Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Waa Musiibo in dadka la dilo iyagoo ku dhawaaqaya Magaca Ilaah”

$
0
0

Muqdisho, 29 December 2015: Gudoomiye ku-xigeenka hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa Sheegay in ay wanaagsan tahay in loo midoobo faafinta Diinta Islaamka.

“ in wax leeska sheeg sheego iyo in leys Aflagaadeeyo Culayskeeda Waan soo Aragnay dadkaan Shabaab ka ah Samada kama soo dagin waa dad nala jooga, Marka waa inaan bulshada Soomaaliyeed aanu si isku mid ah Diinta Islaamka ugu Sheegnaa” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Tan kale, kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa Musiibo ku tilmaamay falalka Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ku dilayaan dadka Muslimiinta ah iyagoo waliba Ku dhawaaqaya Magaca Ilaah.

“Haddii amni lagu heli waayo  Magaca Ilaah waa Musiimo Culimooy waxaan u Baahannahay inaan musiibadaas midnimo uga hortagno dadkaas waa cadowga ilaah, dadkaas waxa ay u baahanyihiin haddii ilaahey hanuun uqoro inaan hanuunino haddii kale waa inaan u midownaa inaan ka hortagno” ayuu markale yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles