Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19460 articles
Browse latest View live

Hay’adda lacagta Aduunka oo taageertay qorsho ay wado dowladda Somalia

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Agaasimaha maamulka hay’adda lacagta aduunka IMF Mrs Kristalina Georgieva oo Washington kulan kula qaadatay Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa Ku dhawaaqday in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horaanta 2020.

 

Waxaan kulan mira dhal ah shalay kula qaatay xarunta dhexe ee IMF ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo aan ugu hambalyeeyay dhaqan galinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib u-habeynta dhaqaalaha iyadoo ay jireen caqabado badan”ayay tiri Kristalina.

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Mareykanka waxaa uu ka qeyb-galay Shirka IMF Iyo Bangiga Adduunka, isaga oo sidoo kale la kulmay madaxda ka qeyb-gashay shirkaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Magaalo ka tirsan Jarmalka

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Meydka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa laga helay magaaladda Plauen ee gobolka Sachsen ee wadanka Jarmalka,waxaana uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray tooreey lagu dhuftay.

 

Booliska Jarmalka ayaa waxaa ay sheegeen in Wiilka Soomaaliyeed oo ay tuhuhsan yihiin in uu ka dambeeyo dilkiisa Shaqsi kale oo Soomaali ah.

 

 

Sidoo kale dad yaqaanay wiilka la dilay ayaa iyana waxaa ay sheegeen in dilkiisa uu ka dambeeyey wiil kale oo saaxiibo ay ahaayeen,isla markaana inta badan ay wada socon jireen.

 

Weli lama shaacin Magaca Wiilka Soomaaliyeed ee Jarmalka lagu dilay iyo Shaqsiga ka dambeeyey dilkiisa,hayeeshee Booliska dalkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku raad joogaan qofkii ka dambeeyey.

 

Si kastaba inta badan Soomaalida ku nool qaar kamid ah wadamada Caalamka ayaa waxaa ay la kulmaan dilal joogto ah,waxana dilalkii ugu dambeeyay ay ka dhaceen dalalka Ingiriiska Jarmalka iyo koonfur Afrika.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xildhibaano ka hor-yimid Go’aan kasoo baxay Maamulka Puntland

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa joojisay Xafiisyo ay Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka ka furteen deegaannada maamulkaas,hayeeshee waxaa tallaabadaasi ka horyimid Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo kan Maamulka Puntland.

 

Wasiirada Xafiisyada furtay ayaa kala ah wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan & Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo labaduba ay ka tirsan yihiin Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

 

Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo kamid ah Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in go’aankaas mamnuucista ah uu yahay mid ka hor imaanaya Dastuurka Soomaaliya,isla markaana Kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020 aysan Puntland u adeegsan karin is hor taagga xuquuda matalaadda xubnaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

 

Waxaa uu ugu baaqay Madaxda Puntland inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo dhaweeyey fikradda ah in deegaan doorashada iyo xubinta ku matasha Baarlamaanka xiriir joogta ah sameystaan.

 

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoorre oo kamid ah golaha wakiillada Puntland ayaa dhankiisa sharci-darro ku tilmaamay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, waxaana uu ugu baaqay Wasaaradda inay ka laabato warqadda joojinta xafiisyada ay Puntland ka furteen Xubno katirsan golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

Si kastaba khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ayaa saameeyey howlihii Shaqo ee labada dhinac,waxaana Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan sadiiq Warfaaf uu Xafiiska ka furtay deegaannada Puntland sanadkii 2017 halka Wasiirka Qorsheynta uu isna furtay Maalin ka hor.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Mid kamid ah xubnaha Guddiga Xaduudaha Hir-Shabeelle oo xilka laga qaaday

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadlle ayaa xilkii xubinnimo ka qaaday Aadan Cali Sedaw oo ka mid ahaa xubnaha Guddiga xaduudaha Hir-Shabeelle ee uu dhawaan magaacabay.

 

Aadan Cali Sedaw ayaa xaqiijiyey in laga qaaday ka sii mid ahaan shaha guddiga xaduudaha,isla markaana lagu badalay Xildhibaan Axmed Cabdi Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabelle.

 

Si kastaba tallaabadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan mid kamid ah Xubnaha Guddha xaduuda Hir-Shabeelle uu ku dhawaaqay in uu is casilay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Puntland oo faah faahisay sababta ay u xireen Xafiisyadii ay furteen Wasiirada DFS

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ka dambeeya inay xiraan Xafiisyo ay deegaannada Dhahar iyo Goldogob ka furteen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Wasiirada Xafiisyada la amray in laga xiro ee deegaannada puntland ka furtay ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo sanadkii 2017 furtay iyo Wasiirka qorsheynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan oo Maalin ka hor furtay.

 

 

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadaq ayaa sheegay in Puntland aysan joojin xafiisyo horumarineed in laga furto deegaannada Maamulka puntland.

 

Hayeeshee uu sheegay in Xafiisyada ay joojiyeen furitaankooda ay ahaayeen kuwa laga lahaa dano siyaasadeed,isla markaana marnaba aysan aqbaleyn arrimahaas iyo kuwo kale.

 

Si kastaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa war ay xalay soo saartay waxaa ay ku mamnuucday in xafiisyo ay ka furtaan deegaannada Maamulkaas urrurada iyo shaqsiyaadka dowladda federaalka Soomaaliya ka tirsan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Akhriso:-U jeedka dowladda Somalia hubka farabadan uga dejisay Hobyo

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay hub farabadan ka dejisay Dekadda Magaalada hobyo ee Gobolka Mudug hubkaas oo lagu geeyey Doomo dhowr ah.

 

Dadka degmada Hobyo qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay arkeen hubkaas oo kasoo degaya dekadda Magaalada, isla markaana uu yahay mid aad u farabadan.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhinacooda waxaa ay sheegeen in hubkaas loogu talo galay  Ciidamada taliska qeybta21aad ee ka howlgasha deegaannada Galmudug ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

 

Ciidamada qeybta 21aad oo dowladda Soomaaliya ay dib u dhis xoogan ku sameysay ayaa u diyaar garoobaya howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab sida ay dhowr sheegeen saraakiisha hoggaamineysa.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa hdowr jeer waxa ay Ciidamo farabadan geysay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,halkaas oo mudo 10 sano ka badan aysan ka howlgelin Hay’adaha Amniga Soomaaliya balse ay haatan ka howlgallaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Guddiga diyaarinta Sharciga doorashooyinka oo gaaray Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa gaaray Wafdi ka socda Xubnaha Guddiga KMG ah ee  soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa marka hore tegay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo uga soo gudbay dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.

 

Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Ee Baarlamaanka Soomalaiya  Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} ayaa hoggaaminaya wafdiga oo ka kooban 9 Xildhibaan,waxaana la filayaa inay la kulmaan Madaxda Galmudug eek u suagn Magaalada Dhuusamareeb.

 

U jeedada ugu weyn ee Xubnaha Guddiga soo diyaarimnta Sharciga doorashooyinka ay halkaasi u tageen ayaa waxaa kamid ah inay Madaxda Sare ee Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay kala hadlaan aragtidooda ku aadan sharciga doorashooyinka.

 

Wafdiga Guddiga KMG ah ee  soo diyaarimnta Sharciga doorashooyinka ee tegay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Ahlusunna diidmo ka muujisay Guddigga doorashooyinka Galmudug ee Dowladu Magacaawdey taasoo xalinteeda uu Dhuusamareeb u Joogo Wasiirka Arimaha Guddaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Somali voters – Canada Election, count and cast your vote and voice!

$
0
0

Toronto | QOL | October 21, 2019

Bismilah Dear voters,

I would love to remind you to carry out your rights by voting this election year and to take advantage of your voting privilege in the Canadian and American elections. Conserve your rights by voting.

Here in the west, your vote is considered an insurance policy. You insure your life by buying an insurance policy. So you vote. People usually secure their lives when they buy health insurance, home insurers, and car insurance. They buy all these insurances to protect their lives in case any problems manifest immediately or later in life.

With your vote, you get insured with the best education, better homes. (weather if it’s affordable housing programs or if it’s programs to help with your mortgages). Your vote can lead to better employment. As Somali Canadians or Americans, we have taken voting and voting privileges very lightly or have negotiated it all together.

We are in the insurance of Allah all mighty

is my favorite phrase when people use it with me, but this is a very neglectful statement.

Which leads to hopelessness, recklessness, and many other painful consequences. The repercussions of not voting are evident in the Somali community in Canada and the US. Through poverty, education, and employment. Practice your rights vote this election year.

Decide which candidate is suitable for you, and your community.

If you don’t know who to vote for get together with your friends. Hold a discussion night. Examine all the possible candidates.

 

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Toronto

Amal M .O Qadi

_______________________________________________________


Jubbaland Oo Ka Hadashay Dilkii Loo Geystay Nabadoon Saciid Adoon

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Kadib markii xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose  lagu dilay Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada deegaanka Jubbaland ayaa waxaa arrintaas ka hadashay dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa tacsi u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana dadka Jubbaland,isagoona Marxuumka Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno kala duwan oo lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoon Siciid Ciise Cabdi.

 

Rag ku hubeysanaa Bastoolado ayaa xalay xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Siciid xili uu kasoo baxay Salaaddii cishaha, isla markaana uu kusii jeeda Hoy uu halkaas ka deganaa,hayeeshee rag hubeysan ay rasaas la dhaceen.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Nabadoonada kunool halkaas,iyadoona ay xusid mudan tahay in dhowr bilood kahor laba Nabadoon oo Caan ahaa lagu toogtay halkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Faah Faahin:-Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Oo Lagu La’yahay Xeebta Magaalada Marka

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Xeebta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Xeebtaas ay ku degtay Doon ay la socdeen Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Doontan ayaa waxaa saarnaa ku dhawaad 10 Askari oo uu ku jiray Taliyahooda iyo hubkii ay wateen,kuwaasi oo ka tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga dalka,waxaana Doonta ay kula degtay Xeebta Marka xili ay socdaal dhanka Badda ah ay ku jireen.

 

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in inta badan Askarta la soo badbaadiyay,halka saddex kalena weli lagu la’yahay badda,kuwaasi oo la socday doontii degtay.

 

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in uu socdo baadi xoogan oo loogu jiro sidii loo heli ahaa Askarta weli ku maqan Badda,waxaana Muqdisho laga diray dhowr doomood oo lagu raadinayo Askartaas.

 

Ciidankaan ay la dagtay doontii ay saarnaayeen ayaa la xaqiijiyay in ay ku socdeen safar dhanka Badda ah oo ay ku doonayen inay ku yimaadan Muqdisho, kadib markii ay adkaatay isu socdka wadada  xiriirisa Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Al-shabaab miinooyin ku aaseen wadada xeebta ee Marka iyo Muqdisho isku xirta.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Howlgal Dad Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Xaafad Ka Tirsan Afgooye

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay waxaa ay howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmadaas.

 

Howlgalkan ayaa sigaar ah uga dhacay Xaafadda 14-ka October, waxaana inta uu socday Ciidamada ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo la soo uruuriyay Guryaha ku yaalla halkaas.

 

Taliyaha Booliska Degmada Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidanka howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Degmada Afgooye, isla markaana ay kusoo qabteen dad badan, kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Booliska.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dadka la soo qabtay qaarkood ay ku jiraan kuwo looga shakiyay falal amniga darro, isla markaana haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.

 

Howlgalkan laga sameeyay Degmada Afgooye gaar ahaan Xaafadda 14-ka October ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xalay halkaas lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamed, iyagoona ragii fuliyay falkaas goobta ay ugu baxsadeen Mooto nooca laba lugaaleyd ah.

 

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilkii loo geystay Nabadoon Ibraahim Maxamed, iyagoona sheegay inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya, isla markaana siweyn looga yaqaanay Degmada Afgooye iyo hareeraheeda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Akhriso:-Ajendaha Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa kulankii labaad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha ay ku yeelan doonaan Xaruntooda Cusub ee Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Madaxtooyadda Qaranka.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Saddex qodob oo kala ah 1- U Codeynta Xubin Magacaaban ee Guddiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, 2- Akhrinta 2aad Hindise Sharciyeedka Dakhliga iyo 3-Akhrinta 1aad Dib Ugu Noqashada Miisaaniyada 2019.

 

Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan in uu Maanta jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maalintii Sabtida aheyd Akhrinta Koowaad marsiiyay Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Madaxweyne Farmaajo Oo U Dhoofay Dalka Ruushka Iyo Ujeedka Safarkiisa

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofayb Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeda Magaalada loo dalxiiska tago ee Sochi ee ku taalla dalka Raashiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa Raashiya wehlinaya xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyadda Qaranka, waxaana Garoonka Aadan Cadde kusii sgootiyay Madax ka tirsan dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Raashiya uga qeyb geli doona Shirka koowaad oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Raashiya iyo Madaxda Africa.

Hoggaamiyeyaash lagu Casuumay Shirka waxaa kamid ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha dalka Masar Al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana Shirkaan uu socon doonaa muddo laba cisha ah.

 

Sidoo kale Shirka ayaa lagu wadaa in uu furmo 23-ka Bishan Octoobar, iyada oo kulankaan uu noqonayo kii 1-aad ee dhex maraya hoggaamiyeyaasha Africa iyo Madaxweynaha Raashiya waxaana lagu Casuumay in ka badan 50 Hogaamiye Afrikaan ah.

 

Shirkaan waxaa si wadajir ah u Guddoominaya Madaxweynaha Raashiya Valadamir Putin iyo Madaxweynaha dalka Masar oo ah Guddomiyaha Ururka Midowga Africa ee sanadkaan, Waxaana Raashiya ay qorshaynaysaa sidii ay xiriir wanaagsan ula yeelan laheyd dalalka Africa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dilkii Saciid Adoon Oo Ka Socda Kismaayo

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka socda Banaanbax looga soo horjeedo dilkii xalay halkaas loogu geystay Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo loo yaqaanay (Saciid Adoon).

Dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa waxaa la sheegay inay isugu soo baxeen bartamaha Magaalada, iyagoona ahaa kuwo ka Careysan dilka Nabadoon Saciid Adoon.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanaya in la cadeeyo, cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas, isla markaana waxaa ay sheegeen dadkaas in dilka Saciid Adoon oo kamid ahaa Ganacsatada deegaanada Jubbaland aysan ka dambeynin Al-shabaab,hayeeshee arimo siyaasadeed loo dilay.

 

Rag ku hubeysanaa Bastoolado ayaa xalay xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Siciid xili uu kasoo baxay Salaaddii cishaha, isla markaana uu kusii jeeda Hoy uu halkaas ka deganaa, hayeeshee rag hubeysan ay rasaas la dhaceen.

 

Laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in Kismaayo ay ka wadaan baaritaano kala duwan oo ku raadinayan ragii ka dambeeyay toogashada Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo loo yaqaanay (Saciid Adoon) kana mid ahaa Ganacsatada deegaanka Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Ciidan ka tirsan dowladda oo la la’yahay, kaddib Doon kula degtay Xeebta Marka

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in Ciidan ka tirsan xoogga dalka iyo hubkii ay wateen lagu la’yahay xeebaha Marka, kaddib markii doon ay la socdeen ay la degtay.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan ay ka tirsan yihiin Guutada 14 October, waxaana doon ay la socdeen kula degtay meel dhanka bari kaga beegan Xeebta magaalada Marka.

 

Illaa 10 askari oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamadaas ayaa la soo badbaadiyay, halka la la’yahay illaa sadex askari oo kale.

 

Warar kala duwan ayaa sheegaya in Ciidamadan ay doonayeen in socdaal dhanka Badda ah ay ku gaaraan magaalada Muqdisho, maadaama magaalada Marka ay ku jirto go’doon.

 

Ciidamada ku sugan magaalada Marka ayaa saanada iyo sahayda waxaa lagu gaarsiiyaa dhanka badda, maadaama ay Al-Shabaab go’doomiyaan magaaladaas, isla markaana dhowr jeer oo hore weerar ka geysteen wadada dhanka xeebta ah ee isku xira Muqdisho iyo Marka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Sawiro:-Shirar looga hadlayay Arrimaha Maaliyadda Somalia oo la soo geba-gabeeyey

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay iney soo gaba gaboobeen shirarkii sanadlaha ahaa ee uga socday magaalada Washington ee dalka Mareynkanka,kaasi oo ay la lahaayeen madax ka socotay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.

 

Wasiir Beyle ayaa sheegay iney ka qeyb galeen kulan dhexmaray ururka ay ku bahoobeen madaxda Maaliyadda Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass oo ay wehlineysay Agaasimaha Hey’adda IMF Kristalina Georgieva.

 

 

 

“ Waxaan si weyn u bogaadiyay sida ay ugu heelan yihiin Afrika iyo Soomaaliyaba, gaar ahaan taageerada Bangiga Adduunka iyo IMF ee ku aaddan dib u habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii saxda ahayd ee deymaha looga cafin lahaa,taas oo ay kaabayaan dadaalada muuqda ee dib u habeynta dhaqaale.

 

“Dadaalada dowladdeena iyo dadkeena oo lagu kabay tan bahwadaagteena caalamka waxay horseedi doontaa xoojinta hey’adaheena maaliyadda, kocbinta dhaqaalaheena iyo isbeddel waara oo dadka iyo dalku ay gaaraan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Beyle.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Maamulka Mandheera oo dalbaday in lagu daro wadahadallada Kenya iyo Somaliya

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Ismaamulka Gobolka Soomaalida ee ay Kenya maamusho ayaa dalbaday in lagu daro wadahadallada dowladaha Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

 

Cali Robo oo ah Guddoomiyaha Gobolkaas ayaa sheegay in ismaamulkiisa Mandheera ay deris la yihiin Soomaaliya islamarkaana waxbadan wadaagaan.

 

Waxaa uu Cali Roobo sheegay in howsha diblomaasiyadeed ee labada dal ay tahay mid ay leedahay dowladda dhexe ee Kenya hayeeshee maamulkoodu uu waxbadan la wadaago Soomaaliya.

 

Cali ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay qeyb ka noqdaan wadahadallada dowladaha Kenya iyo Soomaaliya haddii ay casuunto dowladda Kenya oo uu sidaas ka filayo.

 

Maamulka Mandheera oo ku yaalla Sohdinta ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee ay Kenya kala kulanto AL-shabaab uu ka dhoco Gobolka.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in Ganacsiga iyo isu socodka dadka uu ka jiro gobolkiisa sidaa sdarteedna ay jeclaan lahaayeen in ay qeyb ka noqdaan wadahadallada labada dhinac.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Akhriso: Maalmihii Jaalle Siyaad Ee October 21, 1969-January 26, 1991

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii, waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke.

Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah  ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21-  sano.

Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikhyo badan ayaa noo sheegay  in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen.

Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay inay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidlo ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo  markii dambee gacantooda ku sababsaday….Siyaad Barre waa i xiray,  xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, Kacaan-diid ayaan ahaa Adeer…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”.

Waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL( Sheekh Mukhtaar oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Madaxweynihii hore Aden Cadde) iyo rag kale, Golihii Wasiirada, Xildhibaano iyo qaar Xukunkii  SYL waxaa lagu xiray Beerta Sheekh Za’id ee Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.

Waxaa La Mamnuucay Axsaabta, isu soo baxyada iyo xitaa shirarka gaar ah, waxaana dalka lagu soo rogay Nidaam adag oo dadka xakameeyo.

Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ah ayey  uga faa’ideysteen saraakiishii dalka inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijkan  u sheegay Fanaanka Caanka ah ee Axmed Naaji Sacad.

Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay  habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Naji Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan  Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah.

Marka hore  Kacaanka waxaa uu  la wareegay Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka qaranka iyo Xildhibaanada oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal.

Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac  habeenka Kacaanka  ayaa lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka idaacadda, inta uu waddada sii socday, Saraakiishii wadday iyo  kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax  iyo erayo kale oo la mid ah.

Markii la geeyay idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in uu Kacaan dalka dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan.

Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii”

Heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa la soo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas.

Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”.

Waxyaabaha lagu amray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo u soo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin waddada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan.

Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda.

Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay  in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda.

Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka.

Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale.

Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay.

Hadaba Maxaa Lagu Xasuustaa Jaalle Siyaad:

September 1970: Maxamed Siyaad Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad  kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta.

October 20, 1970: Jaalle Siyaad Barre ayaa sheegay in Soomaaliya noqotay Socialist State.

May 5, 1971: Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu sareeyay Kacaanka sida General Salad Gabeyre oo ahaa ku xigeenka Maxamed Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee Kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu toogtay Scoula Polisaia”.

January 21, 1971:  Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga.

Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 qof oo ah xeeldheerayaal Afafka ah  iyo labo lataliye, Muddo  22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey  Buugaagta Dugsiga dhexe  xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal  iyo 21 Shibbane.

Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh, Barnaamijkan oo guuleystay waxaa uu dadka baray in ay wax qori karaan, waxaa uu sidoo kale hoos u dhigay Umminimada.

1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika, Shirka Madaxeedka Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu.

January 11, 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid go’aankiisa 23 January 1975.

Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii ayaa  isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga.

July 1977: Waxaa uu dagaal dhex maray  dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay.

April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka.

Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas.

May 1988, Dad badan ayaa lagu dilay magaalada Hargeisa, reer Hargeisa waxaa ay ugu yeeraan Xasuuq, dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhibkaas, ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona.

May 15, 1990: Rag lagu qiyaasay 114 qof oo isgu jira Culimaa’udiin, Ganacsato iyo Siyaasiyiin oo loo yaqaanay (Manifesto Group)  ayaa Maxamed Siyaad u soo jeediyay in xilka isaga dago taas oo ku gacan seyray.

Maxamed Siyaad Waxaa la dhihi jiray Guulwade, Jaalle  Siyaad iyo ereyo kale oo ku tusinaya in uu dadka sareeyo, dadka waxaa looga dhigay in uu yahay aabaha guusha, Waxaa uu jeclaa in aabo u noqdo hor-umar kasta oo dalka ka dhacaya, dhismo kasta oo maanta dalka waxtar u leh  dhismayaal dowladeed, Dekado iyo Airportiyo, Jidad, isbitaalo, Jaamacado, Warshado,  afka la qoro, wax walba isagaa ayaa bilaabay isla markaana dhameeyay.

Ugu Dambeyntii Jaalle Maxamed Siyaad Waxaa uu dalka isaga baxay  January 27, 1991-kiikadib markii Caasimadda Muqdisho kala wareegeen Jabhaddii USC, Barre waxaa uu Magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nageiria halkaas uu ku sugnaa ilaa uu ka geeriyooday  January  2, 1995 magaalada Lagos ee dalka Nigeria.

 

 

 

Isha :-Goobjoog News

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

SAWIRO:-Wasiir Sabriye oo la kulmay Guddiga diyaarinta Sharciga doorashooyinka

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliay Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan magaaladda dhuusamareeb ee Caasimmadda Galmudug ayaa kulan kula qaatay Guddiga KMG ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

 

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ay uga hadleen Arrimo badan oo ku saabsan doorashooyinka dalka iyo sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay guddiga ugala Sahqeyn laheyd diyaarinta Sharciga doorashooyinka

 

Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliay Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Xubnaha guddiga uga mahad celiyey la-tashiyada ay ka wadaan deegaannada Dowlad goboleedyada si ay u dhageystaan talooyinka la xiriira Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

 

Xubnaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacbaka ayaa la filayaa in sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Dhuusamareeb inay la kulmaan Madaxda Sare ee Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

SAWIRO:-Munaasabad xil wareejin ah oo ka socota Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Munaasabad ay xilalka kula wareegayaan laguna soo dhaweynayo Taliyaha Ciidanka dhulka s/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka S/guuto Maxamed Cali Bariise ayaa ka socota Magaalada muqdisho.

 

Munaasadda oo ka socota Xarunta taliska xoogga ayaa waxaa  goobjoog ka ah  taliyaha ciidanka xoogga iyo wasiiru dowlaha Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

 

 

Madax kala duwan ayaa hataan khudbad ka jeedinaya Munaasabada, iyaga oo ka hadayay heerarka ay soo mareen Ciidamada xooga dalka iyo howlgallada ay ka fulinayaan Gobolada dalka Soomalaiya.

 

Geba-gabada munaasabada ayaa la filayaa in Talihii hore ee Ciidanka lugta ama dhula Odawaa Yuusuf Raage uu xilka ku wareejiyo taliyaha Cusub ee s/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir halka Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka S/guuto Maxamed Cali Bariise uu xilka kala wareego taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka xoogga dalka Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Viewing all 19460 articles
Browse latest View live