Quantcast
Channel: WARARKA MAANTA – Qaranimo Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida weriye Hindiya

$
0
0

HindiyoMuqdisho, 3 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyskii , eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed, geeridii ku timid Allah u naxariistee Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, oo u dhimatey dhaawacyo ka soo gaarey waxyaabaha qarxa oo gaarigeeda loogu xiray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in falka argagixiso ee lagu dilay marxuumad Hindiya ay ka tarjumeyso arxan darrada kooxaha sharwadeyaasha, oo ku dhiiradey inay nolosha dhaafiyaan hooyo Soomaaliyeed oo carruur agoon ah korinaysey.

Marxuumadda ayaa seygeeda ku weysey qarax sannadkii 2012-kii ka dhacay Muqdisho, kaas oo kooxaha argagixisada ay ku laayeen dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii ay ka tagteyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

.

.

__________________________

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19444

Trending Articles