Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Ra’iisul wasaare Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Talyaaniga

$
0
0

Muqdisho,15 March 2016: Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ah sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxda dalka Talyaaniga, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga la socda waxa ay warbixin ka dhageysteen safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga oo ka warbixiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku nool iyio sida xaladooda tahay.

 

IMG_8458IMG_8462IMG_8472IMG_8464

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460