Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ku Wajahan Magaalada Beledweyne.

$
0
0

Muqdisho,13 March 2016: Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan. Ujeedka waftigaani ayaa lagu sheegay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa Xal laga gaaro Arrimaha Siyaasadda ee ka taagan Magaalada Baledweyne, xilli  Waxgaradka Gobolka Hiiraan intooda badan ay diidan yihiin tagitaanka Shirka Magaalada Jowhar.

Madaxweeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowrjeer gaarey magaalada Beledweyne ayaa ku guuldaraystay inuu reer Hiiraan ku qanciyo inay kulaabtaan shirka larabo inuu dib uga furmo Jowhar. Ammaanka garoonka Ugaas Khaliif oo ay dhowaan qaraxyo kadheceen ayaa la adkeeyey waxaana magaalada laga dareemayaa u diyaar garowga soodhoweynta ra’iisul wasaaraha.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles