Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Dagaal Ka Socdo Magaalada Dhuusamareeb

$
0
0

Muqdisho,2 March 2016: Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegay in saacadu marka ahayd,12:30 saqdii dhexe uu dagaal ka bilowday magaaladaasi.

Waxaa la sheegayaa in dagaalka uu ka socdo dhowr jiho oo magaalada ah,iyadoo dadka magaalada ay hurdada kaga tooseen dhawaqa rasaasta fudud iyo tan culus oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dhuusamareeb.

Ilaa hada lama oga dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dhuusamareeb,laakiin qaar ka mid ah dadka shacabka ah ayaa sheegay in dagaalku uu u dhaxeeyo Culumaa;udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Maamulka Galmudug.

Weli lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka,iyadoona wali la maqlayo dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya dad badanna la yaabo in ka qaxaan magaalada.

Wixi nagu soo kordha halkaan kala socda.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles