Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Shariif Xasan oo Mooshin laga geynayo baarlamaanka K/galbeed

$
0
0

Muqdisho, 24 January, 2016: Warar ka imaanayo magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in qaar ka  mid ah xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed, in ay mooshin ka wadaan Madaxweynaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaano tiradooda ay gaarayso 72 xildhibaan ayaa la sheegay in ay qorsheynayaan in mooshin ka dhan ah Shariif Xasan ay hordhigi doonaan kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka.

Mudanayaasha Mooshinka wada ayaa sheegay in Mooshinkoodu uu ku qotomo la xisaabtanka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay sheegeen inuu isku koobay awooda Maamulka Koofur Galbeed iyo arrimo ay ka md yihiin in wax laga weydiiyo ammaanka iyo isdabamarin arrimaha  dhaqaalaha.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aadan, ayaan wali ka  hadlin mooshinka ay wadaan 72 xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.

Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa noqonaya baarlamaan goboleedkii ugu horeeya ee qorsheeya in Madaxweynahiisa uu ka keeno mooshin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles