Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo afar gaadiidka martida ka heshay Dowladda Korea.

$
0
0

Mogadishu, December 08, 2015 – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinysaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Korea deeq ka kooban afar gaadiid oo ah nooca martida oo loogu deeqay Waaxda habmaamuuska qaranka ee Wasaaradda.

Gaadiidkan ayaa Wasaaraddu u adeegsan doontaa martida shisheeye ee dalka soo booqata , waxa ay qeyb ka noqon doonaan dadaalo balaaran oo Wasaaradda lagu qalabeyn doono , laguna tayeyn doono habsami u socodka shaqo iyo shaqaale .

Wasaaraddu , waxa ay cadeyneysaa in isabadalada iyo horumarada ay hiigsanayso ay yihiin kuwa loogu adeegayo dadka iyo dalka Soomaaliya , laguna ilaalinayo madax banaanidiisa, qaranimadiisa,midnimadiisa iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

korea-somalai-baabuur-3korea-somalai-baabuur-2korea-somalai-baabuur-5korea-somalai-baabuur-1korea-somalai-baabuur-6

.

.

__________________________

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles