Muqdisho, 16 December 2015: Warar Afgooye naga soo gaaray ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 askari ee kamid ahaa Ciidanka Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya,lala beegsaday qarax ayaga oo ku sugan meel u dhow magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Dad goobjoog ahaa ayaa noo xaqiijiyay Qaraxa iyo dhaawaca Lixda Askari, ayagoo intaasi ku daray in Qaraxa kadib ay Ciidamo gaareen Goobta wax ka dhaceen oo ah meel u dhaw Beerta Aadan Seeraar, oo 1Km u jirta Afgooye.
Lama oga ila iyo hada inta uu la egyahay khasaaraha qaraxaas ka dhashay iyo cida falka geeysatay.
Wixi war ah ee soo korho, halkaan kala soco.
.
——————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho