Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay isgoyska Beexaani

$
0
0

Muqdisho, April 9, 2016: Waxa la sheegayaa in ugu yaraan 3 ruux ku geeriyootay 10-kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari lagu soo xiray walxaha qarxa la hordhigay goob maqaaxi ah oo ay ka cunteeyaan shacabka, taasi oo lagu magacaabo Rajo oo an ka foogeyn Cinema Xadarmoud.

Goobta qaraxa ka dhacay oo ku taala xaafadda Beexaani ee degmada Shibis ayaa waxaa ku nafwaayay shacab goobta ka cunteynayay, iyadoo dadkii ku dhaawacmay loola cararay Cisbitaalada Muqdishu.

Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo ka hadlay dhacdadaas xanuunka badanne, ayaa sheegay in uu indhahiisa ku arkay meydka 3 ruux, isagoo xusay in qaraxu uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo la dhigay goobta maqaaxida ee ku taala xaafadda Beexaani. Waxaa la sheegay in guriga y maqaayadda ku taal uu lahaa Naasir Cali Maslax, kasoo uga tegay dhaxal ay carruurtisa leeyahiin

“Saddax qof ayaa ku dhimatay oo aan arkay, oo ay ku jiraan carruurta kabaha caseeya iyo dadkale, waxaana suurta gal ah in tirada dhimashada ay intaas ka badato” ayuu yiri Makaraan.

raj_2

raj_4

raj_1

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles