Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19439 articles
Browse latest View live

SAWIRO:-Shir looga hadlayo doorashada Jubbaland oo ka socda Kismaayo

$
0
0

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxa Goordhow ka furmay shirka caadiga ah ee Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland kaas oo todobaad walba Maanta oo kale la qabto,waxaana Maanta looga hadlayaa qodobo dhowr ah.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Saydi Aadan ayaa kulanka shir guddoominaya,waxaana shirka Maanta warbixino looga dhageysan doonaa,Wasaaradaha kala ah Amniga, Arimaha Gudaha,Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda.

Sigaar ah ayaa kulanka waxaa Maanta  lagu Gorfayn doonaa xaalada guud ee Doorashooyinka Dowlad goboleedka Jubbaland, iyada oo ay jiraan walaac iyo cabashooyin kasoo yeeray Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.

Qodobada kasoo baxa shirkaan ka socda Magalada Kismaayo kala socda Radiorisaala.com.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


AKHRISO:-Shuruudo adag oo la hor-dhigay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland

$
0
0

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta soo badhigay jadwalka diiwaan galinta & shuruudaha laga doonayo Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxwaynaha Jubbaland

Qoraal ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta musharixiinta ay bilaabanmeyso Maanta oo Khamiis ah kuna egtahay 20 Bishaan,sidoo kalena musharax kasta uu xafiiska Guddiga keeno dukumiintiga shuruudaha ah ee looga baahan yahay 21 ilaa 22 Bishaan.

Sidoo kale shuruudaha musharixiinta ayaa waxaa ka mid ah in musharaxa ragga ah uu bixiyo lacagta diiwaangelinta oo dhan $30.00 oo Dollar (Soddon kun oo dollar) halka musharaxa Dumarka ahna laga doonayo 15.000 (Toban & Shan kun oo Dollar) lacagtaas oo aan loo soo celin doonin.

Shuruudaha la hor-dhigay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland oo aad u adag ayaa waxaa ka mid ah qodob laga soo qaatay Dastuurka Jubbaland oo dhigaya in musharax walba ay soo jeediyaan ugu yaraan 10 Xubnood oo ka tirsan  Baarlamaanka jubbaland, isla markaana  ka hor hadal-jeedinta musharixiinta Madaxweyanaha uu keenaa, iyaga oo qoraal ah.

Sidoo kale qodobada kale ee shuruudaha ah oo ay soo saareen Guddiga doorashada Jubaland ayaa waxaa ka mid ah in musharaxa uusan qabin xaas Ajnabi ah,isla markaana uusan guursan karin hadii uu guuleysto inta uu xilka haayo.

Si kastaba shuruudahaan adag oo la hor-dhigay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayna soo saareen guddiga doorashada ayaa imaanaya xilli intooda badan musharixiinta ay sheegeen in guddiga doorashada aysan aheyn kuwo dhex dhexaad ah,isla markaana Madaxweynaha Jubbaland ee hadda Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ay ku eedeeyeen in uu afduubtay doorashada Jubbaland,sidoo kalena natiijada kasoo baxday aysan aqbali doonin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Wakiil QM oo gaaray Baydhabo lana kulmay Madaxweynaha K/Galbeed

$
0
0

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Wafdiga uu Hogaaminaayay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Somaliya Ahna Madaxa UNSOM James Swan ayaa  Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,waxana soo dahweyn u sameeyay Xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha koonfur Galbeed.

Intaasi kadib wafdiga Wakiilka QM ee Soomaaliya  & Madaxweynaha  Koonfur Galbeed  Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen)  ayaa waxaa ay kulan ku qaateen xarunta Madaxtooyada, iyaga oo ka wada hadlay arimaha Gargaarka, amaanka iyo horumarka Dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd .

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha soomaliya James Swan ayaa Dhankiisa Balan qaaday inay wax ka qabanayaan Xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan Dowlada uu Hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kulanka oo saacado qaatay loogana hadlayey arimaha ka jira Koonfur Galbeed markii soo idlaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweynaha iyo Safiirka, Waxaana hadalka qaatay kuna dheeraday muhiimada safarkiisa Wakiilka qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhankiisa u mahadceliyey Wafdigan Maanta garay magaalada Baydhabo oo uu hogaaminaayay Wakiilka xoghaya guud ee QM, isagoona sheegay Madaxweynaha waxyaabihii ay ka wada hadleen wefdiga uu Safiirka horukacaayay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Madaxweynaha Galmudug oo war kasoo saaray Nabadoonkii la dilay

$
0
0

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa marka hore waxaa uu tacsi u diray Bulshada Reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay ay rag hubeysnaa ku dileen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

“waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool Magalada Gaalkacyo in ay meel kaga soo jeestaan dadka cadawga ku ah jiritaankooda iyo noloshooda waxa uu intaas ku daray in Kooxaha Argagixisada Arxan laawayaasha ah aysan rabin in amniga iyo nabada noqoto Magaalada Gaalkacyo cid walbana ay masuul ka tahay amniga Magaalada Gaalkacyo waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba inta badan Shacabka kala duwan eek u nool Magalada Gaalkacyo ayaa aad uga walaacsan amnidarrada kusoo korortay Magalada, iyaga oo aad uga xumaaday dilka xalay loo geystay Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Waxgaradka Gobolka Mudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SWIRO:-Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Aqalka sare & Safiirka Ingiriiska?

$
0
0

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya , Benjamin James Fedner; iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka, gaar ahaan dedaallada Dowladda Federaalku  ka waddo Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin dhowaan.

Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in si qoto-dheer looga hadlay Jubbaland iyo Galmudug oo ay xaalado kala duwan ka jiraan.

Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha Dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Senator Saciido ”Farmaajo waxa uu baalmaray hanaanka awood qaybsiga beelaha”

$
0
0

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Senator Saciido Xasan Cusmaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha Aqalka Sare oo maanta Warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa ku eedeeysay Madaxweyne Farmaajo in uu dulmiyay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Xildhibaanadda ayaa sheegtay in baalmaray Hanaanka Awood qeybsiga beelaha, islamarkaana qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed la duudsiyay Kuraas ay ka mid yihiin Safiiro oo ay lahaayeen.

Waxa ay tilmaamtay in Madaxweynaha beeshiisa uu u Magacaabay labo Safiir sidoo kalena uu diiday hal kursi oo ay leeyihiin Mid ka mid ah beelaha gobolka Sanaag in uu Magacaabo.

Xildhibaanadda ayaa xustay in Madaxweyne Farmaajo sidoo kalena daacad aysan ka aheyn in heshiis ay wadda gaaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Somaliland, islamarkaana Guddiga uu Magacaabay aysan aheyn kuwo xal keeni kara.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Wajiga labaad xareynta Ciidamadii Dowladda lagu wareejiyay oo ka billaawday Galgaduud

$
0
0

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali (Xagaa)  iyo Taliyaha Qaybta 21aad  Janeraal Yuusuf Cabdilqaadir (Kaanti) ayaa waxaa ay gaareen degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

 

Mas’uuliyiintaan ayaa halkaasi waxaa ay ka wadaan  fulinta wajiga Labaad ee Qorshaha Ciidamada kaas oo ah Xareynta Askartii dhawaan laga diiwaan geliyay Dagmooyinka Gobolka Galgaduud,kuwaas oo lagu wareejiyay Dowladda Federaalk Soomaaliya.

 

Saraakiisha Ciidamada iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa ay Cabudwaaq ka qaadi doonaan Ciidamadii la diiwaan geliyay qeybahooda loo xushay in ay ka Mid noqdaan Xoogga Dalka,waxaana dhawaan Tababar uu Ra’iisulwasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre uga furi doonaa Dugsiga Carbiska ee Harqaboobe oo ka tirsan Dugsiyada Taliska Qaybta 21aad kaa oo ku Yaalla duleedka maagalada Gurceel.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka wada Shabeellooyinka

$
0
0

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Howlgaladani oo lagu xaqiijinayaya amniga deegaanno dhawaan laga saaray Al-Shababa ayaa ururka 31-aad ee guutada 12 April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaa ay ka sameeyeen deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan labada Shabeelle.

 

Waxaa howlgalkaasi hoggaaminayay taliyaha ururka 31-ad ee qeybta 12 April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Maxamed Maxmuud Guutaale (Qataatow,iyo saraakiil kale,waxaana la arkayayay ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka,kuwaasi oo sameynayay baaritaano ku aadan isu socodka dadka iyo gaadiidka wadooyibnka soo gala deeganaada ay gacanta ku hayaan.

 

 

 

Sarajkiisha ayaa sharaxaad ka bixiyay deegaanada rasmiga ah oo ay Shababa ka saaraan iyo howlgaladii ugu dambeeyey,waxaa ay sheegeen in deegaanada uu gacanta ku hayo ururkaasi 31-aad ee qeybta 12 April laga saaray  Al-Shabaab,isla mar markaan shacabku ay si ammaan ah ku marayaan deegaanadaasi.

 

Deegaanada howlgaladaasi ay ka socdaan ayaa ah inta u dhexeysa deegaanada xadka labada shabeelle,laga soo bilaabyo afgooye ilaa Balcad nawaaxigeeda,Deegaanada Sabyo, Shirkadda Gumad,Dhiiqaaley,deegaanley iyo tuulooyin kale ayaa kamid ah goobaha ay howlgaladu ka wadaan ciidamada si amniga loo xaqiijiyo.

 

Gaashaanle Sare Maxamed Maxmuud Guutaale (Qataatow) ayaa sheegay inay  dhawaan fashiliyeen isku dayo ay Shabaab ku doonayeen in qaraxyo ay ku soo geliyaan Muqdisho,isagoo intaasi ku daray in wada shaqeyn buuxda ay ka haystaan bulshada deegaanadasi kunool sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


Guddiga doorashooyinka Qaranka oo beeniyay Warar soo baxayay

$
0
0

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ka hadashay warar maalmahaan siyaasiyinta qaar ay sheegayeen oo ahaa in Madaxda talada dalka haya ay doonayaan inay waqti koror sameystaan.

 

Xaliimo Yareey oo Wareysi siisay Idaacadda Voa-da laanteeDa Afka Soomaaliga ayaa sheegtay inaysan maqlin wax la yiraahdo mudo kororsi,isla markaana doorashada dalka ay ku dhaceyso waqtiga loogu talo galay.

 

Waxaa ay soo hadal qaaday Guddiga diyaarinta sharciga doorashada ee uu shalay Magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka,waxaana ay sheegtay in guddigaas uu yahay mid caadi ah oo la doonayo in uu diyaario  Sharciga doorashooyinka ee lagu Shaqeyn lahaa.

 

Sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa dhawaan ansixiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya,hayeeshee waxaa sharcigaas kasoo horjeestay Maamul goboleedyada qaar iyo Madaxda Xisbiyada ka jira dalka, iyaga oo sheegay in qodobo ka mid ah Sharciga ay qeexayaan inay Madaxda Dowladda doonayaan mudo kororsi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Akhriso:-Halka ay marayaan qorshaha Ra’iisul Wasaare Kheyre u joogo Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa ka mahadcelisay  dadaallada dib u heshiisiineed ee Ra’iisul wasaaraha XFS uu ka wado deegaannada maamulka Galmudug.

 

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha XFS mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo kaashanaayo bulshada reer Galmudug uu waqti ku baxshay sidii loo heli lahaa Galmudug mid ah, isagoo sheegay in muddo bil ku dhaw ay ku suganyihiin deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.

 

 

 

Wasiirka ayaa sheegay in hadda ay muuqato Ifilaallo nabadeed oo loogu diyaar garoobayo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhanyahay,waxa uuna tilmaamay in rajo wanaagsan ay ka muuqato qaabka ay bulshadu diyaar ugu tahay dib u heshiisiin iyo iscafin si shacabku ay u helaan maamul ka shaqeeya danaha reer Galmudug.

 

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ayaa dhawaan waxaa la filaya ain lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Galmudug,shirkaas oo uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre walow ay jiraan Beelaha qaar oo sheegay inaysan ka qeyb galeen.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in uu Maanta Magalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyo wufuud Heer Caalami ah iyo Ururo oo tegaya Magaaladaas

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Qaraxaan ayaa jugtiisa waxaa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay Bar-koontorool oo Gaadiidka lagu baaro taas oo ku taalla wadada Aada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee ka leexata isgoyska Km4.

 

Qaraxa kadib ayaa waxaa cirka isku shareeray Uuro xoogam,waxaana la sheegay in gaari loo maleynayo in waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay agagaarka Hotelka Afrik oo meel u dhow ay ku taallo bar-koontoorool oo laga ilaaliyo Garoonka Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

 

Khasaaro kala duwna ayaa lgu soo waramayaa in uu geystay qaraxaas,waxaana goobta gaaray Ciidamo farabadna oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya,kuwaas oo xiray wadada gasha Garoonka Aadan-Cadde.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Wufuud ka socota Beesha Caalamka oo gaaray Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb Maanta waxaa ay kusoo dhaweeyeen  Madax ka socotay  Wakiilada Soomaaliya Beesha Caalamka u jooga Magalada muqdisho.

 

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweyntiisa ka qeyb galay wasiirka amniga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale,waxaana Xubnaha Dhuusamareeb gaaray ka mid ah, Wakiilka Qaramada,Wakiilka Midowga Afrika,IGAD iyo safiirada wadamo dhowr ah u jooga Soomaaliya.

 

Wufuuda ayaa waxaa la geeyay xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb,waxana lagu soo waramayaa inay halkaasi kulan kula leeyihiin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre & Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.

 

Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa waxaa ay Dhuusamareeb u tageen Arrimo la xiriira Galmudug maadaama haatan deegaanada Maamulkaas ay ka socdaan qorsho lagu dhisayo Galmudug Cusub oo mideysan,isla markaana ay horboodeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ahaa oo Maanta ka dhacay wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ee ka  leexata Km4 gaar ahaan afaafka hore ee Hotel Afrik.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa Goobta  waxaa ay aheyd mid mashquul badan,waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu yaalla goob Bakin ah oo ka mid ah hotelka,waxaana sidoo kale Goobta ka agdhow Bar-koontorool oo ciidamada Dowladda ay ku baaraan Gaadiidka aada dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho.

 

Waxaa sidoo kale halka uu qaraxa ka dhacay ku yaalla kaalin shidaan oo la sheegay in uu soo gaaray burbur xoogan,waxaana qaraxaasi inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 12 Ruux iyo dhaawaca 15 kale oo qaar ka mid ah ay ahaayeen kuwo u socday xajka oo Maanta diyaar ku qornaa.

Hay’adaha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay qaraxaas,waxaana xusid mudan in qarixii labaad ee bil gudaheed ah uu ka dhacay agagaarka Koontoroolka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-RW Kheyre uu Dhuusamareeb kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

$
0
0

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)  Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo maanta magaaladaas  gaaray.

 

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

 

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaannada Al-Shabaab  uga sugan yihiim Galmudug.

 

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si  guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

 

Mas’uuliyiinta beesha caalamka ee  Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhan yahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Booliska Somalia oo ka hadlay qarixii ka dhacay Magalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisay qaarxii khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah geystay ee Maanta barqadii ka dhacay Magalada Muqdisho.

 

Waxaa ay sheegtay taliya Zakiya in Ciidamada Ammaanka ay ka hortageen Gaari noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonayay in uu si xoog ah ku maro bar-koontorool ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin agagaarka Km4,isla markaana ay ku dhinteen Askar iyo dad Shacab ah.

 

 

 

Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayee Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen ayay tiri Taliya Zakiya”.

 

Taliska Booliska Soomaaliya sirasmi ah uma shaacin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxaas,hayeeshee warar madax banana oo soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in 12 Ruux ay ku geeriyoodeen 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


5ta Siyaasi ee Soomaaliya ugu followers-ka badan Face book !!!

$
0
0

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Doorashadii 2016 ee Ameerika Barack Obama Waxa uu haystay 54,745,783 (Konton iyo Afar milyan todobo boqol Afartan iyo Shan kun todobo boqol siddeetan iyo saddex)Likes halka Donald J. Trump ka haystay 24,220,297 (Labaatan iyo Afar Milyan laba boqol iyo labaatan kun laba boqol Sagaashan iyo todobo) Likes.

54,745,783-

24,220,297=

30,525,485

Awoodda adeegsiga Baraha Bulshadu ku xiriirto waxa ay saameyn ku lahayd shaqsiyadda labadan siyaasi iyo faafinta aragtidooda siyaasadeed, dhaqaale iyo Bulsho.

 

Doorashadii isla sanadkaas 2016 ka dhacday Soomaaliya Baraha Bulshadu ku xiriirto waxa ay sidaas oo kale ku lahaayeen saameyn weyn, haddaba madaxda Soomaaliyeed ee maanta talada haysa iyo kuwa xilalka hore soo qabtay sidee ayay u adeegsadaan Baraha Bulshadu ku xiriirto? Inteese la eg yahay  dadka ku xiran ama ka raaca Face Book?

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo qaarkood baraha bulshada ku xiriirto uga horreeya siyaasiyiinta kale  si gaar ah ayaan u eegi doonaa, madaxda dowlad-goboleedyada badankoodu kumaba laha Face Book beyj rasmi ah

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Garissa University carnage: Story behind 3 faces of evil

$
0
0

In Summary

  • Richard Charles Mberesero is the first-born son of Tanzanian businessman Charles Mberesero and farmer Fatuma Ali Bere.
  • What many do not know is that he was a self-confessed member of the al-Qaeda linked terror group based in Somali, the al-Shabaab.
  • Before the attack, 28-year-old Hassan Edin Hassan was a shop attendant in Mandera. He was born to Edin Hassan who is deceased and Sangaba Muhammed in 1992.
  • Mohammed Ali Abikar, 35, was born in Wajir in 1984 but lived in Warkutut village in Mandera. Both his parents succumbed to an unknown illness in the 1990s.

DAILY NATION | July 22, 2019 | By MAUREEN KAKAH – On July 3, Milimani Chief Magistrate Francis Andayi handed a life sentence to a Tanzanian national and 41-year jail terms for two Kenyans found guilty of orchestrating the Garissa University terrorist attack.

NOT REMORSEFUL

The 2015 attack claimed 148 lives and left scores of others injured. Magistrate Andayi convicted the trio for three offences — conspiring to commit a terrorist act, committing a terrorist act and being members of a terrorist group.

He handed specific sentences for each of these three offences even though the trio had been charged with over 150 counts of these charges. But who exactly are these accused persons? We know they are all young men with no previous conviction records. Sunday Nation now goes back and digs into their past to establish who they are.

Richard Charles Mberesero believes he is a hard worker and a patriotic person. That is what he told court during mitigation. He also believed that he was going to be set free to continue “working for the nation.”

He is the first-born son of Tanzanian businessman Charles Mberesero and farmer Fatuma Ali Bere. He was born in 1994. His father had three wives and he has two other siblings. He has no relatives residing in Kenya.

 

He attended Kalemani Primary School from classes one to seven where he claimed to have scored division one and Gonja Secondary School where he studied up to Form Four before joining a college to his advance studies.

What many do not know is that he was a self-confessed member of the al-Qaeda linked terror group based in Somali, the al-Shabaab. He told probation officers that he was recruited into the terror group soon after dropping out of college over what he claimed was lack of tuition fees.

Prior to the April 2, 2015 attack, he was living at a mosque at Mororo in Tana River, a walking distance from Garissa University. He went for prayers at this mosque every day at the crack of dawn except on the day of the attack. Although he did not attend prayers on that day, he left the mosque between 3.45am and 4.30am in a hurry, leaving his bag with his belongings behind. The court noted that this was ample time to link up with the terrorists.

NO RECOLLECTION

He was found in one of the hostels by police on a rescue mission in the wake of the attack, but he could not provide satisfactory information about who he was and what he was doing there yet he was not part of the university community.

He was hiding under a bed in room 13B even after he had been called to come out. The court observed that he was fearful to come out and mix with the students because he was simply not part of them. Following his arrest, he led the police to that mosque three days later.

During an interview with probation officers, Mr Mberesero described himself as a person of good health — doesn’t take alcohol, smoke cigarettes or bhang. Even though he continued to deny the offences which he was charged with, he maintained that he was arrested on his way to Somalia to join al-Shabaab. When asked about the events around him on the day of the attack or just information about himself, he said he could not recollect.

In the probation officers’ report, it was concluded that Mr Mberesero, was not remorseful at all and that he was a difficult interviewee. In fact, he walked out of the interview, agitated and complaining that he had already disclosed more than enough.

Before the attack, 28-year-old Hassan Edin Hassan was a shop attendant in Mandera. He was born to Edin Hassan who is deceased and Sangaba Muhammed in 1992. His late father had two wives and his mother was the second one with two other children. Hassan was her last born.

One of his older siblings is a teacher in Moyale while the other is a camel herder in the same area. Hassan only studied up to Class Seven at Burduras Primary School.

He dropped out of school due to lack of fees after his father’s death. From 2009, he stayed at home helping his mother with house chores until 2013 when he went to live with his sister to help her run the shop.

UNKNOWN ILLNESS

Just like Mberesero, he is a bachelor, has no history of drug abuse but suffers from ulcers. He believes his arrest and prosecution was a case of mistaken identity and has maintained his innocence.

He pleaded with the court to hand him a lenient sentence and promised to be a better citizen if released. But one of Hassan’s cousins who was interviewed by prosecution officers before he was sentenced said he could not vouch for his character since he last heard from him in 2009. According to the cousin, Hassan was working at his sister’s shop by the time. This contradicted Hassan’s version that said he was still living with his mother in 2009. Investigating officers told court that he was in communication with the main attackers and actively participated in the heinous act.

He was also found with bus fare receipts to and from Mandera to Garissa around the time of the attack. He failed to convince investigators why he was in Garissa yet he claimed to be living and working in Mandera.

For this reason, prosecution officers called for a stiff punishment to act as a deterrent to other like-minded persons. He was handed 41 years in jail, although he has already filed an appeal against his conviction arguing that he was jailed on flimsy grounds and that there was little circumstantial evidence linking him to the attack.

Mohammed Ali Abikar, 35, was born in Wajir in 1984 but lived in Warkutut village in Mandera. Both his parents succumbed to an unknown illness in the 1990s. He comes from a polygamous family of three wives.

BAD COMPANY

His mother was the second wife, had six children and he is the second-last born. The family are nomadic pastoralists. Everyone in his family lives in Mandera except their last born.

Abikar never attended school but admitted to having learnt to read the Quran. He had been in the livestock trade from a tender age. Before his arrest, he used to sell livestock in Wajir before relocating to Mandera where business is better, he said.

He is unmarried and does not have a history of drug abuse. He said that he has for years suffered from incessant lower back pain and has been experiencing hallucinations.

He denied committing the offence. On the day of the attack, he claims to have gone to attend a funeral of a fellow livestock trader outside Mandera. He claimed he was arrested as soon as he returned while on his way to search for livestock for sale.

His arrest came as a surprise to those who knew him including his family who described him as a peaceful and religious person. They also described him as hard-working and indicated that they were willing to accommodate him if released.

The court was told that he was mainly taken into custody because he was in the company of Hassan and communicated with the main attackers too.

Prosecution officers recommended that he faces the full force of the law.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Mogadishu Mayor held a public consultation round table discussion with IDPS and host communities in Warta Nabada

$
0
0

MOGADISHU | QOL |  23 July, 2019 – Mogadishu Mayor, H.E. Eng. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) yesterday held a public consultation and round table discussion with IDPs in Warta Nabada district.

This follows the successful round table discussion held earlier this month in Kaxda and Daynile districts where the Mayor met refugee returnees from neighboring countries, IDPs.

The discussion in Warta Nabada gave the IDPs to directly engage the Mayor with questions specifically on the role of BRA in ensuring that their rights and needs are met.

The Mayor addressed the IDPs and reiterated that his administration is working closely with the Durable Solutions Unit and will not relent until their concerns are addressed.

“My office has opened a unit that is specifically incharge of addressing the plight of IDPs amidst Mogadishu’s rapid urbanization,” said the Mayor
Mayor Yarisow told guests that everyone needs to work closely with BRA to ensure service delivery will have the intended impact for all.

“We are all Somalis. This country belongs to all of us. No one here has more rights than the other. Let’s work towards achieving brotherhood and prosperity,” Mayor Yarisow said.

The IDPs and the host community had one-on-one discussions with the Mayor and there was an obvious hunger for a sustainable and dignified life.
“This was my first time engaging a Mayor and asking him some vital questions. I hope he will address our housing challenges, water issues, and give us quality healthcare and education for our families,” Ahmed Ali, an IDP.

Mogadishu is home to approximately 600,000 IDPs which is close to overall of one third of the overall population in Somalia.

The Durable Solutions Unit under BRA is working toward improving the living conditions of IDPs and returnees in Mogadishu through establishment of governance systems, increased housing, land and property rights and social, economic and political inclusion.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Dowladda oo faah faahisay waxa dib u dhigay doorashada Galmudug

$
0
0

Muqdisho | QOL July 23, 2019 —4-tii Bishaan July 2019 ayaa qorsuhu ahaa sida ay horay u shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya in la qabto doorashada hoggaanka Maamulka galmudug,haayeeshee ay dib u dhacday,waxaana Xukuumadda Soomaaliya ay faah faahin ka bixisay waxa sababay dib u dhaca doorashada.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in mudo bil ah ay dowladda Soomaaliya ku mashquulsan tahay xaliNTa khilaafyada ka dhex jira Bulshada Galmudug si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay.

 

 

 

Waxa uu sheegay Wasiir sabriye, isaga oo la hadlayay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga in haatan ay meel wanaagsan marayaan qorshaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaanada Galmudug,isla markaana uu rajeynayo inay guul kusoo dhamaadaan.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa mudo bil ah waxaa uu ku sugan yahay deegaannada Galmudug,isaga oo halkaasi ka wada arrimo la xiriira dhisida Galmudug Cusub,hayeeshee Beelaha qaar ay dhaliilsan yihiin sida uu wax uga wado deegaannada Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo gaaray Magalada Baydhabo

$
0
0

Muqdisho | QOL July 23, 2019 —Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa goordhow gaaray wafdi uu hogagaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dowladda federaalka Soomaaliya,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho.

 

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Baartlamaanka Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed.

 

U jeedka wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ay Maanta u tageen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in Magalada Baydhabo ay ka furi doonaan shir looga hadlayo Arrimaha gargaarka,isla markaana ay ka qeyb galayaan wufuud kala duwan.

 

Sidoo kale wafdiga ayaa inta ay ku sugan yihiin waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonan Madax ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed, iyaga oo kala hadli doona Arrimo dhowr ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Viewing all 19439 articles
Browse latest View live