Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Degmo cusub oo lagu soo daraayo Gobalka Baaadir iyo khilaaf xoogan oo ka taagan

$
0
0

Muqdisho, April 3, 2016 Warar huban oo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Yusuf Xusen Jimcaale uu doonaayo in degmo cusub uu ku soo daray Gobalka Banaadir si uu 18 degmo kaga dhigo.

Gudoomiye Yuusuf, ayaa wada qorshe ah in deegaanka Garas-Baaley degmo ka tirsan Gobalka Banaadir ka dhigo isaga oo maalmihii ugu danbeeyay qorshahaan ka dhaadhicinaayay M/weyne Xasan Sheekh.

Sida an ognahay deegaanka Garas-Baaley ayaa waxa ay xad la kala wadaagtaa degmooyinka Deyniile iyo Kaxda waxa ayna hadda deegaan ahaan hoose tagtaa Gobalka Sh/Hoose ee uu ka taliyo maamulka Koofur Galbeed.

Degmada Kaxda maamulkeeda ayaa diidan qorshahaan cusub waxa ayna sheegeen in deegaankan uu ka tirsan yahay degmadooda iyagana uu qorshaha ugu jiro arimaha deegaankan.

Waxa kale oo la sheegayaa in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Gobalka Banaadir la geeyay deegaankaasi si ay u xaqiijiyaan in degmo ahaan loo aqoonsan doono halkaasi marka u digreetada soo saaro M/weyne Xasan, waa hadii ay dhacdo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles