Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta xukun dil ah ku fulisay Xasan Xanafi

$
0
0

Muqdisho, April 11, 2016: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Xasan Xanafi Xaaji oo ku luglahaa dilalka shan wariye oo ay ku jiraan Sheekh Nuur Maxmed Abkey, Tifaftirahii Wakaaladda SONNA, Saciid Tahliil Warsame Agaasimihii Horn afrik, Mukhtaar Maxamed Hiraabe Agaasimihii Idaacadda Shabeelle iyo kuwa kale.

Xasan Xanafi oo Shabaabka u qaabilsanaa dilalka suxufiyiinta, isla markaana ay ku cadaatay in uu ku luglahaa dilalka wariyeyaal dhowr ah ayaa lagu fuliyay xukunkii cadaaladda ee ahaa dilka toogashada.

3-dii bisha Maarso ayay ahayd markii Maxkamadda darajada Koowaad ay ku xakuntay dil toogasho ah, iyadoo Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ay 26-kii Maarso ku raacday xukunkii dilka ah ee ay riday Maxkamadda darajada koowaad, sidaas ayeeyna ku dhamaatay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles