Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460

“Danjire Afeey qeyb ayuu ka yahay Colaadda DALKA”

$
0
0

Muqdisho, 7 December 2015: Maxa’ed Cabdi Afeey oo ah Danjiraha IGAD u fadhiya Somalia  ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay Khilaaf & Dagaalka kasoo cusboonaaday Dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Maxa’ed Cabdi Afeey uusan ahayn qof dhex-dhaxaad ka ah Siyaasadda dalka, islamarkaana ku shaqeeyay Xeerka Diblomaasinimo.

“Maxa’ed Cabdi Afeey wuxuu ka hadlay Dagaalka Gaalkacyo, oo uu qeyb ka ahaa Wafdigii dhex-dhexaadinayay Labada dhinac, muxuu uga hadlai waayay Dagaalkii ka dhacay Kismaayo ee Shacabka lagu xasuuqay?,” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaan Jeesow wuxuu kaloo ku eedeeyay Maxa’ed Cabdi Afeey in wax badan ka ogaa Dagaalkii Kismaayo ka dhacay Juun, 2013 kaasi oo Ciidanka Kenya u hiiliyeen Garabka Axmed Madoobe, loogana awood roonaaday Barre Hiiraale.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19460