Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all 19444 articles
Browse latest View live

Agaasime Kuxigeenka Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo bil kadib Warbaahinta ka soo muuqday.

$
0
0

Muqdisho | QOL July 11, 2019 —Agaasime Kuxigeenka Cusub ee Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Carashiid Maxamed Xaashi ayaa galabta markii ugu horeysay ka soo muuqday Warbaahinta Villa SOmalia, isaga oo aqrinaya War Saxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya oo la xiriira warqdaaha aqoonsi ee madaxweyne Farmaajo uu ka gudoomay Safiirka cusub ee Ruushka u soo magacawday Soomaaliya Mudane Mikhail Golovanov.

 

Cabdirashiid oo ah qurbejoog ayaa xilkan ku magacwanaa mudo ku siman bil, waxa ayna ahayd markii ugu horeysay ee magaciisa lagu soo daabacay bogga Villa Soomaaliya 11-June-2019, isaga oo xilligaasi soosaaray qoraal ku saabsanaa kulanka madaxweyne Farmaajo la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika.

 

Sida ilo xog-ogaal ah ay noo sheegeen Agaasime Kuxigeenka cusub ee Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi waxa uu hore u ahaa soosaaraha muuqaallo lagu baahin jiray bogga Youtube ee leh magaca Diiwaan Films.

 

Waxa uu bedelay Cabdi Fitaax Awaare oo xilkan hayey muddo, iyada oo aan la shaacin sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xil ka qaadista Awaare, sidaas oo kale Villa Soomaaliya ayaa Warbaahinta ka qarisay magacaabidda Agaaisme Kuxigeenkan cusub, Warar lagu daabacay baraha bulshada ayaa sheegaya in Mr. Awaare uu eersaday Sawir uu la soo galay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) mar uu ugu tagay magaalada Nairobi iyo qoraal uu bartiisa Facebook ku soo daabacay.

Cabdirashiid agaasime kuxigeenka Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa hore ugu soo bandhigay Diiwaan Films muuqaalo guulwadeyn iyo Isgadid u badan oo Cabdirashiid u soosaari jiray si uu ugu dhowaada madaxda xukuumadda Soomaaliya, waxaa kaloo Diiwaan Films horay u soo bandhigay muuqaallo lagu jaa’ifeynayey Siyaasiyiinta iyo xisbiyada  mucaaradka.

Inkasta oo aan Cabdirashiid lahayn laguna aqoon xirfad Saxaafadeed haddana waxa uu iska yeelyeelaa sida in uu yahay Suxufi isaga oo si uu halkan u soo gaaro u sameeyey wax walba oo ay suuragal tahay in uu sameeyo sida cambaareynta siyaasiyiinta mucaaradka iyo muujinta waddaniyad, xamaasad iyo xitaa in uu  heesihii Kacaanka ee Nacaybka iyo keligitalisnimada u adeegado shaqsiyaadka saluugsan xukuumadda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


SAWIRO:-Axmed Karaash oo dib ugu soo laabtay Boosaaso kana hadlay safarkii Imaaraadka

$
0
0

Muqdisho | QOL July 11, 2019 —Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo Laabtay, kana soo degey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso kadib safar uu  ugu maqnaayeen dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka.

 

Wefdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoonka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha qaybta gobolka, saraakiil ciidan siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi oo qayb ka ahaa soo dhoweynta weftiga.

 

 

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu horayn ka mahadnaqay soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxaana uu ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee qaatay 15 cisho, kaasi oo uu ku horeeyey Jalka Jabuuti oo uu kala qayb galay malinta xuriyadda dalkaasi Juun, 27, 2019.

 

“Aad bay farxad iigu tahay inaan Boosaaso maanta si rasmi ah uga soo degno aniga iyo wefdigaygu, qorshaha waa iigu jirtey inaan halkan imaado, waxaa jirey safar shaqo oo aan hore ugu imi gobolka, lakiin rasmi muusan ahayn waxaan salaantii iyo ujeedkayagii shaqo idiin soo faray Guddoonka gobolka iyo degmada. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Boosaaso oo ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha gobolka, kan degmada iyo cid kasta oo nasoo dhoweysey waa Alle mahaddiis”.

 

“Aniga iyo wefdi aan hogaaminayey waxaanu safar shaqo ku tagnay dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka. Jabuuti waxaanu kala qayb galay xuskii maalintooda xuriyadda oo ahayd Juun, 27, 2019, aad iyo aad bay noo soo dhoweeyeen, si dowladdnimo leh ayay noo qaabileen, intii aanu joogneyna kulamo badan baanu yeelanay, abaal ayay inagu leeyihiin, waxaa tusaale u ah hiil Walaal. Safarka kaas noogu xigey wuxuu ahaa Imaaraadka, waxaanu ku kulanay Jaaliyadda dalkaasi ee reer Puntland ee u badan Ganacsatada. Alle mahaddii safaradaasi waxay noogu soo dhammaadeen Guul.

 

Ugu dambayn, Madaweyne Ku-xigeenka D Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, waxa uu kulamo muhiim ah la qaadan doona masuuliyiinta dowladda, isimada, nabadoonada iyo qaybaha kale ee bulshada magaaladaasi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

AMISOM iyo Mareykanka oo dhoolatus ku sameynaya Itoobiya

$
0
0

Muqdisho | QOL July 11, 2019 —Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis Ciidamo ka kala socda Mareykanka iyo howlgalka AMISOM ku sameynayaan dhoolatus Milatari.

 

Dhoolatuskan oo dhacaya inta u dhaxeysa 15ka ilaa 31ka Bishan July ayaa waxaa ka qeybqaadanaya ilaa 1,100 Askari oo ka kala socda Mareykanka, Itoobiya iyo Waddamada ku jira howlgalka AMISOM.

 

Dhoolatuska ayaa xoogga lagu saarayaa tababarka Ciidamada dhulka, saraakiisha maamula xarumaha Ciidamada iyo qodobo kale oo howlgallada Ciidamada la xiriira.

 

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah habka adeeg caafimaad loogu diyaarinayo askarta ku jira Howlgallada AMISOM iyo kuwa kale ee Qaaradda Afrika.

 

Dhoolatuska noocan ah ayaa sanadkii 2017kii waxaa sameeyay Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

 

Dowladda Mareykanka ayaa bixineysa lacag ku dhow $6Milyan oo doollarka Mareykanka ah si loogu daro dhaqaalaha dowladda Itoobiya dhoolatuskan dartiis ayeyna ku bixineysaa Dowladda Mareykanka.

 

Isha: Walta Media

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Sawirro:-Kulan Su’aallo Lagu Weydiinayo Madaxweynaha KGS Oo Xalay La Qabtay

$
0
0

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu ka qeyb galey Golle Furan oo ah Barnaamij ay Su’allo iyo Fikradaha ay Qaban Dhallinyarada , Aqoonyahanada ku Weydinayan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha wuxuu Tagay Miis walba oo Dhalinta ay Fadhiyan, wuxuuna Dhageysanaya Su’aalaha ay Qabaaan,

Waxana Madaxweynaha Dhanlinyarada Mid Kasta ka dhageystay Taladiisa ,iyo su’aashiisa , Isagoona Ugu Jawaabeyay si toos ah .

Waa Barnaamijkii ugu horeyay oo lagu qabtay Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dhalinyarada deeganka oo Madaxweynahooda Su’aal walba ay qabaan ku weydiineya Miiska, Tani waxa ay tusaale utahay Dowlad Goboleedyada Kale, si Bulshada Qeybaheeda Kala duwan uga dheystaan Su’aalahooda Fikradahooda , Waa mida kali ah Lagu hagaamin kara dalka.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ugu dameyn Dhalinyarada Aqoonyahanadaha kula Dar daaramey in qeyb weyn ay ka qaataan Dhisimaha Dowladnimada Iyo Horumarka Deeganadooda.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Mareykanka Oo Qorsheynayo Cunaqabatayn Ka Dhan Ah Turkiga

$
0
0

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa inay dabayaaqadda  isbuucan ku dhawaaqdo Cunaqabatayn ka dhan ah Dowladda Turkiga, kadib, markii ay iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ee lagu farsameeyey Raashiya.

Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen qorshaha Cunaqabatayntaasi, waxayna Kooxda Madaxweyne Donald Trump horey u garwaaqsadeen Xirmooyin cunaqabatayn oo ka dhan ah Turkiga

Bilosgii Isbuucan, Hoggaanka Guddiyadda Aqalka Senedka dalkaasi ugu qaabilsan Arrimaha Ciiddanka iyo xiriirka Dibedda waxay soo wada saareen War-saxaafadeed ay  ugu baaqeen Madaxweyne Trump inuu cunqabatayn ku soo rogo Turkiga, kadib, markii ay heleen Shixnadii ugu horreysay ee Gantaalladda Raashiya ee Nidaamka difaaca ee  S400

 

Jimcihii la soo dhafaay, Wasaaradda Difaaca Turkiga waxay sheegtay inay qeybtii ugu horreysay Gantaalladdaasi soo caga-dhigteen magaalladda Ankara.

 

Dowladaha Raashiya iyo Turkiga waxay bishii December ee sannadkii 2017-kii kala saxiixdeen Heshiis dayn ah oo Turkiga looga iibinayo Nidaamka Difaaca ee S400.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xukuumadda Somalia Oo Wada Diyaar Garowgii Ugu Dambeeyay Ee Arrimaha Xajka

$
0
0

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socday Shirkadaha u adeega Xujeyda Somaaliyeed.

Kulanka u dhexeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Madaxda Shirkadaha ayaa waxaa looga sidii si wanaagsan loogu adeegi lahaa Xujeyda Somaaliyeed oo Sanadkan u baxaya Xajka.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda  Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuubow ayaa uu sheegay in Wasaaraddu ay wado diyaar garow badan oo ku aadan arrimaha Xajka,isla markaan waxaa uu xusay in dowladda sanadkan ay isbedel ku sameeyay waxyaabo badan oo dadka Xujeyda ah ay caban jireen.

 

Sidoo kale Cismaan Aadan Dhuubow ayaa waxaa uu tilmaamay in Sanadkan 58 Shirkadood  ay ku tartameen  sidii ay u qaadi lahaayeen Xujeyda Soomaaliyeed,isla markaana ay ku guuleysteen 11 Shirkadood oo kala ah,Daallo group,Al Ikhlaas group, Safa group,Madiina group,National group, New Hope group,Freedom group,Jowhar group,Labaak group,Jubba group,Tadamum group.

 

Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaar garowgii ugu dambeyey ugu jirta u adeegidda 11500 oo Xaaji sanadkan,waxayna balan qaaday in ay kormeeri doonta lana xisaabtami doonta Shirkadaha u adeega Xujeyda Soomaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Kenya Oo Ku Baaqday Inay Beesha Caalamka U Midoobaan La-Dagaalanka Al-Shabaab

$
0
0

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Kenya waxay  ugu baaqday dalalka Calaamka inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, kadib, weerarkii ay Alshabaab jimcihii ka geysteen Hotel ku yaalla Kismaayo, laguna dilay 26 qof o oay ku jireen 3 Somali-Kenyan ahaa.

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Monica Juma ayaa jeedisay Baaqaasi, waxayna Beesha Calaamka ku boorisay inay Golaha Ammaanka ee QM taallaabo ka qaadaan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigta

Qoraal ay Barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayey ku sheegtay in weerarkii Alshabaab ee Kismaayo uu tusaale kale u yahay weeraradda ay Alshabaab ka geystaan dalalka Geeska Afrika.

 

Dhinaca kale, Monica Juma waxay sheegtay inay Tacsi u dirayaan Qoysaska iyo Saxaiibadda dadkii lagu dilay weerarkii ka dhacay Hotelka Madiina (Ex-Cascasey) ee magaalladda Kismaayo

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Sawirro:-Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Waxaa isa soo taraya Khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Qaraxaas ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad ayr oo lagu shaaheyo oo ku taalla ka soo horjeedka Xarun lagu magacaabo Inji oo kamid ah Goobaha uu ku shaqeeyaa Maamulka Galmudug gaar ahaan Hay’addaha amniga maamulkaas.

Ugu yaraan Shan Ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ka mid yahay Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Baraka-Qabe oo ka tirsan Xildhibaanada dowlad Goboleedka Galmudug,kaasi oo la geeyay Isbitaalka ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale dadkii halkaasi ku dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray Haweeneydii laheyd Maqaayada iyo Saddex Carrur oo ay dhashay,kuwaasi ku sugnaa Maqaayada xiliga uu qaraxu dhacayay,isla markaana waxaa  ku dhintay oo kaliya ruuxii Is-qarxiyay oo kaliya.

 

Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa isku gadaamay uu qaraxu ka dhacay,isla markaana ay ka wadaan baaritaano kala duwan oo la xiriira  qaraxaas ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay halkaas ka wada howlalo shaqo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________


Raashiya Oo Maalintii 3-Aad Gantaalladda S400 U Daabushay Dalka Turkiga

$
0
0

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Diyaaradaha Xamuulka ee dalka Raashiya waxay maanta mar kale shixnadda Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 gaarsiiyeen dalka Turkiga, sida ay shaaciyeen Warbaahinta Turkiga iyo kuwa Raashiya.

Wasaaradda Difaaca ee Turkiga waxay Bartooda Twitter-ka maanta soo dhigtay in Shixnadihii 5-aad iyo 6-aad ee Diyaaradaha Xamuulka Raashiya maanta soo caga-dhigteen Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Murteed oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Ankara.

Wasaaraddu waxay kaloo sheegtay in 2 Diyaarado kale oo wada Xamuulka S400 la rajeynayo inay soo caga-dhigtaan Saldhigaasi saacado gudahood.

 

Soo-daabulista Nidaamka difaaca ee S400 oo bilaabantay Jimcihii la soo dhaafay waxa uu khilaaf xooggan ka dhex dhaliyey  Maraykanka iyo Turkiga.

 

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka waxay ku celcelisay inay Turkiga ku soo rogi doonaan cunaqabatayn dhaqaale, kadib, markii ay Maraykanka la laabteen qorshe Turkiga looga iibin lahaa Diyaaradaha Dagaalka F35 ee uu Maraykanka farsameeyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Sawirro:-Shir Deg-Deg Ah Oo Laga Yeeshay Amniga Magaalada Kismaayo

$
0
0

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xaalada guud ee amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ugu horayn kulanka lagaga hadlay iyadoo la sheegay in xaalada amnigu hada ay wanaagsan tahay.

Golahu wuxuu u mahadceliyay dhamaan dadkii usoo tacsiyeeyay Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xanuunka la qabsaday waxaa kale oo laga hadlay qaabkii loo maarayn lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka haday noqoto burbur hantiyeed iyo dadka dhaawacmay intaba.

Madaxweynaha ayaa magacaabay gudiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarkan kuwaas oo ka shaqayn doona sidoo loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaadhay iyo sidii gacan loogu fidin lahaa milkiilaha hotelka madiina oo ah shaqsi naafo ah oo dhaqaalahiisa u huray dalkiisa.

Qorshaha amniga doorashada ayaa la isku raacay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si adag u sugayso amaanka doorashooyinka iyadoo dhamaan Ciidamada amaanka la galiyay heegan buuxa.

Waxaa kale oo laga hadlay in la kala saaro Siyaasada iyo amaanka oo nabadgalyada ayna mara Jubbaland gorgortan ka galaynin arimaha siyaasaduna ay leeyahiin wado loo maro balse amaanka cidii wax u dhinta gacan bir ah lagu qaban doono.

Golaha amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo jeediyay in wacyi galin la siiyo Bulshada la xidhiidha sidii ay ciidamada amaanka ugu gacan siin lahayeen sugida amaanka sidii lagu yaqaanay si mar danbe dhibkan oo kale uuna usoo noqon.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Keligii Taliyihii Hore Ee Dalka Bangaladesh Oo Geeriyooday

$
0
0

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —eneral Xuseen Maxamed Irshaad oo Talada dalakasi Afgembi Milliteri ku qabsaday sannadkii 1982-kii ayaa la sheegay inuu maanta geeiyooday  isagoo 89-jir ah.

 

Jeneral Irshad oo talada hayey dalkaasi sannadihii 1982-kii ilaa 1990-kii waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka Milliteriga oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dhaka.

Walaalkiisa ayaa xaqiijiyey inuu Jeneral Irshaad u geeriyooday xanuun muddo dheer ka hayey Kelyahai yo sambabadda, iyadoo Isbitaalka la dhigay bishi ihore ee June 26-da, laguna xiray qalabka Bukaanka ka taageera nolosha ee (Life Support)-ga.

 

Marxuumka waxa uu ahaa Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Barlamaanka dalkaasi,waxaana Xilka Xildhibaanka loo doortay Doorashooyinkii dhacay sannadihii 2000, 2014-kii iyo 2018-kii.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

 

 

SWIRO:-Maxaa looga hadlay Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada?

$
0
0

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta arrimaha bulshada.

 

Shirka maanta oo ay ka qeyb galeen wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa looga hadlay horumarinta arrimaha bulshada iyo dardar gelinta fulinta qorshayaasha wasaaradaha u degsanaa in ay ku dhammaystiraan sannadkaan 2019.

 

Wasaaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka XFS ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay mareyso xaaladda bini’aadninimo ee ka jirta guud ahaan dalka.

 

Wasaaradaha qaybta ka ah tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa lagu war-geliyay in la billaabayo isla xisaabtanka lagu daba gelayo wixii wasaaradaha uga qabsoomay halbeegyada sannadkaan u qorsheesnaa ee ay ballan qaadeen fulintooda.

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

SAWIRO:-Madaxweyne Laftagareen oo kulan la qaatay wafdi ka socda DFS & QM

$
0
0

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Wafdigan oo isugu jira Wakiilka Qaramada Midoobay Uqaaabilsan Arrimaha Dacadiyadaha Ka dhanka Haweenka Goobaha Dagalada Ka socoda iyo wasiiradda Haweenka Xuquuqul insaanka Dowladda Fedaralka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay gaareen  Magaalada Baydhabo.

 

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaradaha Baydhabo ku soo dhaweyay Lataliyaha Madaxweynaha KGS ee Arrimaha Haweenka iyo Wasiirka gaarka Maareynta Masiibooyinka DGKGS .

 

Intaasi ka dib ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen , Waxana Kullanka qeyb ka ahaa wasiirada wasaradaha Qorsheynta , Gar gaarka Maareynta iyo Masiibooyinka, Cadaaladda Iyo Garsoorka , Haweenka iyo Xuquuqul insaanka DGKGS iyo Mas’uuliyiin kale.

 

kullanka Ka dib ayaa si wada jir ah ula hadleen Warbaahinta, Waxaana ugu horeen Halkaasi ka hadley Wakiilka Qaramada Midoobay U qaaabilsan Arrimaha Dacadiyadaha ka dhanka Haweenka Goobaha dagaalada Ka socoda pramilla patten iyo Wasiiradda Haweenka Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin, Waxana ay sheegeen Ujeedka ay  gaareen Magaalada Baydhabo, in ay tahay sidii dowlad Goboledka Kgs u gala shaqeyn lahaayeen horumarminta Arrimaha Haweenka.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa waxaa uu sheegey in Kulanka ay la qaateen wafdiga Ka socoda Qaramada Madoobey iyo DFS,ay kawada hadleen sidii udub dhaxaad ugu noqon lahayeen Haweenka Maamulada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Wasiir Sadiiq Warfaa oo shir ka furaya Magalada Garoowe

$
0
0

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa la filayaa in Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa uu ka furo shir muhiim ah oo ku saabsan Arrimaha Shaq Abuurka Dhalinyarada.

 

Shirkaasi oo socon doona mudo Saddex Cisho ah ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’).

 

Shirka waxaa ka qeyb geli doona dhamaan Wasiirada Shaqada ee Dowlad Goboleedyada dalka ka jira,waxaana Wasiir sadiiq Warfaaf oo sheegay in muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Maamulka Jubbaland oo ka digtay in la siyaasadeeyo Amniga

$
0
0

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan sheegay in marnaba maamulka Jubbaland uusan gorgortan ka galeyn amniga deegaanada Mamulkaas.

 

Waxa uu sheegay in dhamaan heegan la geliyay Ciidamada kala duwan ee dowlad Goboleedka Jubbaland,waxaana uu ka digay in la siyaasadeeyo amniga deegaanada Jubbaland,isaga oo sheegay in marnaba Jubbaland ogolaan doonin.

 

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa imaanaya xilli Gelinkii dambe ee Jimcii weerar ku bilaawday qaraxyo lagu qaaday Hotel Cas-casey oo ku yaalla Magaalada Kismaayo,weerarkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 


Shabaab oo soo saaray Amar ka dhan ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka

$
0
0

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —War kasoo baxay Maanta oo Isniin ah hoggaanka Sare ee Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa baaq iyo farriin culus loogu diray ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka & kuwa Dowlad goboleedyada ka jira dalka.

 

Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab oo ku qoran luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa  looga dalbaday Ergada soo dooratay xildhibaannada Golaha Shacabka iyo kuwa Dowlad goboleedyada in mudo 45 Maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneysa 15/7/2019 kuna Eg 1/9/2019 ay iska diiwaangeliyaan goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.

 

Waxaa bayaanka lagu sheegay in ergada ay galeen qalad weyn loogana baaha yahay inay kasoo laabtaan,iyada oo loogu hanjabay cidii ka dhega adeegta Amarka Al-Shabaab ay tallaabo ka qaadi doonaan.

 

Warkaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa imaanaya xilli todobaadkii hore Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka uu kulan uu lahaa Goaha Shacabka ka hor sheegay in Ergadii soo dooratay ay u yeereen Al-Shabaab,isla markaana ay jiraan deegaanka Iidaale ee Gobolka Baay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

Soomaaliland oo shaacisay cida siideysay Markabkii siday Xoolaha

$
0
0

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —Saacadihii la soo dhaafay ayaa Warbaahinta dalka qaarkood waxa ay tebisay in amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya lagu siidaayay Markab sida Xoolo farabadan oo uu ka qaaday dekadda Magalada Berbera,hayeeshee sacuudiga uu ku xayiray dekad ku taalla dalkaas.

 

Hayeeshee waxaa warkaasi sicad u beeniyay Maamulka Soomaaliland oo sheegay in Markabkaas aan lagu siideyn amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), isla markaana wararka ay baahiyeen Warbaahinta uu yahay mid aan waxba ka jirin.

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliland Cabduqaadir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Soomaaliland kula jirto dagaal Ganacsi oo adag,isla markaana Markabkii xoolaha siday ay wadahadal kusii daayeen dad Ganacsato waaweyn oo Reer Soomaaliland ah.

 

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay haatan tahay mid dooneysa in Soomaaliland kasoo xirto meelo badan,hayeeshee taasi aysan soconeyn, isaga oo sicad u sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya uu siidaayay Markanka Xoolaha siday ee ku xayirnaa dekadad ku taalla dalka Sacuudiga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

SAWIRO:-Sidee Madaxweynaha Hir-Shabeelle loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb?

$
0
0

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta waxaa ay  gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaaa Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxa Xukumadda Galmudug  Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiirka Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka Soomaaliya,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug qeybaha kala duwan ee Bulshada Dhuusamareb.

 

Wafdiga Madaxweyne waare ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana wararka sidoo kale sheegayaan in Madaxweyne Waare iyo Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ay ka wada hadli doonaan xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

SAWIRO:-Wasiir Beyle oo shir guddoomiyey kulan muhiim ah

$
0
0

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha iyo hufnaanta Maaliyadda dalka Soomaaliya.

 

Shirka oo todobaadkii mar la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin deyn cafinta iyo horumarka dhaqaale ee la gaaray, iyada oo Xubnaha Shirkaasi ka qeyb galay ee Xukuumadda Soomaaliya ku bogaadiyeen horumarinta Dhaqaalaha dalka.

 

 

“Deyn cafis iyo horumar dhaqaale waa mid dhamaanteen noo wada taalo, waana sababta ay muhiim noogu tahay in aan si wadajir ah u shaqeyno ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ku dadaaleyso sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka si Soomaaliya looga cafiyo deynta lagu leeyahay,waxaana kobcinta dhaqalaha dalka soo dhaweeyay hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

SAWIRO:-Kulan u socdo Madaxweyne Waare & Odayaasha Dhaqanka Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Maanta gaaray Dhuusamareeb & Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa ay kulan la leeyihiin Odayaasha & Waxgaradka Gobolka Galgaduud.

 

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlayaa xal u helida dagaal laba beelood oo kazoo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ku dhexmaray deegaano hoostaga degmooyinka Matabaan & Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

 

 

U jeedada ugu weyn ee uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle u tegay Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay aheyd xal u helida dagaaladaas oo ahaa kuwa soo lab laabtay,waxaana kulanka la filayaa in Go’aano laga soo saaro.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Viewing all 19444 articles
Browse latest View live