Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Hanti Dhowr qaranka oo lacagaha uu qaado Gudoomiyaha Gobalka Banaadir xaaraan kutilmaamay

$
0
0

Muqdisho, April 2, 2016 Kulan uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Hanto dhowraha guud ee Qaranka islamarkaana ay ka soo qeyb galeem Agaasimayaasha Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ayaa looga hadlay sidii looga hortagi laha Musuqa ka jira dalka ee dhinaca Dhaqaalaha.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax,ayaa sheegay in Lacagaha ay qaadaan Maamulka Gobolka Banaadir ee laga qaado Guryaha uu yahay mid aan sharciga waa faqsaneyn sidoo kalena iska hor keenaya shacabka iyo Dowladda.

Waxaa uu Xaaraan ku tilmaamay Guryaha la cabbirayo ee dherer iyo Ballaca lacagta looga qaadayo,waxaana uu sheegay in aysan jirin Adduunka meel laga isticmaalo in Guriga noociisa iyo Dherer iyo Ballac lacag looga qaado.

Maamulka Gobolka Banaadir ayuu sheegay in ay warqad u qoreen,taas oo amreysa in la joojiyo Lacagaha ay Degmooyinka ka qaadaan Guryaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in kaliya Boonada Xisaabiyaha guud ay tahay midda saxda ah ee lagu qaadi karo  Canshuur,waxaana uu ka digay in degmo kasta ay yeelato Boono u gaar ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles