Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19439 articles
Browse latest View live

SAWIRO:-Wasiirka Tamarta oo qaabishay madax ka socotay IOM iyo IGAD

$
0
0

Muqdisho | QOL July 16, 2019 —Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo; Fowzia Maxamed Sheekh, ayaa  Xafiiskeeda ku qaabbishay Wafdi ka socda hey’adda IOM iyo urur Goboleedka IGAD, waxayna ka wada hadleen fulinta mashaariic lagu dhisayo xarumaha Wasaaradda.

 

Mas’uuliyiinta Labada dhinac ayaa ka wada arrinsaday hirgelinta mashaariic lagu dayactirayo xarumaha Wasaaradda Tamarta oo degaameysan doonta xaruntii hore ee Wakaalada Biyaha Xamar ee Degmada Wadajir.

 

 

Hey’adda socdaalka Aduunka ee IOM ayaa Wasaaradda ka taageertay dhismaha xarunta sheybaarka Biyaha iyo goobo kale, waxaana si gaar ah looga hadlay dhismaha xarunta Wasaaradda, kaas oo dhowaan billaaban doona sida uu qorshuhu yahay.

 

Dhaqaalaha mashaariicdan ayaa waxaa bixinaya Bankiga horumarinta Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, iyadoo hay’adda socdaalka Aduunka ee IOM ay fulinta ka Gacan siinayso Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cismaan Libaax Ibraahim, qaar kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka kala soctay hey’adda IOM iyo IGAD.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


Kenya oo sheegtay inay dishay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

$
0
0

Muqdisho | QOL July 16, 2019 —War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamadu ay ku dileen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Kayunga ee xadka ay wadaan Soomaaliya iyo Kenya.

 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xilliga la dilayay Xubnaha ay miino ku aasayeen deegaanka Kayunga,qaraxaas oo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Ciidamada ilaalada xaduudka,waxaana is rasaaseyn dhexmratay ciidamada iyo Ragga ka tiursanaa Al-Shabaab ay sababtay dhaawaca laba ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya.

 

 

 

Sidoo kale Booliska Kenya ayaa sheegay inay hayeen xog ku saabsan Xubanaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Kayunga,sidoo kalena ay weli raad joogaan Xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

 

Dadka deegaanka Kayunga ayay Boolisku  sheegeen inay yihiin kuwa had iyo jeer taageera Al-Shabaab,hayeeshee Ciidamada Kenya ay yihiin kuwa doonaya inay ilaashadaan xaduudkooda,isla markaana ay baacsan doonaan cid kasta oo gacan siisa Al-Shabaab.

 

Si kastaba hadalkaan kasoo yeeray Ciidamada Booliska Kenya ayaa imaanaya xilli inta badan deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi ay mararka qaar ka dhacaan qaraxyo lala eegto Ciidamada Booliska Kenya,,waxaana qaraxyadaas mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo Maanta ku wajahan Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL July 16, 2019 —Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud waxaa Maanta ku wajahan Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,kaas oo haatan ku sugan Magalada Muqdisho.

 

Wasiir Sabriye ayaa horay dhowr maalmood ugu sugnaa Magaalada Dhuusamareb, isaga oo qeyb weyn ka qaatay heshiiskii Madaxda Ahlusunna ee ku biiray Galmudug iyo Dowladda federaalka,isla markaana uu dadaal u galay xalinta dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug.

 

 

 

U jeedada wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Magalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in la filayaa in Maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Guddiga qabashada Shirka dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug.

 

Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa saakay laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ,waxaana sidoo kale Magalada Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Shir laga yeeshay Amniga deegaanada Jubbaland

$
0
0

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa shir guddoominayay kulan ay maanta yeesheen laamaha amniga Jubbaland waxaana ka qayb galay Taliska ciidamada kala duwan ee Jubbaland sida Nabad-sugidda, Booliska,Daraawiishta iyo Saraakiisha sar sare ee ciidanka Jubbaland.

 

Shirka ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga Jubbaland, ka hortagga dhagarta cadowga, samaynta howlgallo joogto ah oo nabadgelyada lagu xaqiijiyo iyo qodobo kale oo muhiim u ah amniga Jubbaland

 

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo markii shirku soo dhamaaday la hadlay Jubbaland TV ayaa sharraxaad ka bixiyey shirka iyo go’aanada kasoo baxay, wuxuuna qaybaha bulshada Jubbaland ugu baaqay in ay ciidanka amniga kala shaqeeyaan xaqiijinta nabadgelyada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Sawirro:-Madaxweynaha K/Galbeed Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Cusub

$
0
0

Muqdisho | QOL July 16, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta_gareen ) oo socdaalka Nabada iyo ukuura Gelida Xaalada Degmada Ceelberde uga sugan Degmada ayaa Dhagax Dhigay Mashaariic hore leh oo isugu jira School Waxbarasho iyo Ispitaal weyn oo Degmada ay yeelato.

Sido kale Madaxweyne Cabdicasiis Lafta_gareen ayaa Xariga ka jaray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Qeybta Degmada Ceelberde taasi oo Dib u howl gelinta Bar xuduuda Ceelberde laga Sameyey.

Cumar Xaaji Agaasimaha Lanta socdaalka iyo jinsiyadaha qeybta KGS ayaa ugu horeyn ka hadlay munaasabada kooban oo ka dhacday Degmada Ceelberde taasi oo Xariga lagaga jarayey Furintaanka laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Xafiskeda degmada Ceelberde wuxuuna kaga mahadceliyey madaxweynaha sida ay kaga go’an tahay u shaqeynta shacabka.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta_gareen ) ayaa Dhankiisa ka Codsaday Dowlada Itoobiya in ay furto Xafiis noocan ah si Bulshada ay isaga kala Gooshan Labada Dowladood maadaama Ceelberde ay xuduud la leedahay Dowladda Itoobiya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Sawiro:-Taliyaasha Ciidanka Booliska G/Banadir Oo Ladalacsiiyey

$
0
0

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah Taliyeyaasha Booliska degmooyinka, Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiishan dhalinyarada dalacsiiyay, kaddib soo jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko.

 

Saraakiisha la dalacsiiyay ayaa waxaa ka mid ah Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq John oo ahaa Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, waxaa loo dalacsiiyay darajada Sareeye Guuto, sidoo kale kuxigeenkiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Jeego ayaa isna loo dalacsiiyay G/sare.

 

Munaasabadda lagu dalacsiinayay saraakiishan oo loogu xirayay darajooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro.

 

Inta badan Saraakiishan ayaa ahaa kuwii horay uga tirsanaa Ciidanka Nabadsugida ee lagu biiriyay Ciidamada Booliska, waxaana bishii April loo magacaabay Taliyeyaasha saldhigga Booliska iyo Taliye qeyb.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Dowladda Soomaaliya oo Safiir cusub u magacawday Washington

$
0
0

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Dowladda Soomaaliya ayaa Safiir cusub u magacawday magaalada Washington ee dalka Mareykanka, kaddib muddo sanad ah oo xilkaas Danjirnimo uu bannaanaa.

 

Amb. Cali Shariif Axmed ayaa loo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington, waxaana uu noqonayaa safiirkii 3aad oo muddo afar sano gudahood ay si rasmi ah dowladda Soomaaliya u magacawdo Mareykanka.

 

Cali Shariif ayaa horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Itoobiya oo muddo todobo bilood ahaa iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Faransiiska.

 

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu u ambabaxo dalka Mareykanka, si kaalinta Danjirnimo ee muddo bannaanaa uu u buuxiyo.

 

Tan iyo horaantii sanadkii 2018 xilka Safiirnimo ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ahaa mid bannaanaa, kaddib markii Safiirkii xilkaas hayay Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays oo la kulmay Duubabka Dhaqanka Mudullood

$
0
0

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya C/qaadir Cosoble Cali ayaa xalay kulan la qaatay Duubabka dhaqanka Beesha Mudullood.

C/qaadir Cosoble ayaa kala hadlay xubnaha Duubabka dhaqanka arrimo ku saabsan xaalada amniga magaalada Muqdisho.

 

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Xisbiga ku leeyahay ayaa lagu sheegay in Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays uu kala hadlay Duubabka dhaqanka sidii culeyska looga qaadi lahaa bulshada Gobolka Banaadir oo waddooyinka xiran loogu furi lahaa.

 

Waxaa kaloo uu kala hadlay arrinta Gobolka Banaadir iyo sidii bulshada degan gobolka ay maamul u soo dooran lahaayeen.

 

Muddooyinkii u dambeeyay Siyaasiga C/qaadir Cosoble oo horay u soo noqday Musharax Madaxweyne waxaa uu waday dhaq dhaqaaqyo la xiriira maqaamka Gobolka Banaadir, iyadoo ay horay u jireen siyaasiyiin dhowr ah oo arrintan muddo waday oo aan u suura gelin inay ka guul gaaraan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


SAWIRO:-Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray Jowhar lana kulmay Madaxda Hir-Shabeelle

$
0
0

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Magalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeell waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan , iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

 

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ,Madaxweyne kuxigeenka iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka Jowhar ku soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle

 

 

 

Wakiilka ayaa kulan la qaatay Madaxda Hir-Shabeelle, iyada oo laga wada hadlay Xoojinta wada shaqeynta Howlgalka Qaramada midoobay iyo Maamulka Hirshabelle,waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiila Howgalka Qaramada Midoobay ee Hir-Shabeelle Mr Benjiamin.

 

Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa 3aad ee uu ku tago Dowlad Goboleed,iyada oo uu horay u tegay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Madaxweynaha Puntland oo xilka qaadis & Magacaabis sameeyay

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Ciidanka Badda Puntland ee ee PMPF Cabdiraxmaan Xaaji Xassan, isaga oo Magacaabay Agaasime Cusub.

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Deni oo aan weli Warbaahinta loo soo bandhigin ayaa waxaa xilka Agaasimaha Ciidanka Badda Puntland ee ee PMPF loogu Magacaabay Cabdi Rabbi Cismaan Maxamed.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa uu wday isbeddelo dhanka Hay’adaha Maamulkiisa ah,waxaana uu dhawaan Magacaabay Agaasimayaal iyo  Hanti dhowrka Guud ee Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday gaari marayay duleedka degmada Balcad

$
0
0

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerar dabley hubeysan ay xalay ku qaadeen gaari marayay duleedka galbeed ee magaalada Balcad halkaas oo dad rayid ah ay ku dhinteen qaar kalana ku dhaawacmeen.

 

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in afar ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan labo dumar ah oo saarnaa gaariga ay ku dhinteen weerarkan oo ka dhacay meel ku dhow deegaanka Xaanshooley.

 

Sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka dableyda hubeysan ee weerartay gaarigan ayaa ka shakiyay gaariga oo xilli habeenimo ah socday isla markaana uu istaagi waayay kadib markii ay ku amreen inuu istaago.

 

Dhinaca kale iska horimaad hubeysan oo ku dhex maray deegaan u dhexeeya magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe maleeshiyo hubeysan ayaa sababtay geerida labo ruux  kadib markii muran ka dhashay lahaanshaha dhulka.

 

Oday dhaqameedyada deegaanka ayaa wada   dadaalo ay ku qaboojinayaan xiisada sababtay geerida labada ruux.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay gobolka Hiiraan

$
0
0

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Taliyaha guutada 5aad ee Gobolka Hiiraan Korneel faarax Cali Waasuge ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee gobolkaas,iyaga oo ka wada hadlay howlagallada ka socda Gobolkaas.

 

Taliyaha ayaa sheegay in dhawaan deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan  ay ka bilaabi doonaan howlagallo ka dhan ah Al –Shabaab,isla markaana ay siwadajir ah u fulin doonaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Dhinaca kale Taliyaha qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan Janeraal Axmed Maxamed Calsow (Tareedisho) ayaa dhankiis sheegay in uu socdo qorsha Al-Shabaab looga saari lahaa dhamaan deegaanada ay ku sugan yihiin,waxaana ciidamada uu ugu baaqay inay u diyaar bgaroobaan howlgalkaas.

 

Sidoo kale janeraal Tareedisho ayaa sheegay in ciidamada ay guulo waaweyn kazoo hooyaan dagaal ay dhawaan kula galeen Al-Shabaab tuulooyin hoostaga degmooyinka  Maxaas iyo Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Amar la dul-dhigay Hay’adaha Caalamiga ee ka howlgalla Gobolka Mudug

$
0
0

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Maamulka Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku socda Hay’adaha ka howlgalla gobolkaas,kaas oo ku saabsan howlaha Shaqo oo ay hay’adahaas ka hayaan Guud ahaan deegaanada Gobolka Mudug.

 

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa Haya’daha lagu wargeliyay  in dhaqdhaaqooda Shaqo u soo gubiyaan Maamulka Gobolka si ogolaansho loo siiyo sida shirarka , Siminaarada iyo safarada  intaba.

 

Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa la faray inay Hay’adaha Caalamiga kala Sahqeeyaan una fududeeyaan howlaha ay u hayaan Shacabka ku nool Gobolka mudug.

 

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Somali Journalists in Kismayo gather to pay tribute to the fallen colleagues

$
0
0

MOGADISHU, Somalia, 17 July, 2019 – Somali Journalists Syndicate (SJS) expresses solidarity and stands firmly with fellow journalists in Kismayo who on Tuesday 16 July, 2019 held prayer meeting for the late two TV journalists: Mohamed Omar Sahal and Hodan Naleyeh, who were killed in Kismayo Hotel attack on Friday 13 July, 2019.

Dozens of journalists gathered in Maamuus hotel in Kismayo as they wore red headscarves around their heads to mourn for the two fallen journalists.

In their speeches, journalists and media representatives paid tribute to the late Sahal and Naleyeh as they described the two colleagues’ talents as professional journalists.

“We mourn for our brother Mohamed Omar Sahal and sister Hodan Naleyeh. Both were talented and committed journalists. They both served to the people of Somalia till to their last day,” Mohamed Qasim, a TV journalist in Kismayo sai

Journalists who personally worked with late Sahal and Hodan have also reflected their biography as a kind and calm journalists who loved to show case the untold stories of Somalia.

Abdishukri Haybe Kilaas, director of Waamo Community Radio said Somali journalists in general have suffered a lot and continue to risk their lives in their daily activities.

“We are crying today as we have lost two important colleagues. We are also worried about the lack of commitment to protect journalists in Somalia,” Abdishukri Haybe Kilaas said.

Somali Journalists Syndicate expresses full solidarity to the journalists’ gathering aimed to pray for the slain journalists and stand firmly in this difficult time as the gathering signals the significance of unity among the journalists in Kismayo.

“We are deeply troubled by the loss of Mohamed Omar Sahal and Hodan Naleyeh and we stand firmly in solidarity with the journalists and the family members in this difficult time,” Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of the Somali Journalists Syndicate (SJS) said, ”The prayer meeting in Kismayo is a good sign of unity and the strength among our colleagues during difficult times.”

”Our heartfelt condolences go to the family and friends of late fallen journalists. May their souls rest in peace,” Mr. Mumin added.

Born in 1983, late Mohamed Omar Sahal worked as a freelance journalist with Voice of Peace Radio in Mogadishu in 2011, before returning back to Kismayo in 2013 where he joined Radio Kismayo as a reporter. Until his death late Sahal was the Kismayo-based correspondent for SBC TV.

Hodan Naleyeh was born in 1976. After leaving the country at the age of six, she has recently returned from Canada to Somalia to help showcase Somalia’s peaceful transformation through her TV shows. She was the founder of Integration TV where she started on March 1, 2019 to host half-hour Somali community show “Building a New Cultural Identity”.

The death of Hodan, and Sahal, becomes the first journalists killed in the country this year.

Late Sahal left four children and a wife while Hodan left behind two sons. Hodan’s husband Farid Jama was also killed in the hotel attack on Friday.

 

 

.

.

May God grant both of them an eternal rest in the Paradise

————-
For more information, please contact:
Somali Journalists Syndicate (SJS)
Osoble-Adde Biulding, KM4 area, Near Hayat Hotel, Wadajir District, Mogadishu, Somaia
Office Line: +252 1 857 551 Mobile: +252 612 448 044
Email: alerts@sjsyndicate.org
For General inquiries: email us: sjs@sjsyndicate.org
Twitter: @sjs_somalia
Facebook:  @sjsyndicate

______________________________________________________

Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan wadatashi iyo IslaXisaabtan ah la yeeshay Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniiile

$
0
0

Muqdisho | QOL | Luulyo 17, 2019 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa galabta kulan wadatashi iyo IslaXisaabtan ah la yeeshay shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniiile.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn warbixinno ku saabsan horumarrada kala duwan ee ka socda degmada Dayniile ka dhageystay Maamulka, waxayna sheegeen in isbadal badan uu ka jiro degmada, gaar ahaan dib-u-dhis iyo horumarin lagu sameeyey xarumaha degmada iyo waddooyinka.

Eng. Yarisow ayaa ku ammaanay maamulka iyo shacabka Dayniile sida wadajirka ah ee uga shaqeynayaan dib-u-dhiska degmada, isla markaana ay muddo kooban ku hirgeliyeen mashaariic muhiim ah.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa qeybaha bulshada uga warbixinay horumarka Caasimadda ee socda, isla markaana Shahaado Sharaf guddoonsiiyey Guddoomiyaha Degmada oo la yimid waxqabad muuqda.

“Bulshada iyo Maamulka Degmada Dayniile waxay sameeyeen horumarro kala duwan oo muhiim ah si IsXilqaan ahna loo fuliyey, tani waxay ka tarjumeysaa haddii wadajir loo wajaho howllaha in horumar badan lagu tallaabsanayo”.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaanno, Siyaasiyiin Oday dhaqameed iyo Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo, waxayna ku dhiirigeliyeen shacabka Dayniile in ay sii xoojiyaan horumarka ay wadaan.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________


Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Soomaaliland

$
0
0

Muqdisho | QOL |  Luulyo 17, 2019 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:

1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).
2. Dr.Cali Siciid Fiqi.
3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.
4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:

1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Tanzania mourning a bright business mind killed in Kismayo

$
0
0

In Summary

Mahad Abullah Nur, his young brother and their father Guled Nur, fled Somalia and settled in Tanzania in the late 1980s – and the rest is sad history…

15 July 2019 – Source: Citizen TZ – The killing of Mahad Abdullah Nur, the soft-spoken business executive, has robbed one of the successful business empires in Dar es Salaam city of its brightest minds. Mahad, his young brother and their father Mzee Guled Nur, fled Somalia and settled in Tanzania in the late 1980s when signs of the worst phase of instability emerged in the Horn of Africa state. At the time of his brutal death in his ancestral land, the elder son of the family, ran a number of businesses, including Victoria Plaza Limited and Maisha Supermarket Limited, both of Dar. Reports said the family-owned some properties in Mogadishu, the capital, but the old man had read the signs Somalia was headed to lawlessness with the Siyad Barre regime on the verge of collapse.

The family through the connection of some friends pitched in Dar es Salaam and almost immediately hit the road with the establishment of its first business outlet at Mabibo External. By 1990, the trio were running one of the modern furniture making enterprises in town. Their clients included diplomatic missions. A few years later, the company got involved in making shoes. It took over the then state-owned leather/shoemaking plant in Morogoro and started making shoes for the local market. But as is with the case with Friday’s attack which cut short the life of an ambitious businessman, the shoemaking enterprises came to a halt after a fire, whose cause was unknown, which consumed the entire plant.

The Guled family never gave up. The old man would do everything to invest whatever money they had in any productive activity to generate money. The old man would give general directions but it was Mahad, who was the point man. Guled Junior (Mahad) was the one who would effectively manage the new business ventures. By the mid-1990s, the family had opened Paradise Hotel in Bagamoyo, becoming the leading outfit for the entire coastal strip which then lacked modern tourist resorts. While the resort in Bagamoyo opened its doors for hundreds of tourists and conference delegates alike, the family opened City Garden Restaurant in the heart of Dar es Salaam. Another eating joint was opened adjacent to the Bakwata building at the intersection of Morogoro and Bibi Titi roads. At Kigamboni, a new shoemaking plant was set up with the technical support from Italy. Italshoe was the brand and for some time it was the focus of the business empire.

As businesses expanded, the trio: Mahad, his young brother Mohamed and father worked hard but it was evident Mahad was in charge, using his soft diplomacy to win clients. He had full trust of his father to pursue multimillion shilling negotiations on behalf of the family and the business empire. “I trust them (the pair) because I have invested for their education,” Mzee Guled Nur once told this reporter as the smiling Mahad looked on. By the time they settled in Tanzania, Mahad and his young brother had trained in hotel and business management abroad and were not new to the game when the family opened several business outlets.

The family business prospered much in the last decade with the Paradise Hotel attracting more and more visitors and weekend revellers. But as was the case with the razed down shoe factory in Morogoro in 1997, the iconic Paradise Hotel came down tumbling from an early morning inferno in 2009. The cause of the fire has not been explained. Misfortunes did not deter Mahad, his aging father and his equally shrewd young brother. Of course, there had been debate on the cause of the mysterious fires. They later invested in various multi-billion shilling properties in Dar es Salaam city and its environs, including a towering hotel at Gerezani.

Mahad showed evident skills of business management in whatever matter the family would lay hands on. “Sadly, it was Mahad, the elder son of Mzee Guled. He was killed in the attack on Friday evening while on a business trip to Kismayu,” said Abdikadir Khalif, a Mogadishu-based journalist when contacted to confirm the reports. “He was a professional hotelier and property developer,” he added. Mr Khalif also fled Somalia in the 1990s and briefly settled in Dar in the late 1990s, courtesy of the Guled family. He went back after 2000. Mohamed Nur said in Dar es Salaam yesterday since his late brother lived in Tanzania and loved the country and that he was a Tanzanian, his relatives and friends will conduct special prayers at City Garden.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Musharixiin sheegay in Axmed Madoobe afduubtay doorashada Jubbaland

$
0
0

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Musharaxiinta Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe ay u af-duuban tahay Doorashada Jubbaland ee lafilayo in dhawaan ay ka dhacdo Magalada Kism,aayo.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ah Xildhibaan ka tirsan  Golaha Shacabka kana mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in habraacyadii doorashada iyo nidaamka sugidda amniga ay u afduuban tahay madaxweyne Axmed Madoobe .

Waxa uu tilmaamay in ay tahay waqti dhumis iyo bur-burin lala damacsanyahay Maamulka Jubbaland taasina ay macquul ahayn loona baahan yahay in waxlaga qabto.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa waxaa hadalkiisa uu intasi ku daray in ay doonayaan in doorashada ay kusoo celiyaan wadadii ay laheyd hadii ay dhici waysana ay qaadacayaan wixii kasoo baxa,isla markaana doorasho kale ay qabsanayaan.

Hadalka Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ahna musharax Madaxweynaha Jubbaland ayaa imaanaya xilli sidoo kale Musharax Cabdi Naasir Seeraar Maax uu sheegay in doorashada Madaxweynaha Galmudug uu si qaldan u maamulayo Axmed Madoobe,isla markaana aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xildhibaan Fiqi”Guddiga ma danaha Galmudug mise danaha Kheyre ayay ka Shaqeynayaan?”

$
0
0

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Xukuumadda Soomaaliya ku dhaliilay habka loosoo magacaabay Xubnaah Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo uu xalay Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in Wasiirka Arrimaha gudaha uu mar walba soo saaro go’aano iyo waraaqo sidii ay Xukuumadda rabto loo soo qoro,isla markaana Xubnaha Guddiga ay yihiin kuwo intooda badan ka tirsanm Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Wasiir Sabriye waa nin is-hafraya, wasaaraddiisuna waxay noqotay mid waraaqaheeda sidii la rabo wax loogu soo qorto, Guddiga Dibuheshiisiinta Galmudug lagu sheegay marka laga reebo dhowr qofood, intooda badan waxey ka tirsan yihiin xafiiska RW Khayre oo mushaari ka ayuu yiri Xildhibaan Fiqi”

Sidoo kale waxaa uu shaki geliyay in guddigaas ay ka Shaqeeyaan nabadeynta Galmudug,waxana uu sheegay in yihiin kuwa ka Shaqeyn doona danaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

“Ma Galmudug danaheeda ayay ka shaqeynayaan mise danaha Khayre ka leeyahay GM? waxaan rajaynayaa in aysan horseed u noqon kala geynta dadka Galmudug ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaanka.

Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ka kooban 12 xubnood,waxana Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu sheegay inay xubnahaasi ka Shaqeyn doonaan isku keenida dadka Reer Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

RW Kheyre oo dalab u diray Waxgaradka & Odayaasha Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa duleedka magaalada qado sharaf mahad celin ah ugu sameeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo deegaannada Galmudug u jooga dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Dhammaan dadkii ka hadlay kulanka soo dhaweynta waxa ay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixinayo dhismaha  Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta dhammaan reer Galmudug

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahad celiyay Soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ballaaran ee dhammaan reer Galmudug u muujiyeen ayaa bulshada Dhuusamareeb ka codsaday in ay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb gelaya gogosha dib-u-heshiineed, ayna muujiyaan tanaasul, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu tagaan oo ay qanciyaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Viewing all 19439 articles
Browse latest View live