Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Madaafiic ku soo dhacday meel Madaxtooyada ku dhow

$
0
0

Muqdisho, 07 January 2016: Waxaa na soo gaartay in dowr madfac aan la ogeyn meesha laga soo tuuray ay ku soo dhaceen meel an ka fogeeyn Xarunta Madaxtooyada, kuwaasoo geystay khasaaro kala duwan.

Qof dumar ah ee magaceeda lagu sheegay Aamino Geedi iyo Qof kale shacab ah ayaa ku dhintay hal madfac oo ku dhacay Afka hore ee Xarunta Maamulka Degmada Wardhigleey.

Madaafiicdan qaar ayaa ku dhacay daarta lagu magacaabo Shimbiraale ee ku dhow Madaxtooyada, waxaana la soo sheegayaa inay dad rayid ah ka soo gaartay dhaawacyo.

Goob joogayaal ku sugan degmada Wardhiigley ayaa sheegaya in madaafiicdan uu khal khal geliyay dadkii rayidka ahaa ee ku dhaqnaa xaafadaha degmadaas.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Dowlada Federalka oo ku aadan madaafiicda ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyada.

Dhanka kale Hey’adda Nabadsugida ayaa dhowaan sheegtay inay fashilisay weerar madaafiic ah oo la doonayay in habeenkii sanadka cusub lagu garaaco Xarunta Xalane halkaas oo AMISOM u ah saldhigooda weyn.

.—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles