Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Xildhibaandda Baarlamaanka oo maanta ka hadlaaya Miisaaniyada 2016

$
0
0

Muqdisho, 9 December 2015: Kalfadhiga  kulanka Baarlamaanka Federaalka  ayaa maanta waxaa la horkeeni  doonaa Ajendaha  Miisaaniyadda 2016 oo ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyadda ee dawladda federaalka Soomaaliya lana marsiinayo  aqrintiisii koowaad

Waxaa kale oo kulankaan looga doonaa sharciga Beec xalaaleynta  iyo lacagaha Been abuurka aqrintiisii labaad.

Shuruucda  la horkeena Kulanadda Baarlamaanka ayaa waxaa la marsiiyaa ilaa 3-aqrin oo ay xildhibaanda Baarlamaan soo aqriyaan shuruucdaasi si suaalo loooga  weydiiyo.

Maalmo ka dib aqrinta 2aad sharciga ansixinta Miisaaniyada sannadka 2016,xildhibaanda ayaa  suaalo ka weydiinaya  wasaaradda Maaliyada Miisaaniyadda Dawladda 2016.

iyadoo aqrinta ugu danbeysa  dib loogula noqonaya guddiga  Maaliyadda e Baarlamaanka  ferderaalka.

Ansixinta miisaaniyadda dawlada 2016 ayaa muhiin ah in uu barlamaanka ansixiyo ka hor inta aysan dhamaan bisha desembar 2015.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

Trending Articles