Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo maanta kulan la qaatay fanaaniinta hobolalda Waaberi ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso sidii Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec loogu aasi lahaa Muqdisho. Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa daboolka ka qaaday in Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta [...]
↧