Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Mudug oo xalay lagu dilay Gaalkacyo

$
0
0

Muqdisho, June 9, 2016: Guddoomiyaha Haweenka gobolka Mudug ee Puntland, Dhudi Yuusuf Axmed ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dilay haweeneydan, iyagoo durbaba goobta ka baxsaday, waxaana socda baaritaano.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xilliga la dilayay ay ku sugneyd afaafka hore ee gurigeeda, isla markaana uu dhacayay aadaanki maqribka.

Dilalka loo geysanayo dadka wax galka u ah bulshada, ayaa ku soo badanayay Waqooyiga Gaalkacyo, iyadoo bil ka hor lagu dilay Gaalkacyo Ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cumar Dheere “AUN” aadna looga yaqiinnay bulshada dhaxdeeda.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles