Muqdisho, 18 December 2015: Sheekh Shariif, Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka waramay xaalada Soomaaliya, ayaa sheegay in dalka waxyaabaha uu ka horumari la’yahay ay ugu horeeyaan Dagaalka Sokeeye iyo Siyaasadda Qabiilka ku salaysan.
“Dagaal haddii uu waxtarayo Somalia Horumar ayay ku gaari lahayd, Qabiil haddii uu Faa’ido leeyahayna Maanta dalka sidan ma ahaadeen, markaa waxaan leeyhay kuwa hurinaya Dagaal Beeleedka Caqligiina ha shaqeeyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalka uu ku filan yahay Shacabka oo dhan haddii Nabad jirto, balse uu Ciriiri ku noqonayo marki Dagaalka uu socdo, ee qofba qofka kale dilayo, barkicinayo.
Wuxuu ugu baaqay dhinacyada Dagaalada Qabiilka ku salaysan ku dhexmarayo dalka, inay Nabadda u dhega-nuglaadaan, oo ay u hogaansamaan Waxgaradka & Odayaasha Dadaallada ay wadaan ee Nabadda lagu raadinaayo.
.
——————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho