Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Macalin Amiin Baadiyow ayaa maanta siminaar kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha Wasaaraddaasi uga furay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho. Siminaarka oo socon doono muddo labo maalin ah ayaa waxaa wax ka dhigaya macalimiin qibrad u leh howlaha Wasaaradda, kuwaasi oo qeyb ka ah howlwadeenada Wasaaradda [...]
↧