Muqdisho | QOL July 26, 2019 —Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Jubbaland waxa ay cadeysay in Dowlad goboleedka Jubbaland ay u madax banaan tahay qabashada Doorashooyinkeeda ayna masuul ka yihiin Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubbaland.
Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland waxay cadeynaysaa in liiska odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu yahay kan rasmiga ah ee u diiwaan gashan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.
Jubbaland waxay hoosta ka xariiqdey inaysan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dowlada federaalku aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashooyinka Jubbaland.
War saxaafadeedkan ayaa jawaab u ah waraaq ay shaley soo saartey wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee DFS.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________