Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay degmada Galcad ee G/Galgaduud

$
0
0

Muqdisho, April 29, 2016Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka si buuxda ula wareegay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud kaddib markii ay ka faramaroojiyeen maleeshiyaadki Shabaab ee dhibaatada ba’an ku hayay bulshoweynta ku nool degmadaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa saaka ka soo ruuqaansaday tuulada Bud-Bud oo 30 Kiilo Mitir dhinaca galbeed uga toosan degmada Galcad, iyadoo ciidamadu ay si nabadgelyo ah kula wareegeen degmada Galcad kaddib markii ay isaga baxeen maleeshiyaadkii Shabaab.

Bulshada ku nool degmada Galcad oo dhib ku qabay maleeshiyaadka Shabaab ayaa si diirran u soo dhaweeyay ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM, iyagoo isugu hambalyeeynaya neecowda gobanimo oo sideed sano kaddib ay saaka heleen.

Isla markiiba, Ciidamada ayaa baaritaano ka bilaabay xaafadaha ay ka koobantahay degmada Galcad, iyagoo dhinaca kalena fariisino ka sameystay duleeddada magaaladaasi, waxeyna ku sii raad joogaan firxadka maleeshiyaadka Shabaab ee saaka ka baxay Galcad.

Wixi nagu soo kordha, halkan kala socda

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles