Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Webiga Shabeelle oo ku fatahay tuulooyin hoostaga Jowhar

$
0
0

Muqdisho, May 7, 2016: Webiga Shabeelle ayaa tuulooyin dhanka bari kaga beegan magaalada Jowhar oo qiyaastii u jirta in ka yar labo km, ka sameeyay fatahaad, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka degan nawaaxiga webiga Shabeelle.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Shabeelaha Dhexe Abuukar Bacadle ayaa ku soo waramay in tuulooyinka uu webiga ku fatahay ay ka midtahay  tuulada Baxayaxow oo ka tirsan deegaanada ku teedsan webiga Shabeelle.

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa dadaal ugu jira sidii fatahaadda biyo xireenno loogu sameyn lahaa, si looga hortago in uu geysto qasaare intaa ka badan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles