer soo socday ee Soomaaliya daynta looga nadiifinayo.

 

Ka qayb galayashii shirka Miiska wareegsan oo qiray in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday shuruudihii ku xirnaa qorshaha deyn cafinta, ayaa bogaadiyay ka go’aanshaha wadajirka ah ee shacakba iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ayna ballan qaadeen in ay gacan ka geysanayaan dadaallada dalka deynta looga cafinayo.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gaar ah la qaatay madaxweynaha bangiga adduunka, agaasimaha maamulka IMF, wasiirrada maaliyadda Netherlands, Talyaaniga iyo Norway iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxda lacagta Mareykanka.

 

Ka qayb galka shirarka sannadlaha ah ee IMF iyo bangiga adduunka ayaa muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya oo si buuxda uga soo baxday dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah marsiineysa SMP4.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Sawiro:-Duqa Muqdisho oo sheegay in lala xisaabtamayo Shirkadaha dhisay wadooyinka qaar

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Kormeeray qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo ay Biya Dhigeen roobkii da’ay.

 

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lala xisaabtami doono Shirkadahii dhisay Wadooyinka ay Daadadka Roobka bur buriyeen.

 

Qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa u xirmay roobkii ka da’ay Magaalada muqdisho,isla markaana dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan dadka Shacabka ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiro Cusub

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 84 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Wuxuu xeeriyey:

Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda DPuntland, waxayna kala yihiin:

  1. Wasiiru-Dowleyaal:
  2. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
  3. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha.
  4. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  5. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  6. Wasiir Ku-xigeeno :
  7. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
  8. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
  9. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  10. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Maamulka G/Banaadir oo xiray Xarun ku taalla Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Maamkulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa uu albaabada isugu laabay Xarun lagu sameynayay Dukumintiyada been abuurka ah taas oo ku taalla mid kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xaruntaas oo ku taalla agagaarka Isgoyska km4 ayaa waxaa tegay guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle,waxaana Maamulka gobolk ay sheegeen in lagu sameynayay Dukumintiyo been abuur ah.

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle ayaa sheegay in Xaruntaan ay isticmaaleysay Dukumiintiyo been abuur ah oo ay ku dhegan tahay warqada Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay inay jiraan Xarumo kale oo sidaan oo kale ah loogu sameeyo Dukumintiyada been abuurka ah,isla markaana hadii ay arkaan Maamulka gobolka Banaadir tallaabo ka qaadi doonaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Hoggaanka Ahlusunna oo kulan xasaasi ah yeeshay

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-22–2019 —Xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulan xasaasi ah ku yeeshay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmahaan halkaasi ku sugan iyo hoggaanka Sare ee Ahlusunna Wal-Jamaaca.

 

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii loo qancin lahaa tabashada ay qabaan hoggaanka Ahlusunna oo diiday Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya.

 

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa waxaa ay sheegeen in inta badan la isugu soo dhawaaday waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac,isla markaana la go’aamiyey in meesha laga saaro mad madowga soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Wal-Jamaaca.

 

Warar kale oo ay heleyso Idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegayaan inay macquul tahay in saacadaha soo socda uu Magaalada dhuusamareeb tago Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si uu u qanciyo Ahlusunna.

 

Hoggaanka Ahlusunna ayaa kasoo horjeestay Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in guddigaas Magacaabistiisa uu yahay mid hareer marsan heshiiskii dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay gaareen 8 Bishii July ee sanadkaan 2019.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xisbiga Liberal-ka oo ku guuleystay doorashada Canada

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-22–2019 —Natiijada horudhac ah oo laga helayo doorashada dalka Canada ayaa muujineysa in xisbiga Liberal-ka ee ra’iisul wasaaraha dalka Canada uu markale ku guuleystay awoodda dalkaas.

 

Inkastoo uu guuleystay Justin Trudeau ayaa haddana waxaa la sheegayaa in uusan helin kuraastii loo bahnaa ee aqalka barlamaanka, taas oo ku qasbi doonta in uu kaashakdo axsaabta kale ee dalkaas, si uu usoo dhiso dowlad isbaheysi ah.

 

 

 

Walow qeybihii hore ee codeynta uusan Justin Trudeau helin codadka gobolada bariga ee dalkaas ayaa haddana xisbigiisa waxaa uu filayaa in kuraas badan oo barlamaanka uu ka heli doono gobolladaas, taas oo u sahli doonta in markale uu talada dalkaas qabto.

 

Doorahsada dalka Canada ayaa loo arkaa afti lagu tijaabinayo taageeradaTrudeau oo fadeexado badan ay ku soo baxeen xilligii ololaha doorashada. Xisbiga Liberal ka ayaa loollan adag kala kulmayay xisiga midigta dhexe ee Conservative ee dalkaasi.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Sheekh Shaakir oo magacaabay Guddiga doorashada Galmudug

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-22–2019 —Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug  Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Magacaabay Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug.

 

Qoraal kasoo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa lagu Magacaabey Guddigaas oo ka kooban 11 xubnood, waxaana lagu sheegay in uu ku saleysan yahay heshiiskii ay wada galeen Dowladda federaalka iyo Maamulka Galmudug.

 

 

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horay waxaa ay u Mgacaawday Guddiga farsamada iyo Dhismaha Galmudug,hayeeshee hoggaanka Ahlusunna ay qaadaceen.

 

Xalay ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb kulan xasaasi ah ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna,waxaana Magacaabistaan ay u muuqataa in la isku fahmi waayay waxyaabihii laga wada hadlay.

 

Hoos Ka Akhriso Magacyada guddiga uu Magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Xubno kamid ah Guddiga uu Magacaabey Sheekh Shaakir oo is casilay

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-22–2019 —Maanta barqadii ayay aheyd markii  Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu Magacaabey Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug,hayeeshee waxaa ku dhawaaqay inay is casileen laba ka mid ah Guddigaas.

 

Cabdi Shakuur Ciise Xaashi kana mid ahaa Xubnaha Gudiga sidoo kalena ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Galmudug ee dhinaca Ahlusunna kasoo galay Galmudug ayaa sheegay in uu is casilay sababtuna ay tahay in aan lagala tashan ka mid noqoshada Gudigaasi raalina uusan ka aheyn.

 

 

 

Dhinaca kale Gudoomiye Ku xigeenka labaad Ee baarlamanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin ayaa iska casilay xubinnimada gudiga Sheekh Maxamed Shaakir uu magacaabay ee doorashooyinka Galmudug.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horay u Magacaawday Guddi ka kooban 13 Xubnood,hayeeshee ay diideen hoggaanka Ahlusunna iyo musharixiinta Madaxweynaha Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


DFS oo Hay’adaha samafalka ka dalbatay ka jawaabida Fatahaadaha

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-22–2019 —Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa laga dalbaday hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gudaha dalka inay si deg deg ah uga jawaabaan dadka ay xilligaan saameeyeen fatahaadaha.

 

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay sameeyeen fatahaado,isla markana xukuumadda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay saameynta ka dhalan karta.

 

Wasaaraddu waxaa kaloo ay sheegtay in dadka qaarkood iyaga oo ka cabsi qaba fatahaadaha ay si iskood ah uga barakaceen deegaano ka tirsan Hiiraan,isla markaana dadka barakacay ay gaarayaan ilaa 12,000 oo qof.

 

Ugu dambeyn hay’adaha Caalamiga ah ee Caawiya Soomaaliya ayaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ay ka dalbatay inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ka barakacay fatahaadaha iyo daadka roobka deyrta oo deegaano badan ka da’ay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Madaxweynaha Jubbaland oo Wareegto ku Magacaabey labadiisa kuxigeen

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-22–2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Talaado ah kuna beegan 22 Oktoobar 2019 waxaa uu wareegto ku magacaabey labadiisa kuxigeen.

 

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka 1aad uu noqonayo Maxamuud Sayid Aadan oo xilkaasi horay u haayey halka Madaxweyne kuxigeenka labaad uu noqonayo C/qaadir Xaaji Maxamuud oo isna haayey xilkaas.

 

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Madaxweyne kuxigeennada Jubbaland.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

SAWIRO:-Shir looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-22–2019 —Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa labada guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa maanta magaalada Muqdhisho ka furtay shir laba maalin socon doona oo ku saabsan sidii haweenka Soomaaliyeed looga talo-gelin lahaa qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameyay.

 

Ugu horeyn, waxaa shirka ku soo dhaweeyay dhamaan ka qaybgalayaasha islamarkaana sharaxday ujeedooyinka shirka Marwo Zahra Cali Xasan oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

 

Sidoo kale, waxaa shirka bogaadisay islamarkaana taageero u muujisay Gudoomiyaha Kutladda Haweenka ee Baarlamaanka Federaalka Marwo Jawaahir Axmed Cilmi.

 

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga la-socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee labada gole Mudane Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Marwo Muumino Sheekh Cumar ayaa si wadajir ah waxa ay taageero ugu muujiyeen haweenka Soomaaliyeed iyagoo sheegay in xuquuqdooda uu sugayo dastuurka.

 

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa yiri “Waxa aan ku faraxsanahay muddo ka yar afartan cisho in aan seddex kulan oo wadatashi ah la yeelanay haweenka, taasi ayaa cadeyneysa in aan dooneyno doorka haweenka ee dhameystirka dastuurka in uu noqdo mid ballaaran si ay uga qaybqaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah”.

 

Ugu dambayn, shirkan oo ay ka qaybgalayaan haween ka kala yimid gobolada dalka ayaa waxaa ay taladooda ku biirin doonaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay ee dastuurka.

 


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Safiirka Mareykanka ee Kenya oo Muqdisho u yimid Arrinta Badda & Dowlada oo qarisay

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-22–2019 —Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, ayaa sheegay in uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ.

 

Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyksa ugu afka dheer dalka Kenya ee The Daily Nation ayaa lagu weydiiyay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal.

 

“Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadahadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmaajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda ,” ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya.

 

Kyle ayaa waxaa kale oo uu sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaala madaxda Kenya iyo Soomaaliya ay tahay sidii looga adkaan lahaa ururka Al Shabaab, taas na ay tahay qaabka keliya ee looga faaideysan karo kheyraadka badda.

 

Safiirka oo aan sheegin xilliga uu tegay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya uu wado dedaalo lagu xallinayo arrintan.

 

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacinin kullanka uu safiirka sheegay in uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xilliga uu dhacay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Turkiga iyo Ruushka oo heshiis kala saxiixday

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayeb Erdowan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay heshiis ay ku tilmaameen mid taariikhi ah, kaasoo uu Ruushka ku ayiday qorshaha Turkiga uu zoon dagaalka ka caan uga dhigayo Waqooyiga Suuriya ilaa xadka Turkiga.

 

Heshiiskan ayaa kasoo baxay kaddib kulan muddo shan saacadood qaatay oo ay madaxweyne Erdowan iyo madaxweyne Putin shalay ku qaateen magaalada Sochi ee dalka Russia.

 

Qodobada heshiiska ku jiro ayaa waxaa ka mida ah inuu sii socdo howlgalka uu Turkiga ka wado waqooyiga Suuriya. In malleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ay 30 kilo mitir ka fogaadaan xadka Turkiga uu la wadaago Suuriya, haddii kalana la burburin doono hubkooda iyo dhufeysyadooda.

 

Waxaa kale oo ay Turkiga iyo Ruushka ku heshiiyeen, in ciidamada labada dhinac ay roondo ka billaabaan jihoonka bari iyo galbeed ee aagga uu Turkigu rabo inuu goob dagaalka ka caan ka dhiso ee waqooyiga Suuriya, iyagoo ciidamada ku gaaf-wareegi doono dhul gaaraya 10 km oo ka shisheen doona halka la rabo in la dejiyo qaxootiga Suuriya ee hadda jooga Turkiga.

 

Dowladda Turkiga waxay sheegtay in tan iyo inti uu billowday duulaanka ay ku qaaday Waqooyiga Suuriya ay ku dishay 775 ka mid ah xoogaga Kurdiyiinta, dhankoodana laga dilay 7 askari iyo 79 ka mid ah maleeshiyaadka jabhadda mucaaradka Suuriya ee ka barbar dagaallamaya hadda ciidanka Suuriya.Waxay kaloo sheegeen in rayidka ku dhintay ay gaarayaan 20.

 

Laakin hey’adda xuquuqda aadanaha ee kor kala socota colaada sokeeye ee Suuriya, fadhigeeduna yahay Britain ayaa sheegtay in dagaalka ka socda waqooyiga Suuriya ay ku dhinteen 120 qof oo rayid ah, 259 ka mida ah xoogaga kurdiyiinta, 196 ka tirsan jabhadaha Suuriyaanka ah ee la safan dowladda Turkiga iyo 7 askari oo Turkish ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

SAWIRO:-Ciidamo katirsan Dowladda oo laga soo badbaadiyey Doon la degtay

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Ciidamada Howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgalla Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay soo badbaadiyeen Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya,kuwaas oo doon ay wateen ay kula degtay xeebta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Howlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaano Atlanta oo ay Shaqadoodu tahay la-dagaalanka Kooxaha Burcad badeedda waxaa ay sheegeen in doontaas ay ku degtay meel 60km u jirta Magaalada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe,isla markaana ay ugu gurmadeen codsi uga yimid doonta ku ciladoowday biyaha dhexdooda.

 

Sawiro ay baahiyeen Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa muujinaya Ciidamada la soo badbaadiyey iyo Shaqaalaha saarnaa doonta,kuwaas oo ka walaacsanaa noloshooda ka hor inta aan la soo badbaadin.

 

Si kastaba Ciidamadan ka tirsan Millateriga Soomaaliya oo Midowga Yurub ay kasoo badbaadiyeen Doon la degtay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalma ka hor Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda ay doon kula degtay agagaarka Xeebta Marka,isla markaana Al-Shabaab ay sheeegeen inay doontaasi weerareen kuna dileen Afar kamid ah Ciidamadii saarnaa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Muxuu muhiim u yahay Shirweynaha Ruushka & Afrika?

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Waxaa maanta lagu wadaa in magaala xeebeedka Sochi ee dalka Ruushka uu ka furmo, shirweynihi ugu horreeyay ee u dhaxeeya Ruushka iyo dalalka qaaradda Africa.

 

Shirkani oo uu hadafkiisa yahay in Ruushka uu saameyn ballaaran ku yeesho Africa sida Shiinaha iyo Mareykanka oo kale, ayaa socon doona laba maalmood, waxaana ka qeybgalaya wufuud gaareysa 3,000 oo qof oo ka kala socda dhamaan 54-da wadan ee ay ka koobantahay Qaaradda Africa.

 

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa furi doona, waxaana la shir gudoomin doona madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, oo hadda ah madaxa ururka Midowga Africa.

 

Ilaa 43 hogaamiye ayaa madasha ku kulmeysa, waxaana ku jira hogaamiyaha dalalka Angola iyo Ethiopia oo ka mid ahaa dalalki aadka ugu dhawaa Midowgii Soofiyeeti Ruushka. Waxaa kale oo jooga madaxda dalal aanan Ruushka xiriir wanaagsan lasoo yeelan sida Nigeria iyo Ghana.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka Ruushka iyo Africa maanta uga furmaya magaalada Sochi ee dhaxda xeebta Bada Madow ee Ruushka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Heshiis la dhex-dhigay beelo ku dagaalamay Bakool

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Nabaddoonada gobolka Bakool ayaa si-weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Xuddur kuwaas oo mudo 4 bilood ah howlo nadabeyn ah ka waday gobolka Bakool qeybo kamid.

 

Waqtigooda ugu badan waxaa ay ku qaateen degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool halkaas oo mar sii horeysay ku dagaalameen Beelo walaalo oo halkaasi wada dega.

 

Maamulka magaalada Xudur iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhaweeyey Odayaasha iyo Waxgaradka oo ku soo guuleystay howshii ay u baxeen.

 

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed  ayaa uga mahad celiyey dadaalka ay ku bixiyeen xalinta dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

 

Afhayeenka Malaaqyada degmada Xudur Malaaq Cali Aadan Wiir ayaa sheegay inay ku guuleysteen howlihii nabadeynta ahaa oo ay ka wadeen degmada Ceelbarde,isla markaana ay heshiis dhex-dhigeen beelihii dagaalamay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Safiirka Mareykanka ee Kenya oo beeniyay inuu la kulmay Madaxweyne Farmaajo

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Amb, Kyle McCarter ayaa beeniyey in uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kalana hadlay Arrimaha la xiriira muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Warka la xiriira in safiirka uu Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya, isaga oo soo xiganayay Wareysi ay la yeesheen safiirka.

 

 

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay safiirka in markii uu yimid Muqdisho uusan la kulmin Madaxweynaha Soomaaliya, hayeeshee ay wada kulmeen qaar kamid ah la-taliyeyaashiisa.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu kala hadlay la-taliyeyaasha aragtidooda ku aadan in Mareykanka uu fududeeyo inay Soomaaliya iyo Kenya ka wada hadlaan Arrimahaas iyo in kale.

 

Ugu dambeyn qoraalkiisa ayaa waxaa uu kusoo geba-gabeeyey in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya kaliya cadawgooda uu yahay Al-Shabaab loogana baahan yahay inay u midoobaan oo hal meel uga soo wada jeestaan.

 

Markii Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya uu daabacaya Wararka la xiriira in Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Amb, Kyle McCarter uu Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo kalana dalbaday in uu ka baxo Kiiska Badda ayaa waxaa warkaasi beeniyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Jubbaland

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic ah oo xalay ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Baar Sanguuuni ee duleedka Kismaayo.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in jugta madaafiic xalay laga maqlay deegaanka Bar Sanguuni,hayeeshee aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

 

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyida weerarkaas madaafiicda ahaa ayaa waxaa ay sheegeen inay hoobiyeyaasha ku dhaceen Gudaha xerada wallow aysan jirin dad madax bannaan oo warkaasi xaqiijinaya.

 

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen in weerark Al-Shabaab ay jawaab ka bixiyeen,isla markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray Ciidamada ku sugan Xerada Baar Sanguuni.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Baar Sanguuni ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland Maanta halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaqyo Ciidan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

SAWIRO:-Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Manta gaaray Xubnaha Guddiga farsamadaha iyo dhismaha Galmudug oo ay dhawaan Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

 

Guddiga  oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug,waxaana la geeyey Xarunta Shiirkole ee howlaha doorashooyinka lagu qabanayo.

 

 

 

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay  bilaabi doonaan kulamo ay la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo xiligaan jooga Magaalada Dhuusamareeb.

 

Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa horay u diiday hoggaanka Ahlusunna oo Magacaabey dhankooda Guddi kale iyo qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,balse aan weli la ogeyn sida ay uga Shaqeyn doonaan Magaalada Dhuusamareeb.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Wasiir Beyle oo Maxkamad ugu hanjabay Dadka sheega musuq maasuqa

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxaan Ducaale Beyle ayaa Maanta sanetarada Golaha Aqalka Sare waxa uu ka hor Akhriyay hindise sharciyeedka dakhliga guud ee qaranka oo ay soo meel mariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

Wasiirka  ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dad caadeestay in mar walba ay soomaaliya ku aydeeyaan in uu kajiro musuq maasuq waxa uuna tilmaamay in hada kadib cidii arintaasi samaysa ay la tiigsanayaan maxkamad .

 

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa waxa uu Guddoonka iyo sanetarada Aqalka sare uu ka dalbaday in ay dadajiyaan Akhrinta labaad iyo  Sddexaad si uu Madaxwaynaha dhamaadka bishaan uu ansixiyo sharcigaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Viewing all 19460 articles
Browse latest View live