Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19444 articles
Browse latest View live

SAWIRO:-Wakiilka QM & Madaxweynaha Somaliland oo kulan ku yeeshay Hargeysa

$
0
0

Muqdisho | QOL July 28, 2019 —Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wafdi ballaaran oo ka socda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan.

 

Kulankanayaa labada dhinac waxaa ay uga wada gadleen  ayaa lagaga wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha qaramada midoobay ka wadaan Somaliland, sidii ay qaramada midoobay iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen ka mira-dhalinta hawlaha bani’aadamnimo ee ka socda Somaliland iyo arrimo kale.

 

 

 

Kulanka kaddib, waxa saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amassador James Swan, waxaana ay tilmaameen in kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa.

 

Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Somalilnad uga mahadnaqay sida diirran ee uu usoo dhaweeyey, isagoo bogaadiyey horumarka ay Somaliland ka gaaray dhinacyada, ammaanka iyo dhaqaalaha.

 

Isaga oo ka hadlaya waxyaabaha ay sida gaarka ah madaxweynaha uga wada-hadleen, waxa uu yiri “Waxa aan wada-hadal wanaagsan la qaatay madaxweynaha iyo wasiirradiisa, waxa aannu si gaar ah uga wada hadalnay sidii dhidibbada loogu adkayn lahaa guulaha iyo horumarka ay Somaliland gaartay, iyada oo si nabadgelyo ah loo xallinayo dhammaanba waxyaabaha lagu kala duwan yahay, lana joogtaynayo hannaan wada-hadalka,” ayuu yidhi James Swan.

 

Waxa uu sidoo kale guul ku tilmaamay xalka ay madaxddu ka gaareen caqabadihii ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada, taas oo uu calaamad u ah horumarka Somaliland ku socdo.

 

Sidoo kale, waxa uu wakiilku hoosta ka xarriiqay inay dedaal badan geliyeen kor u qaadista hawlaha bani’aadamnimo iyo gacan siinta bulshada nugul iyo qaxootiga ay qaramada midoobay caawiso.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


Wasiir Cawad oo wax laga weydiiyay Eedeyntii Dowladda Qatar ee Qarixii Boosaaso

$
0
0

Muqdisho | QOL July 28, 2019 —Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

 

Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo eedeynta loo jeediyay dowladda Qadar ee la xiriirta qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso.

 

Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay ayaa ka warbixiyay qodobadii ay kala hadleen wasiirka iyo guddiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Guddiga Gurmadka Qaraxii Gobolka Banaadir oo warbixin hordhac ah soo saaray

$
0
0

Muqdisho | QOL July 28, 2019 —Guddigii uu 24-kii bishanRa’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) u magacaabay maareynta qaraxii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir iyo sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada ka dhashay qaraxa, ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Warbixin hordhac ah oo ku saabsan waxyaabiihii u qabsoomay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Warbixinta Howlaha u qabsoomay Guddiga

  1. Maareynta Dhaawaca

 

Waxaa la xaqiijiyey ilaa hadda dhimashada toban (10) qof iyo dhaawac gaaraya illaa 9 ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa la helay liiska dhaawaca xaaladoodu aadka u liidato ee u baahan daryeel caafimaad oo dibedda ah, xamilina kara safar dibedda ah oo gaaraya 6 qof.

Waxaa sidoo kale looga faa’iiday fursadda imaanshaha diyaaradda dhaawacyadii shacab kale oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban waayey kuwaas oo wax ku noqday Kismaayo (3), Muqdisho (2)& Boosaaso (1). Sidaasi darteed isu-geyn waxaa la qaaday 12 qof oo dhaawac ah.

Waxaa isla habeenkiiba loo sameeyey baasaboorro ay ku safraan dhaawaca la qaadayo iyo dadka la safraya ee aan lahayn baasabooro.

     t.Dhimashada:

 

Tirada dhimashada la xaqiijiyay waa 10

Waxaa la qorsheyeey sidii loo heli lahaa xiriirka ehelada dadka geeriyoodey, lala wadaagay, lagalana tashtay tacsida, qorshaha iyo goobta salaadda iyo duugta.

Allaha u naxariistee waxaa lagu aasey 9 kamid ah dadka geeriyoodey goobihii loo qorsheeyey.

 Gabagabo

Inkasta oo qeybtii hore ee gurmadka degdegga ee Guddiga ay soo dhammaatay, haddana warbixinta uu gudbiyay madaxda sare ee dalka wuxuu ku taliyay:

 

In hay’adaha ammaanka ay si degdeg ah u soo gudbiyaan natiijada baaritaankooda si loo ogaado sida ay wax u dhaceen.

In lala xisaabtamo ciddii lagu helo inay qeyb ka ahayd shirqoolka ama ka gaabisay mas’uuliyaddii saarneyd.

In kulan duco ah loo sameeyo mas’uuliyiintii ku shahiiday qaraxa.

In meel lagu ogaado Xaasaska iyo Carruurtii ay ka tageen shuhadada.

In guud ahaan la kordhiyo diyaar-garowga dal ahaaneed ee xaaladaha noocan oo kale ah, loona sameeyo qorshe dhammeystiran oo isugu jira ka-hor-tag iyo la-tacaalid intaba.

Guddiga ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dalka Qatar oo so degdeg ah gurmad ugu soo fidiyay dhaawacyadii qaraxan. Wuxuu sidoo kale Guddigu u mahadceliyay madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul-waasaaraha iyo Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka oo iyagu saacad saacad ula socday hawlaha Guddiga iyo sidii loogu fududeyn lahaa hawlahooda

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo kulamo ka wada Gaalkacyo

$
0
0

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa si ballaaran u soo dhaweeyey xubnaha ka socda Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

 

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay kulamo wadatashi iyo fariin gaarsiin ah la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan.

 

 

 

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta oo bulshada Gaalkacyo uga mahad celiyey soo dhaweynta iyo marti-gelinta heerkoodu sarreeyo ayaa u bandhigay qorshaha iyo Casuumaadda shir-weynaha dib-u heshiisiinta Galmudug ee gogoshiisu taallo Caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhusamareeb.

 

Bulshada ayaa kulanka ay guddiga la yeesheen kadib, waxa ay ballan qaadeen in ay ka qeyb gelayaan shir-waynaha dib-u-heshiisiinta, Guddigana ay kala shaqeynayaan taabba gelinta shirka loogu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

 

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Xeraale Huurshe, Balanbal iyo Caabuud-waaq, dhammaan deegaannadii ay tageenna waxa ay la wadaageen qorshaha ay wadaan, waxaana qorshohoodu yahay in ay maraan dhammaan deegaannada Galmudug si ay bulshada ula wadaagaan casuumaadda gogosha dib-u-heshiisiineed.

 

Guddiga oo ka kooban 12 xubnoon ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo August 05/2019.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay kulamadii ka socday Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa kulamo xasaasi ah ay Magalada Dhuusamreeb ee xarunta Maamulka Galmudug uga socdeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo mas’uuliyiinta ugu sareeysa hogganka Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug,waxana lagu soo waramayaa in kulamadaas la soo geba-gabeeyay.

 

Kulmada ayaa ka dambeysay,kadib markii Xubnaha Ahlusunna ay diideen in Ciidamo ka socda Dowladda la geeyay Magaalooyinka Dhuusamareeb & Guriceel, iyada oo diyaarad Ciidamo ka qaaday Muqdisho laga soo celiyay garoonka Diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb.

 

 

 

Wararka kulamadaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ay wada gaareen heshiis is afgarad ah,isla markaana ay qeyb ka tahay  in howlihii ka socday magaalada Dhuusamareeb ay sidoodii usii socdaan, sidoo kalana aan deegaanada Galmudug laga geyn  Ciidamo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Muddo hadda laga joogo bil iyo dhowr Cisho ayaa dowladda Federaalka ioyo hoggaankii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug ay wada gaareen heshiis hoosaad oo aan weli Saxaafada loo soo bandhigin, iyada oo Ciidamadii Ahlusunna lagu biiriyay kuwa Dowladda Soomaaliya,hayeeshee weli ay u muuqato inay ka amar qaatan hoggaanka Ahlusunna.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn uu ka fuliyay Gobolka Bari

$
0
0

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

 

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27- Bishaan July duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen Buuraha Golis ,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Daacish-ta Soomaaliya.

 

 

 

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen hal Xubin oo ka tirsanaa Daacish,isla markaana sidoo kale ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqeyntaas.

 

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

 

Warkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika  ayaa kusoo aadaya xilli sabtidii todobaadkaan Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ay baahisay in duqeyn Mareykanka uu ka fuliyay Buuraha Golis lagu dilay Xubin ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

 

Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa loo soo Magacaabay taliye Cusub oo beddelay taliyihii hore,kaas oo dhawaan soo gaari doona Magalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Askari loo xukumay dilkii Boosaaso loogu geystay Paul Anthony Farmosa

$
0
0

Muqdisho | QOL July 29 2019 —Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland, kaas oo lagu Eedeeyay in uu fududeeyay dilkii Magalada Boosaaso loogu geystay Maareeyihii Shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.

 

Goobta Maxkamadeynta oo ay ku sugnaayeen saraakiisha ugu sareyesa Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo Ehelada Askariga ayaa Maxkamada waxaa ay Askariga oo lagu Magacaabo Dable Cabdi Cali Xirsi  ku riday xukun dil toogasho ah.

 

Askariga xukunka lagu riday oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Puntland ayaa kamid ahaa dadkii loo qabtay dilkii Maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta DP World kaasi oo 4-Feb-2019 uu nin hubaysan ku dilay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in askariga la xukumay uu heysto fursad bila ah oo uu racfaan ku qaadan karo,waxaana xukunka Maanta uu kusoo aadayaa xilli dhawaan ay Puntland sheegtay inay ku dhawaaqi doonto Natiijada baaritaanka dilkii Paul Anthony Farmosa..

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeraya Wasiirka Arrimaha Dibadda

$
0
0

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —Guddiga Arrimaha Dibadda ee golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay shaaciyeen inay Baarlamaanka hortiisa ugu yeerayaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad si ay Su’aallo u weeydiyaan.

 

Guddiga ayaa shalay wasiirka la kulmay, iyaga oo wax ka weeydiiyay Warbixintii Wargayska The New York Times ee dowladda Qatar loogu eedeeyay qarax ka dhacay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,hayeeshee ay sheegeen inaysan ku qancin jawaabaha uu su’aalaha ka bixiyay.

 

 

 

Xildhibaan Maxamed Xasan idir oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Wasiirka ay uga yeeraan Xarunta Golaha Shacabka si Baarlamaanka hortiisa Su’aalo ugu weeydiiyaan maadaama jawaabo ay ku qanci waayeen uu siiyay Wasiirka kadib kulankii ay la yeesheen.

 

Waxa uu sheegay in Wasiirka kulankii ay la yeesheen ay wax ka weeydiiyeen Heshiisyo aan Baarlamaanka la soo mariin oo uu saxiixay, Warbixintii Wargayska The New York Times  iyo 12 Ruux ay ehel yihiin oo  uu ka Shaqaaley siiyay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


SAWIRO:-Puntland oo soo bandhigtay waxyaabaha qarxa & Rag diyaarinayay

$
0
0

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay Magalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari kusoo bandhigeen waxyabaha qarxa iyo rag ay sheegeen inay diyaarinayeen.

 

Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in waxyaabaha qarxa iyo raga diyaarinayay lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Xaafada Buuraha ee magalada boosaaso,kadib xogo ay ka heleen Shacabka Magalada Boosaaso.

 

 

 

Sidoo kale Saraakiisha ayaa soo bandhigay 7 Ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen raggii diyaarinayay qaraxyada,isla markaana doonayay inay ku dhibaateeyaan dadka Magalada Boosaaso sida ay hadalka u dhigeen.

 

Howlgalkaan lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa iyo raggii diyaarinayay ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Puntland uu shalay kulan la qaatay saraakiisha Amniga kuna amray in la xoojiyo amniga guud ee Puntland, iyada oo maalmo kaliya ay ka harsan tahay xuska maalinta aas’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Laftagareen oo Amray howlgal la isugu furayo Wadada Muqdisho & Baydhabo

$
0
0

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay in Maamulka koonfur Galbeed uu diyaariyay Ciidamo loogu talo galay inay furaan wadooyin ka tirsan kuwa deegaannada Maamulkaas.

 

Waxaa uu sheegay in qeybtii ugu horeysay Ciidamadaas la diyaariyay,isla markaana tababar uu uga socdo Magalada Muqdisho, sidoo kalena ay jiraan kuwa kale oo loo diyaairiyay inay fuliyaan howlgallo lagu furayo wadooyinka xiran.

 

 

 

Waxaa uu hdalkiisa intaasi ku daray in Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed loo baahan yahay inay u diyaar garoobaan holwgal ballaaran oo la isugu furayo wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo,halkaas oo laga soo sheegayo dhibaatooyin kala duwan.

 

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa imaanaya xilli falal amni darro ay mararka qaar ka dhacaan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo, iyada oo dadka ku safra ay dhowr jeer cabasho ka keeneen balse la waayay cid wax ka qabata.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya

$
0
0

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya oo ka mid ah AMISOM ku leeyihiin duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

 

Mas’uuliyin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa Risaala u xaqiijiyay weerarkaasi madaafiicda ah,hayeeshee aan weli la cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.

 

 

 

Goobjoogayaal sidoo kale ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda sidoo kalana Ciidamada Kenya dhankooda ay ugu jawaabeen madaafiic kale taas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

 

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in madaafiicda ay sitoos ah ugu dhacday gudaha Xerada Ciidamada Kenya ee duleedka Ceelwaaq ,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay wallow aysan soo bandhigin inta ay la egtahay.

 

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Kenya,kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM,waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaa Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Maxay kawada hadlayaan Ahlu-sunna Waljaamaca & Xukuumadda Soomaaliya?

$
0
0

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —ASW iyo xukuumadda Soomaaliya waxa ay galeen heshiis aan weli la shaacin hayeeshee qayb ahana hirgalay, heshiiskaas waxa kamid ah qodobada ugu waaweyn

 

In Ahlu-sunna Waljaamaca ku yeelato Baarlamaan-goboleedka Galmudug 35 xildhibaan.

In la qarameeyo ciidanka ASW si uu ugu biro ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya

In ASW lagala tashado xilka heer wasiir ee federaalka

In ASW xilka nabadgelyada Dhuusamareeb kuwareejiso xukuumadda Federaalka.

Qodobada heshiiskaasi qayb ahaan waxa ay hirgaleen bartamihii July-2019 sida qarameynta ciidanka ASW, iyada oo xukuumaddu la wareegtay, diiwaangelisay, siisay aqoonsiga Lambarka ciidanka  islamarkaana mushaar siisay 700 oo Askari oo kamid ah 1700 oo Askari oo ASW kuwareejineyso xukuumadda Soomaalia, qorshaha qarameynta ciidanka ASW waxaa kamid ah dhismaha Qaybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka ee Dhuusamareeb taas oo ay suuragal tahay in lagu dayactiro lagun ahagaajiyo iskaashi u dhexeeya wasaaradaha Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Qadar oo wafdi kawada socdaa ay wadaan hirgelinta dhismaha iyo dayactirka qaybta 21aad ee CXDS.

 

Waxaa suuragal ah in qodobka dhigaya in Ahlu-sunna Waljaamaca ku yeelato Baarlamaan-goboleedka Galmudug 35 xildhibaan uu u hirgeli waayo sababo la xiriira dhinaca saami qaybsiga beelaha Baarlamaan Galmudug iyada oo taasina ay xukuumadda uga baahan tahay xal kale oo ASW u beddela qodobkaas.

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaala & Dib u heshiintu waxa ay 18 July-2019 soosaartay liiska guddiga dib u heshiinta ee Galmudug kaas oo ay ASW ku yeelatay xubin, taasina waxa ay muujisay in heshiiska xukuumadda iyo ASW uu illaa xad hirgalay.

Isfaham xumuda waxa ay timid markii Raisalwasaare Kheyre isaga oo ka duulaya in xilka nabadgelayada Dhuusamareeb ay la wareegto xukuumadda Soomaaliya si loogu qabto shirarka dib u heshiinta iyo doorashada uu diuaarayey qorshe ciidanka ay xukuumadda diiwaangelisay islamarkaana qaatay lambarka ciidanka loogu xareynayo dugsiga tababarka Booliiska ee Xamar iyada oo ciidan beddela lagaqaadayo Muqdisho, sidaas awgeedna diyaarado siday ciidankaas ayaa dib ugu soo noqday Muqdisho kaddib markii Macali Maxauud Sh. Xasan oo guddoomiyaha ASW uu kahor yimid qorshaha ciidanka lagu geynayo Dhuusamareeb.

 

Dad badan oo adeegsada BAraha Bulshada ayaa wax iskaweydiiyey sababta Muqdisho oo ay kajirto baahi badan oo ciidan oo la xiriirto dhinaca nabadgelyada ooga daabulayo ciidan islamarkaana Dhuusamareeb oo nabad ah loo geynayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Dad ku dhintay Diyaarad Millateri oo burburtay

$
0
0

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Inta la xaqiijiyay ilaa 15 ruux aya geeriyootay halka 10 kale ay ku dhaawacmeen,kadib markii diyaarad Millateriga Pakistaan ay leeyihiin ay ku dhacday xaafad ka tirsan magaalada Rawalpindi ee dalka Hindiya.

 

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan Shacab,waxaana dhintay ay isugu jireen Shan qof oo ka mid ahaa Shaqaalaha Diyaaradaha iyo 10 ka mid ahaa dadka degan Xaafada ay diyaarada ku dhacday.

 

Dabka ka dhashay diyaaradda burburtay guud ahaan waxaa uu burburiyay guryo dhowr ah oo ku yaalla goobtaas, iyada oo ay jiraan dad kale oo gurmad loo sameeyay lana soo badbaadiyay.

 

Ilaa hadda Makala cadda waxyaabaha ka dhashay shilka,hayeeshee Magaalada Rawalpindi oo u dhaw caasimadda Pakistaan ee Islamabad ayaa waxaa ku yaalla saldhigyada militari ee ugu waaweyn dalkaas.

 

Si kastaba laamaha Amniga iyo mas’uuliyiinta dalka Pakistaan weli kama hadlin dhacdadaan,waxana la xasuustaa Sannadkii 2010-kii diyaarad ku burburtay meel u dhaw magaalada Islambad oo ay ku dhinteen dad gaarayay 152 qof.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Warar ku soo kordhay xaalada Caafimaad ee Guddoomiye Yariisow

$
0
0

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Mas’uuliiyiin ku sugan isbitaalka lagu daweynayo guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ee Magalada Doxa dalka Qatar ayaa waxaa ay ka hadleen xaalada Caafimaad guddoomiyaha ee xilligaan.

 

Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Cumar  oo ku sugan Isbitaalka ayaa sheegay in xilligaan xaalada Caafimaad ee duqa Muqdisho ay tahay mid soo hagaageysa,waxaana Shacabka Soomaaliyeed uu ka dalbaday inay u soo duceeyaan.

 

 

 

“waxaan kusuganahay Hospital lagu dabiibaayo Gudomiye Yarisow xaaladiisa caafimaad aad ayey u wanaagsantahay waxa uu inooga baahanyahay in aan ducada kucaawino xaalada caafimaad waa ay soohagaageysaa ayuu yiri yuusuf Cumar”.

 

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla dalka Qatar, kuwaas oo ku dhaawacmay qarixii ka dhex dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 24-kii Bishaan oo ku began Arbacadii la soo dhaafay

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Dekadda Kismaayo oo laga soo saaray haraadiga Maraakiib ku degtay

$
0
0

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Dekadda Magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa saakay ka bilaawday kasoo saarista haraadiga qaar ka mid ah Maraakiib horay ugu quustay xilligii dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

 

Shaqaalaha ku howlan arrintaas ayaa saakay soo saaray haraadiga ilaa 7 Markab,kuwaas oo dadaal badan ku bixiyay soo saarista haraadiga si ballaarin weyn dekadda loogu sameeyo.

 

 

 

Maraakiibtaan laga soo saarayo Dakadda Kismaayo ayaa caqabad ku ahaa shaqooyinka joogtada ah ee ka socda marsadda,waxaana mas’uuliyiinta Jubbaland ay sheegeen inay tallaabadaasi ay tahay guul horumarineyd oo la gaaray.

 

Dekadaha dalka oo qaarkood weli burbursan ayaa waxaa dhex ceegaaga burburka Maraakiib kala duwan oo xilliyadii ay Shaqeyn jireen ku quusay,hayeeshee kuwa hadda qaarkood shaqeeya oo ay ugu weyn tahay Dekadda Muqdisho badi haraadiga laga soo saaray.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


SAWIRO:-Banaanbax ka dhan ah Madaxda Puntland oo ka dhacay Gobolka Bari

$
0
0

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Qaar ka mid ah Shacabka deegaanka Ceel-Daahir ee Gobolka Bari Puntland ayaa waxaa ay Maanta dhigeen banaanbax cabasho ah ay uga soo horjeedaan xukun dil toogasho ah oo Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ay shalay ku riday askari ka tirsanaa Ciidamada maamulkaas.

 

Askariga Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ay ku riday xukunka dilka ah ayaa lagu eedeeyay fududeynta dilkii Boosaaso loogu gesytay Maareeyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa

 

Shacabka ayaa sheegay in Askariga la xukumay oo lagu Magacaabo Xiddigle Maxamuud Axmed Maxamed (Sheekeeye) xukunkiisa uu yahay mid xaqdaro ah,isla markaana Madaxda Puntland aysan u cadaalad falin Shacabka degan deegaannada kala duwan ee Puntland.

 

Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay sheegeen in uu sharci darro yahay xukunka lagu riday askarigaas,waxaana ay ka dalbadeen Madaxda Puntland inay ka fiirsadaaan fulinta Xukunkaas oo ay sheegeen in uu yahay mid dowlado shisheeye lagu raali gelinayo.

 

Banaanbaxaayasha ayaa wadooyinka deegaanka Ceel-Daahir qaarkood xiray,iyaga oo markaasi ku gubay Taayaro,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in inta badan Goobaha Ganacsiga ay Maanta xiran yihiin.

 

Taliyaha Ciidamada Ammaanka deegaanka Ceel-Daahir ayaa u soo baxaya dadka banaanbaxa dhigaya si uu ula hadlo,hayeeshee ay taasi ka biyo diideen, iyaga oo sheegay inay banaanbaxa wadi donaan ilaa iyo inta laag jawaabayo cabashadooda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Ciidamo la wareegay Amniga Magaalada Kismaayo

$
0
0

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta la wareegay guud ahaan Amniga Magalada Kismaayo halkaas oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Magalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garoow loogu jiro doorashada Madaxweynaha Jubbaland,waxaana hay’adaha Amniga Maamulkaas ay sheegeen inay Amniga siweyn u xajiijin doonaan.

 

 

 

Maanta ayaa waxa Amniga Magalada Kismaayo lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland,waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in Amniga Kismaayo aan gorgortan laga galeyn,isla markaana la xaqiijin doono.

 

Ciidamada oo wata qaarkood Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa saakay lagu arkayay wadooyinka waaweyn ee Magalada Kismaayo & Xaafadaha qaar, waxaana dad Kismaayo ku sugan ay sheegeen in mararka qaar ay gaadiidka baaritaano ku sameynayaan.

 

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska degmada Kismaayo oo la hadlayay Ciidamada Amnga lagu wareejiyay ayaa kula dardaarmay inay amniga adkeeyaan,sidoo kalena ay ka hortagaan dadka doonaya qalqal gelinta dhinaca Amniga.

 

Magalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo isugu jira Boolis iyo Millateri ka mid ah kuwa Jubbaland iyo Ciidamada Kenya oo ku howlgalla Magaca AMISOM,waxaana Magalada Kismaayo laga dareemayaa u diyaar garoowga doorashada wallow ay jiraan dhaliilo soo baxaya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Odayaasha Cadaado oo diiday ka qeyb galka Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

$
0
0

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Guddiga qaban qaabada shir-weynaha dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmuudg iyo Odayaasha & Waxgaradka Magaaladaas.

 

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay sidii Odayaasha Cadaado uga qeyb geli lahaayeen Shirka dib u heshisiinta Galmudug ee gogoshiisu taallo Magalada Dhuusamareeb iyo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

 

 

 

In kastoo Saxaafadda ay kulankaasi dibad-joog ka aheyd ayaa waxaa Wararka la helayo ay sheegayaan in Odayaasha Cadaado ay Guddiga u sheegeen in marnaba aysan diyaar u aheyn inay ka qeyb galaan Shirka dib u heshiisiinta ee Magalada Dhuusamareeb.

 

Sababaha ay ku diideen ka qeyb galka shirka Odayaasha Cadaado ayaa waxa lagu sheegay inay guddiga u gudbiyeen in shirkaasi ay doonayaan in lagu qabto Magalada Cadaado,isla markaana ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xubnaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Baadiyow) ay Odayaasha Dhaqanka u sheegeen in Go’aankooda u gudbin doonaan Madaxda Dowladda Federaalka.

 

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Xeraale Huurshe, Balanbal iyo Caabuud-waaq iyo gaalkacyo, waxaana  dhammaan deegaannadii ay tageen waxgaradka ku nool ay la wadaageen qorshaha ay wadaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Museveni oo Madaxweyne Farmaajo kula taliyay in uu dhimo mushaarka Ciidanka Somaliya

$
0
0

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa goob fagaare ah ka sheegay hadal gaar ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 

Mr Museveni ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u sheegay in dalkiisa uu la bur bursanyahay sharci la’aanta.

 

“waxaan u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya, in uusan yeelan karin dowlad shaqeyneysa haddii xeerarka dalka aysan diyaarsaneyn”, ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo ka hadlayay kulan isaga iyo Farmaajo si gaar ah u dhexmaray wixii ay uga wadahadleen.

 

Waxaa uu intaas ku daray in uu Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu marka hore dhiso sharciyada dalka kaddibna ay muwaaddiniinta billaabaan bixinta Canshuurta iyada oo la dhaqan gelinayo xeerarka dalka, markaas kaddibna ay iman karto dowlad shaqeysa oo bixisa mushaarka ciidanka.

 

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa hadalkan xalay ka sheegay kulan uu aqalka Madaxtooyada Uganda kula qaatay 19 Jeneraal oo ka mid ahaa Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya kuwaas oo uu uga warbixinayay talada uu siiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Waxaa Saraakiisha uu la kulmay ee howlgabka noqday ka mid ah Joram Mugume, waxaana uu ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee ay ka qabteen Soomaaliya.

 

Museveni ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu yareeyo mushaarka Ciidamada laakiin uu adkeeyo xeerarka dalka, ciidan xoog lehna dhisto, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Guterres: “Somaliya carruurta ayaa lagu askareeyaa, dilaa oo lagu afduubtaa”

$
0
0

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa golaha Qaramada Midoobey ka hor sheegay warbixin sanadeed ku saabsan xaaladda carruurta Caalamka.

 

Warbixintiisa waxaa uu ku sheegay in sanadkii 2018kii la dilay ama la dhaawacay 12, 000 Carruur ah guud ahaan goobaha colaadaha ee Caalamka.

 

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya 2,300 Carruur ah qaarkoodna ka yaryihiin  8jir ay intooda badan Al-shabaab qorteen.

 

Warbixinta ayaa xustay in  al-Shabab kordhiyeen qorista carruurta tirada Qaramada Midoobey u diiwaangashanna gaareyso  1,865 oo Carruur ah.

 

Guterres ayaa warbixintiisa ku sheegay in Carruurta Soomaaliya la afduubo, la dilo, lana askareeyo si sharci darro ah isaga oo ku baaqay in arrintaas laga waantoobo.

 

Dalalka ugu badan ee Carruurta lagu dhibaateeyay 2018 ayuu Guterres ku kala sheegay dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Colombia, Libya, Mali, Nigeria, Somalia, the Sudan iyo Yemen.

 

Soomaaliya waxaa ay booska 1aad ka gashay waddamada lagu dhibaateeyay Haweenka sanadkii 2018kii waxaana la dhibaateeyay, waxaana laga diiwaangeliyay kiisas gaaraya 331 kiis, waxaa kaalinta 2aad galay dalka Congo oo laga diiwaangeliyay 277 kiis oo ka dhan ah Haweenka.

 

Sidoo kale Warbixinta ayaa xustay in Somaliya ay kaalinta 1aad ka gashay Waddamada lagu afduubto carruurta waxaana sanadkii la soo dhaafay la qafaashau 1,609. Oo Carruur ah sida uu sheegay Guterres.

 

Isha: AP

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Viewing all 19444 articles
Browse latest View live