Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti

$
0
0

Muqdisho, May 7, 2016: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo maanta ka ambabaxay Muqdisho, ayaa gaaray magaalada Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle kaddibna waxaa loo gelbiyay qasriga madaxtooyada ee Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalkaasi u tegay ka qeybgalka munaasabadda caleema saarka madaxweynaha dalkaasi, mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleeystay doorshadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday wadankaas.

Dhanka kale labada madaxweyne ayaa la filayaa iney ka wada hadlaan arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo badan oo ay yeeshaan labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles