Warsaxaafadeed Abu Dhabi, March 4, 2014 | Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Abu Dhabi kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Isutaga Imaaraadka carabta, ahna wasiirka arimaha madaxtooyada Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta. [...]
↧