Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Amniga Cadaado oo la adkeeyay

$
0
0

Muqdisho, June 8, 2016: Maamulka Galmudug State ayaa adkeeyay amniga guud ee degmada Cadaado, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagau arkayo magaalada gudaheeda iyo dibaddeeda.

Cumar Macallin,Taliye ku xigeenka Booliiska Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in bisha Ramadan awgeed ay ciidanku sii xoojiyeen ammaankaa.

Waxa uu tilmaamay in degmada Cadaado kaliya amnigeeda la adkeyn ee deegaannada Galmudug iyaguna sidaan oo kale amnigooda loo adkeeyay.

“Ammaanka waan adkeenay ciidamo badan ayaa howlgalaya habeen iyo maalin, roondo ayaa socota, cid walbo oo amni xumo wado gacanta ayaan ula tageynaa” ayuu yiri Taliye ku xigeenka.

Al-shabaab ayaa laga baqayaa in bisha Ramadan ay weerarto meelo badan oo ka mid ah dalka, sidaa darteed maamullada iyo DFS waxay adkeeyeen amniga dalka guud ahaan.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles