Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Miino lagu aasay wadada Warshadaha oo ciidanka qarxiyeen.

$
0
0

Muqdisho, June 12, 2016: Ciidamada Qaranka, qeybta miino baarista ee Booliska Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay qarxiyaan miino lagu aasay laamiga Wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay ku wargeliyeen maamulka degmada Dayniile, markii ay arkeen miinada lagu aasay agagaarka Warshadii Birta.

Axmed Nuur Cabdi Siyaas, Guddoomiyaha degmada Dayniile, ayaa sheegay in ciidamada Booliska qeybta miino baarista ay la socodsiiyeen miinada, markii shacabka ay ku soo war geliyeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in miinadan la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada, balse wada shaqeynta shacabka ay la leeyihiin ay sababtay in la soo saaro miinada, lana qarxiyo.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay inay ka dambeysay miinooyin horay loogu qarxiyay meelo magaalada ka mid ah.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles