Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

“Waxaa diyaar u nahay inaan ciidan u dirno Puntland hadii laga tan bato ama ay naga codsadaan”

$
0
0

Muqdisho,18 March 2016: Jen. Cali Baashi Maxamed Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in Maamulka Puntland ay u diraan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka, si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka dhoofayeen labo diyaaradood oo hub u sida Puntland ayuu sheegay in hubkan uu qeyb ka yahay taakuleynta ciidamada.

“Marka Ciidan laga taakuleeyo xaga hubka, saanada, rasaasta iyo raashinka, waxaa dhismaya moraalka ciidanka, maantana halkan waxaa ugu diraynaa saanada hubka ah Ciidamada qeybta 54aad ee Puntland”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka.

Waxaa kale uu sheegay in taakuleynta ay siinayaan ciidamada Puntland ay noqon doonto mid joogto ah, isagoo xusay in hadii Ciidamada Puntland ka codsadaan ama laga tan-bato ay ciidamo ka tirsan xoogga dalka u dirayaan.

“Hadii laga tan bato ama ay naga codsadaan ciidamo ayaa u direynaa”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Cali Baashi.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in aanay u baahneyn ciidan ka socda AMISOM ama kuwa ka tirsan dowladda Federaalka in loo soo diro deegaanadeeda, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Boqolaal dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa 14-kii bishan deegaano dhaca xeebaha oo ka tirsan Gobollada Mudug iyo Nugaal kaga degay doonyo dheereeya, iyadoo dagaalyahanada ay deegaano ka tirsan Nugaal kula dagaalamayaan ciidanka Puntland.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles