Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

General Cali Gaab oo ka hadlay madaafiic shalay ku dhacday meel an ka fogeeyn Madaxtooyada.

$
0
0

Muqdisho, 02 February, 2016: Gen.Cali Xirse Barre “Cali Gaab” oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay madaafiic qasaare geysatay oo shalay ku dhacday meel aan ka fogeyn dhismaha madaxtooyada  ee magaalada Muqdisho.

Gen Cali Xirse Barre Cali Gaab ayaa sheegay in madaafiicdaasi laga soo tuuray gudaha degmada Wardhiigley ayna ku dhaceen isla degmada Wardhigley.

Taliye Cali Gaab, ayaa intaa ku daray in Madaafiicda dadka soo tuuray ay wateen gaari Nooho ah  ayna xirnaayeen tuutaha Milatariga Soomaaliya.

“Waxaan ogaanay dadka ka dambeeyay weerarka gaariga ay wateen waxaan rajeyneynaa in aan soo qabano oo aan sharciga horkeeno.”ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir.

Jeneralka ayaa intaa ku daray in Ciidamada Booliska Soomaaliya ay baaritano ku hayaan dadkii ka dambeeyay madaafiicda lagu  soo tuuray agagaarka madaxtooyada oo doonayay in dad ku wax-yeeleyaan

Ma aha markii ugu horeysay ee ciidamada Boolisku sheegaan inay baaritaano ku hayaan dad ka geystey dambiyo magaalada Muqdisho, balse la arki doonee, cidi loo soo qabto falkaan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles