Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo Shirki Wada tashiga ku timaamay mid Xaaraan ah.

$
0
0

Muqdisho, 15 December 2015: Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf oo kamid ahaa Mudanayaasha baarlamanka Somalia uga qayb galaya shirka Madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho oo shalay si furcadi leh uga hadlay Shirkii lagu qabtay Xalane, isaga oo si weyn u dhaliilay una dhaleeceeyay hanaanka lagu wado shirka.

Mudanaha ayaa sheegay hadii aan la keenin dadkii reer waqooyiga ee shirkaan u Mathali lahaa goboladda, Sool, Sanaag, Waqooyi/galbeed, Togdheer & Awdal uu shirkaani noqonayo Xaaraan laguna kala taggo. Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf ayaa waxaa uu caan ku yahay hadal cad, muwaadinimo iyo dal-jacayl, isaga oo aan qarin waxa uu qabbo.

Fikrada Xildhibaanka ayaa dad badan u riyaaqeen ayaga oo ku tilmaamay in uu yahay wadani isla markaana qiiro wadaninimo ay ku jirto.

Dadka doonayo in ay Mustaqbilka Soomaaliya la dhuuntaan waa in ay qaataan talada uu soo jeediyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf taas oo oo muujinayso xod ogaalnimo iyo waya aragnimada siyaasadeed.

Halkaan Hoose Ka Daawo

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19439

Trending Articles