Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Maamulihii Somtel ee Gobolka Mudug oo xalay lagu dilay Gaalkacyo

$
0
0

Muqdisho, May 8, 2016: Cumar Cabdulle Maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ee Gobolka Mudug oo ku magac dheeraa Cumar Dheere ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Kooxo hubeysan ayaa Allaha u naxariistee Cumar Dheere ku dilay agagaarka masaajidka Salaama ee waqooyiga Gaalkacyo, kadib markii uu ka soo baxay salaadii Maqrib.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhalinyaro ku hubeysan bastoolado ay dhowr xabadood kaga dhifteen marxuumka qeybhaa sare ee jirka, kuwaasoo goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howl galo ay ka sameeyeen xaafadaha waqooyiga Gaalkacyo waxay ku soo qabteen dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan dilka.

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay inay sharciga la horkeenayo cid alla cidii ku cadaata dilka Cumar Dheere oo horay u soo noqday Guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Mudug.

Ma jirto cid sheegatay dilka Ganacsadahan, hase ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonayaa dilal dadka wax galka u ah bulshada loogu geystay Gaalkacyo muddooyinkii u dambeeyay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles