Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Mudane Ayad Allawi Oo Khudbad U jeediyey Baarlamaanka Soomaaliya.

$
0
0

Muqdisho, 11 February, 2016: Ninki Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Ciraaq ahan jiray, Ayad Allawi, ayaa khudbad uu u jeediyey Golaha Wakiilada Soomaaliya uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay usoo usoo dhoweeyen, sidoo kalena wuxu u mahadceliyey Raysal’wasaare Cumar Cabdirashiid oo ku qaabilay Gegida diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Mr Allawi ayaa Dalka Soomaaliya ku tilmaamay mid ay ka muuqato ifafaale nabadeed amaankiisuna sii hagaagayo,wuxuna Dawladda Xasan Shiikh ugu baaqay inay sii laba jibaaraan dadaalada lagu xasilinayo dalka. Dhanka kale Af-hayeenka Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa ka mahadceliyey booqashada Mdaxweyne ku xigeenkii hore ee Ciraaq Mr Allawi uu ugu yimid Aqalka Golaha Shacabka ee Soomaaliya. Weli Khudbada waxa ay ku saabsaneeyd lama faafin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles