Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Faah faahin ka soo baxaysa diyaarado duqeeyay Galgala

$
0
0

Muqdisho, June 12, 2016: Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarado dagaal oo Afar maalin is xig xiga duqeyn ka geystay buuraha Galgala oo qeyb ka mid ah la rumeysanyahay inay ku dhuumanayaan xubno ka mid ah Al-shabaab.

Wararka waxay sheegayaan in diyaaradahan ay bartilmaameedsadeen dhowr saldhig oo Al-shabaab ku leeyihiin Galgala oo gobolka Bari ka tirsan balse khasaaraha lama oga inta uu la egyahay.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka waxay inoo sheegeen in duqeyntan ay jirto islamarkaana diyaaradaha fulinaya ay yihiin kuwo qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter.

Dowladda Puntland kama aanay hadal duqeyntan, waxa ay kala socoto, dalka laga leeyahay diyaaradahadan iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay intaba.

Ma aha marki ugu horreeysay oo ay dayaarada duqeeyaan meelaha lagu tuhmaayo saldhigyada Ashabaab, balse tan qasaaraheeda inta uu la egyahay lama hayo.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles