Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Gudoomiyaha X/weyne “Cali Gaab ayaa igu riday xabado si uu ii dili balse waan badbaaday“

$
0
0

unnamed-512-620x264

Muqdisho, 24 December 2015: Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir, Cabdulqaadir Maxamed Cabdiqaadirr ayaa taliyaha booliska gobalka Banaadir ku eedeeyay inuu ku xad gudbay shaqadii maamulkiisa.

Gudoomiye Cabdulqaadir Maxamed Cabdiqaadir  wuxuu sheegay in taliyaha qeybta booliska gobalka Banaadir inuu soo weeraray degmada isagoo wata ciidamo badan intaas kadibna uu burburin ka billaabay xarunta wakaaladda Filimada ee wasaaradda warfaafinta oo degmada X/weyne ku taalla.

Guddoomiyaha X/weyne wuxuu sheegay in rasaas gaaraysa 5 xabad uu ku riday taliye Cali Gaab balse uu ka badbaaday, wuxuu kaloo sheegay in hal askari uu kaga dhaawacmay markii uu damcay inuu hor istaago burburinta Taliyaha uu ka sameynayay degmadaasi oo saaka aroorti laga billabay Xamar Weyne.

Ila hada lama garanaayo sida wax u dheceen, balse waxaa jira in maanta Xamar Weyne ka socoto burburin lagu hayo Gooba Ganacsi oo dad shacab ah ay leeyihiin.

Wixi war ah ee nagu soo kordho kala socda Qaranimo On lin

Halkaan ka dhegeeyso Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles