Muqdisho, 17 December 2015: Mid kamid ah Gawaarida Gaashaaman ee AMISOM wadato ayaa Goor-dhow Askari oo kamid ahaa Ciidanka Dowladda Soomaaliya ku dilay Deegaanka Tareedishe, ee ku dhow magaalada Muqdisho.
Wararka laga helay dadka Ddeegaanka, ayaa sheegaya in labo askari oo kale ay ku dhawaacmeen Shilka Gaarigaan, kaasi oo ay ku sheegeen mid AMSIOM ay si ula kac ah u sameysay. Baabuurta AMISOM oo socda ayaa waxaa Wadada ku hor-socday Gaari kale oo ay la oscdeen Ciidanka Dowladda Somalia, waxayna isku dayeen inay ka hormaraan, taasina ay keentay inuu Askarta ka dhacaan gaarigooda kadib mid kamid ah Gawaarida AMISOM uu dul maro.
Ma ahan markii ugu horeysay oo AMISOM Baabuurtooda ay Dad Shacab ah ama Askar ku disho Gudaha Gobolada ay ka howlwagalaan ee Koonfurta & bartamaha dalka Soomaaliya mana noqon doonto ficilki u dambeeyay ay ku kacaan, hadii an wax laga qaban.
.
——————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho